Madaxweyne nin is giijiya oo gar-qaadan waaya. Cabdilaahi Yu

Dedicated for Somaliland politics and affairs.

Moderator: Moderators

User avatar
Ducaysane_87
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 3997
Joined: Sat Jun 06, 2009 1:38 pm
Location: Financing the Handcutter Company of Ina Godane

Madaxweyne nin is giijiya oo gar-qaadan waaya. Cabdilaahi Yu

Post by Ducaysane_87 »

Madaxweyne nin is giijiya oo gar-qaadan waaya. Cabdilaahi Yuusuf ayaa ugu danbeeyay,...."Faysal Cali

Hargeysa/SAllaxleynews–Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Faysal Cali Waraabe ayaa si adag u naqdiyay hab-dhaqanka Xukuumadda ee la xidhiidha geedi-socodka diyaar garowga hawlaha doorashada. Islamarkaana waxa uu ku eedeeyay Madaxweyne Rayaale inuu masuul ka noqon doono dhibaato kasta oo ka timaada dib dhac mar kale ku yimaada doorashada.

Gudoomiye Faysal Cali oo ku jooga booqasho gaar ah dalka Finland waxa uu ku dooday in haatan beesha caalamka iyo dalka gudihiisaba laga ogaaday dhibaato ayuu yidhi uu dalka geyaysiiyay maamulka Rayaale ee todoba jirsaday.“Wax la is qariyaba wadanka wixii dhibaatadda ku hayay hadduu caddaaday. Dhawr jeer ayaan hore u sheegay oo aan idhi dalkan looga imman maayo meel kale’e, waxaan uga baqayaa maamulka gacanta ku haya. Maantana, waataa doorashadii laga dhaqaajin karri la’yahay, Madaxweyne Rayaale.

Hore ayaan u sheegay in aanu diyaar u ahayn in dalkani socdo, waxay u egtahay inuu ka soo hor jeedo qadiyadda ka soo horjeedo. Waxaan idhi waxaa lagu sameyn karaa maamus ka xayuubin golayaashu ku qaadaan.” Sidaas ayuu yidhi Faysal Cali Waraabe, oo xalay u waramay Geeska Afrika.

Gudoomiyaha UCID oo xalay khadka Isgaadhsiinta xog-waran kooban ku siiyay wargeyska Geeska Afrika, waxa uu intaa ku daray oo uu yidhi. “Maantana Aduunkii iyo Rayaale ayaa iska hor yimi markii uu inagii inaga xishoon waayay. Dastuurkii dhawri waayay, dadkii doortay ka xishoon waayay, dalkii uu burburay. Ayaa dunidii ugu taag-la’dahay in si doorashadu u dhacdo wax ka bedel lagu sameeyo Komishanka.”

Faysal Cali Waraabe waxa uu sheegay in qodobkan oo ay ku xidhantahay dhaqaalaha beesha caalamku ku bixiso doorashada, waqti hore oo todoba bilood iyo dheeraad laga joogo loo soo jeediyay, balse Madaxweyne Rayaale illaa waqtigaas ka cagajiidayay. Haatana, markii ugu danbeysay caalamku shir ay arrintan go’aan kaga gaadhayaan laba maalmood dib u riixeen. “Todoba bilood ayaa hoos loola hadlayay oo loo sheegayay in aan la aamini karrin Komishanka, taasoo aanu mar hareba UCID ahaan ku talinay. Anagu waanu bedelaye, maxaa dhacay nin wanaagsan ayaanu keenay waana la ansixiyay.

Waxaana muuqata inay wax isla-qorshaysteen, haddaba waxaan u sheegayaa Rayaale iyo inta ku xeeran haddii doorashadaasi dhici weydo maanta, deeqbixiyayaashii waxay dib u dhigeen oo eegayaan laba maalmood go’aankii ay ka gaadhi lahaayeen waxa ay ka yeelayaan lacagta doorashada. Hadduu ogolaan waayo, maalinta ay deeqbixiyayaashu yidhaahdaan waanu joojinay lacagtii doorashada inay isagana (Rayaale) u dhamaanayso ogaada.” Sidaas ayuu yidhi Gudoomiyuhu. Waxaana uu intaa ku daray in labadaa cisho ka dib la ogaan doono in doorashadu ku dhacayso waqtiga loo qoondeeyay iyo in kale. “Haddii doorasho dhici weydo, markaa waxay noqonaysaa in la qaado waddo kasta oo xilka lagaga fur-furi karro.” Ayuu yidhi,

Eng; Faysal Cali Waraabe, waxa kale oo uu soo qaaday dhaqaale burbur iyo musuq-maasuq uu sheegay inuu dalka baabi’iyay mudadii maamulka Rayaale jiray iyo iibka dhulka danta guud iyo shaqaaqadda deegaanka Ceelbardaale. “Waad ogtihiin nabad-gelyadii iyo waxa ka dhacay Galbeedka dalka, waxaa galbeedka ka dhacay Gacan ayuu ku leeyahay Rayaale. Sababta oo ah meel dawladi joogto waxaas oo kale kama dhacaan.”

Gudoomiye Faysal oo la weydiiyay haddii ay jirto tallo ama arrin uu maanta u jeedin lahaa Madaxweyne Rayaale waxa uu yidhi. “Madaxweynaha waxaan leeyahay, nin is giijiya oo gar-qaadan waaya. Cabdilaahi Yuusuf ayaa ugu danbeeyay,.. waxaa ugu danbeeyay Siyaad Barre, ha ogolaado in doorasho dalkan ka dhacdo,. Dadku ma qaadi karaan toddoba sanadood in kabadan oo danbe.waa in uu shuruudaha ogolaadaa, haddii uu ogolaan waayana waxa dalka ka dhacay isaga ayaa ka mas’uul ah.” “Shacbigana waxaan leeyahay waa inaad hadashaan.” Ayuu yidhi


http://sallaxleynews.com/index.php?opti ... 4&Itemid=1
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Somaliland”