July 23 2009 The War In Mogadishu Continues 25 Dead!!!

Daily chitchat.

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
User avatar
Somalian_Boqor
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 10847
Joined: Thu Feb 15, 2007 2:56 am
Location: Fuck Faroole & His Supporters

July 23 2009 The War In Mogadishu Continues 25 Dead!!!

Post by Somalian_Boqor »

Mogadishu: Heavy fighting leaves more than 25 dead hundreds injured

Muqdisho: Wararkii ugu dambeeyey dagaaladii ka dhacay Hiiraan, Galguduud iyo Banaadir....Warbixin faahfaahsan.........
23. juli 2009

Baladweyn(AllPuntlad )- AllPuntland ayaa raadisay Wararkii ugu dambeeyey ee dagaaladii maanta ka dhacay gobalada Hiiraan, Galguduud iyo Banaadir ee Koonfurta & Bartamaha dalka Soomaaliya, isla markaasna ay dagaaladaasi udhaxeeyeen Al- Shabaab iyo Xulufooyinka kale oo ay ku jirto dowladda Soomaaliya, Ururka Ehlu Suna Waljameecah iyo ciidamada Midowga Africa, waxa ayna dagaaladan ahaayeen kuwa lugu sheegay in ay qorsheysay dowladda Faderaalka ee Soomaaliya.

Dagaalka Muqdisho.

Dowladda Soomaaliya ayaa saakadii hore abaabushay weeraro ay sadex geesood ah oo ay lafulisay xulufooyin kala duwan, kuwasoo ka dhacay gobalada Hiiraan, Galguduud iyo Banaadir oo ay dhamaantood kula dagaalantay Dagaalyahanada Al- Shabaab oo laf-dhuun gashay unoqday, isla markaasna udiiday in ay nastaan ciidamadoodu.

Dagaaladii cuslaa dhanka Madaafiicda ee maanta ka dhacay caasumada Soomaaliya ayaa hada hakad galay galabnimadan, sida ay sheegayaan Xogihii ugu dambeeyey ee AllPuntland ka soo gaaraya caasumada Soomaaliya, waxaana dhinacyada soo kala gaaray khasaare ay ka gaabsadeen in ay sheegtaan.

Afhayeenka Xarakada Al- Shabaab Sheekh Cali Maxamuud Raage oo loo yaqaano (Sheekh Cali Dheere) ayaa warbaahinta usheegay in ay guulo ka gaareen dagaaladii ka dhacay magaalada Muqdisho, isla markaasna ay qabteen goobo badan oo aysan horay uheysan, isagoo ku eedeeyey dowladda Soomaaliya iyo ciidamada Midowga Africa in ay Shacabka Soomaaliyeed madaafiic labeegsadeen.

Hadal hayeen uhadlay dowladda Soomaaliya oo ka jawaabayay hadalka Al- Shabaab ayaa beeniyey wararkasi, isagoo tilmaamay in ay ciidamadoodu joogaan dhamaanba deegaanadii ay xalay dagaaladu ka bilowdeen, wuxuuna kaloo sheegay in ay Madaafiicda deegaanada lugu tuuray masuuliyada ay leedahay Xarakada Al- Shabaab oo uu ku sheegay kuwa ka soo horjeeda amaanka Soomaaliya.

Tirada dadka dhintay ee dagaalada Muqdisho ayaa si wanaagsan loo ogeyn, balse goobaha caafimaadka ayuu AllPuntland ka soo xigtay in meydkooda la arkay dad dhan 25 qof oo rayid ah, isla markaasna ay dhaawacmeen oo la xaqiijiyey 125 qof oo rayid ah ayna soo gaartay rasaasta dhinacyadu ay adeegsanayaan.

Dagaalka Hiiraan.

Wararkii ugu dambeeyey ee ka soo baxaya gobalka Hiiraan ayaa sheegay in ay dagaalo qaraar ka dhaceen deegaano hoos yimaada deegaanadaasi,isla markaasna ay dagaaladan geysteen khasaare iskugu jira dhimasho iyo dhaawac, sida ay sheegayaan Ilo madax banaan.

Dagaaladan ayaa udhaxeeyey Al- Shabaab, Ehlu Suna iyo Maleeshiyaad lugu waramay in ay ka tirsan yihiin dowladda Faderaalka ee Soomaaliya oo maalmihii ugu dambeeyey dagaal diyaarinayay.

