Madaxweyne Kuxigeenka Somaliland oo si diiran loogu soo dhaweeyay Magaalada Laascanod Daawo Sawirada
Written by Qarannews.
Apr 02, 2008 at 11:52 AM
Laascanood(Qaran)-Wefiti balaadhan oo uu hogaaminayo Maxadwayne Kuxigeenka Jamhuriyada Somaliland Mudane Axmed Yusuf Yasin
Ayaa si diiran loogu soo dhaweeyey magaalada Laascaanood ee Gobolka Sool, imaatinka weftida uu hogaaminayey M/kuxigeenku ayaa in dhawaydba laga sugayey Laascaanood iyo Gobolada Bari ee Somalilandba.
Ujeedada Socdaalka wefdigan ayaa lagu sheegay inay la xidhiidhi Dib u dhiskii gobolka Sool iyo u kuurgalka abaaraha ba’an ee ka jira gobolada Bari ee Somaliland taas oo ay hada masuuliyiinta Somaliland isku dayayaan sidii ay wax ugu qaban lahaayeen dadwaynaha ay dhibaatadu ka soo gaadhay abaaraha sii fidaya.
Weftida ayaa waxay ka koobnayd Golaha wasiirada, Golaha Wakiilada iyo Siyaasiyiin kale oo uu ka mid yahay Muadane Ahmed Abdi Xaabsade,
Mid ka mid ah baabuurtii soo galbisay madaxweyne ku xigeenka iyo waftigiisa oo ay saaranyihiin qaar ka mid ah ardayda dugisyad magaalda Laascanood oo iyagu ka mid ahaa dadweynihii maanta sida balaadhan u soo dhaweeyay madaxweyne ku xigeenka.
Ali Maxamed Warancade oo ah wasiirka duulista iyo hawda, wasiiru dawlaha arimaha gudaha soo dhawayntii waftida ayaa waxaa ka qayb qaatay dhamaan shacabka oo aan u kala hadhin ayaan orankarnaa iyo ilaa 150 gaadhi oo kala duwan ayaa lagu soo dhaweeyay iyo
caleemo qoyan iyo calanka Somaliland oo caruur iyo cirooleba ay ruxayeen, maanta waana masuulkii ugu sareeyay ee xukumada Somaliland ka socda ee booqda magaalda Laascanood, tan iyo intii ay mar labaad ay magaalada Laascanood soo gashay gacanta xukumada Somaliland, sideedaba magaalda Laascanood ayaa ah magaalo ka mid a magaalooyinka Somaliland, dhaqan ahaan deegaan ahaan intaba waxa ay la wadaagtaa magaalooyinka kale ee Somaliland, dadweyanaha reer Laascanoodna maanta waxa ay muujiyeen soo dhawayn iyo gacmo furan, taas badalkeedana waxa laga sugayaa dhamaanba shacabka iyo xukumada Somaliland oo balan qaaday in ay gobolka Sool soo gaadhsiin doonaan gobolada galbeedka oo iyagu horumar aad u balaadhan sameeyay.
Madaxwayne kuxigeenka iyo weftida ayaa ku degey Hotel Xamdi halkaas oo uu
Maxadweyne ku xigeenku qudbad gaaban ka jeediyey khudbadiisiina waxaa ka mid ahaa sida uu uga mahad celiyey sida ay u soo dhaweeyeen Shacabka magaalada Laascaanood, wuxuu kale oo sheegay Md/Axmed Yasin in ay u socdeen sidii ay wax uga bedeli lahayen raadiikii Maamulkii hore ee Puntland balse ay Gobolkiiba uu Abaar baaxad wayn ku jiro sidaas awgeeda ay arinta Abaara iyo Biyaa la’aanta ay wax ka qabanayaan hada,wuxuu kale oo uu sheegay M/wayne ku xigeenku dad intii isku dal ah ba ay isku dad tahay isku DAWLADNA tahay maraa aanan anigu sheegan karin Soomaalida Jabuuti,ta Kililka Shaan ee Ithoobiya ama konfurtaba.
Waxaa kale oo Xafladii ka hadlay Odayaal dhaqameen waxaa ka mid ahaa Caaqil Saleebaan Caabi (Bagaf),Caaqil Cali Maxmed Kaarshe iyo Caaqil Maxmaed C/laahi (Gadhyare),sidoo kale waxaa ka hadlay Uruuro Sama falka iyo Qaybo kale oo Bulshada ka mid ah.
Waxa sidoo kale maanta ka mid ahaa odayadii madaxweyne ku xigeenka iyo waftigiisa aad ula hadlay mid ka mid ah odayda reer Laascanood oo yidhaa Saleebaan Cabdi (Bagaf), oo isagu ka mid ahaa odaydii sida aadka ah ugu ololayn jiray maamulkii Puntland, waxa aanu sheegay in ay soo arkeen maamulkaasi, xagan Laascanoodna ay tahay magaalo ka mid ah Somaliland, maamulkii horena saaristiisii ay iska kaashadeen shicibka iyo xukumada Somaliland, oo aan aan anigu ka mid ahay, waxa aan soo dhawaynayanaa xukumada Somaliland, waxa aananu eegi doonaa waxa ay noo qabato oo aan ku qadarin doono ayuu ydhi oday Bagaf, oo hada aad ugu ololeeya qadiyada Somaliland, kana mid ahaa odaydii soo dhaweeyay madaxweyne ku xigeenka iyo waftigiisa.
Madaxwayne ku xigeenku wuxuu tegey goob kala duwan sida Xarumaha Gobolaka iyo Dawlada hoose sidoo kale wuxuu gaadhey Jiida hore ee Ciidanka Qaranka ka dibna wuxuu ku soo noqday Hotle Xamdi halkaas oo kula shirayo qaybaha bulshada, iyaga oo mamulka gobolka ku wareejin doona raashin iyo hawlihii biyo dhamiska ee loogu talo galay goobaha ay abaaraha xoogani ka taaganyihiin, caawimadana ma aha tii ugu horaysay ee xukumada Somaliland ay soo gaadhsiiso gobolka Sool, waxa hore ay xukumadu raashino iyo daawooyin ugu deeqday ama keentay gobolka, iyada oo xiligan uu cisbtalka magaalada Laascanood uu ka soo kabtay daawo laantii ku habstay xiligii ay maamulka Puntland ay maamuli jireen.
Lama oga ilaa xiliga ay ka ambabaxayaan weftidu Gobolka Sool balse waxaa la sheegay in ay ku laabanayaan magaalada Caynabo ka mid ahayd Goboladii la magacaabay dhawaan halkaas oo ay weftidu Xaflad ka qaybgelayaan sidoo kale waxay marayaan Gobolka Buuhoodlle, wararkale ayaa sheegaaya in madaxweyne ku xigeenka iyo waftigiisu ay toos ugu ambaba bixi doonaan gobolka Sanaag oo uu socdaalkoodu uu ka midyahay in ay soo maraan ama tagaan goobaha abaaruhu wax yeeleeyeen ee biyo dhaamisku ka socdo taasi oo ay xukumadu si balaadhan uga qayb qaadanyso xiligani.
some pictures of the event
http://www.qarannews.com/images/stories ... geen10.JPG
the vice president is isaaq
Jama M. ISMAIL
Qarannews
Laascaanood Somaliland
Ceerigabo is the capital of sanaag what makes one side of sanaag proper and the part not proper the maakhir state is not a fan of puntland every on knows that, when was the last time futtoole went to lasqoray , when did kulmiye promise if they win the election they will return you some land stop the lies beryahaan waad iska samaysata waxaad jeclaatiid