Dagaalka ayaa geystay khasaare waxaana ku nafwaayay dad lugu sheegay ugu yaraan 17 qof, sida uu AllPuntland usheegay xubin ka mid ah dadka caafimaadka oo aan saameyn ku laheyn dagaalka, waa sida uu sheegaye Xubintaasi oo diiday magaciisee kuna sugan magaalada Baladweyne.

Goobaha dagaaladu ay ka socdaan ayay jirin Isgaarsiin lugula xiriiro, waxaana adag markaas in la xaqiijiyo cida maamuleysay deegaanadii ay dagaaladu ka bilowdeen saakadii hore, balse war naga soo gaaray magaalada Baladweyn ayaa shaki galinaya in ay magaaladasi ka talinayaan maamulkii dowladda Soomaaliya ee degmadaasi uga wakiilka ahaa.

Dagaalka Galguduud.

Xarakada Al- Shabaab iyo Urur Diimeedka Ehlu Suna oo uu ka dhaxeeyo dagaalo qaraar ayaa saaka iska hor yimid meelo ka mid ah gobalka Galguduud, waxaana uu dagaalkan ka dhacay deegaanka Waxbo ee gobalka Hiiraan bartamaha dalka Soomaaliya, cida qaaday ilaa hada lama yaqaano weerarkaas.

Hadal hayeeno uhadlay dhinacyada ayaa xaqiijinaya in ay guulo kala gaareen, balse Warar madax banaan ayaa sheegaya in ay dhinacyadu wali ku sugan yihiin barihii uu saaka dagaalku ka socdey, isla markaasna aysan horukac dhinacna ka sameyn dagaalkan oo ahaa mid siweyn looga maqlayay hubka laysku adeegsanayo deegaanada halkaasi ka dhaw.

Ciidamada labada dhinac ayaa umuuqda in ay iskood ujoojiyaan Xabada galinkii dambe ee maanta, ayadoo wali ay jiraan xiiso colaadeed oo hada laga dareemaya deegaanada maadaama labada ciidanba ay isku yihiin kuwa isku muuqda, isla markaasna kala aaminsan fikrado fog-fog oo dagaalkooda ay ku sii wadi karaan.

Waxa ka dhaxeeya Sadexdan dagaaladan.

Wariyaasha AllPuntland ee falan qeeya Siyaasada iyo amaanka ayaa sheegaya in uu jiro karo xiriir ka dhaxeeya dagaaladan isku marka ka qarxay sadexda gobal oo ah meelaha ugu badan ee ay isku heystaan maamulidoodu dhinacyada dagaalamaya, waxaana ay qabaan Siyaasiin badan shakiga ah in ay dowladda Soomaaliya ay hubeysay Ururka Ehlu Suna Waljameeca, ayna isku afgarteen in dagaal ay ka bilaabaan gobalada Dhexe ee ay joogaan Al- Shabaab, si loo kala dhantaalo awooda Ururkan oo dowladda Soomaaliya ay quus ka taagan tahay.

Sidoo kale Siyaasiin kale ayaa dhinac kale ka eegaya, isla markaasna sheegaya in ay Al- Shabaab ayagu isku dayayaan in ay dowladda Soomaaliya taageerayaasheeda jooga gobaladaasi ay awoodahooda dhulka lasimaan, si ay ugu fududaato in ay la wareegaan gobalada Dhexe goobaha uga dhiman ee ay ku jiraan degmooyin ka tirsan labada Gobal ee Hiiraan iyo Galguduud ee bartamaha dalka Soomaaliya.

Aaminsanaanta dhinacyadan marka laga tago, dagaaladan ayaysan dani ugu jirin dad badan oo Soomaaliyeed, isla markaasna maanta ka baxay deegaanada lugu dagaalamay ee Sadexda gobal, waxaana soo baxaya walaac laga qabo sii badashada dadka guryahooda uga baxaya rasaasta sii kululaaneysa ee ka dhaceysa gudaha dalka Soomaaliya oo aan nabad ka jirin 20-kii sanno ee lasoo dhaafay, ayna ka saldhig dowlad Adag oo hanata amaanka Soomaaliya.

F. C. Maxamed
AllPuntland
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “General - General Discussions”