Reer Gabiley MUST

Dedicated for Somaliland politics and affairs.

Moderator: Moderators

User avatar
SahanGalbeed
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 19032
Joined: Mon Dec 31, 2007 5:48 pm
Location: Arabsiyo ,Somaliland

Reer Gabiley MUST

Post by SahanGalbeed »

act and hand over the criminals to the authorities !!
Yaa looga fadhiyaa inay keento ciddii fulisay falkii waxashnimo ee argagaxisada ahaa.

Shacabka Somaliland
maanta indhahoodu waxay ku jeedaan talaabada iyo ka hawl galka
ay Gabiley ay kaga jawaabaan arrinka ergadu uga fadhido....

Waxay meeshu u dhaweyd qiyaas ahaan Dila, gaar ahaana agagaarka jufada. waxay ahayd goor fiid ah sacadduna ku dhaweyd Abbaare 8dii caweysnimo. markaan ku soo dhawaaday meel qabriyo ah ayaan arkay dad hubaysan oo watay direys u eg kan ciidanka qaranka, afka iyo wejiyadana way duubteen. markii ay i joojinayeen waxa meesha taagnaa gaadiid farabadan oo tobaneeyo gaadhayey, waxaana xagooda aan ku arkayey gaadhi kale oo surf ah oo aanan midabkiisa aqoonin, balse lambarka gaadiidka dawladda sitay. Sidaa waxa yidhi: Qaasim
Muxumed oo ka mid ah cayaartoyga kubada kolayga ee Borame,kana baxsaday argagaxisada.

Waxa aan tacsi u dirayaa dhamaan eheladii iyo qaraabadii waddaniyiintii xaqdarrada iyo falka waxashnimada ah lagu laayay Jiffada agteeda,allaah samir iyo iimaan dhamaanteen haynaga siiyo.

Waxa cambaaraynayaa argagaxisada fulisay falkaa waxashnimada ah iyo ciddii
ku lug-lahayd.Waa fal la soo maleegay,looguna talo galay in lagu kala tuuro qaranka iyo jiritaanka Somaliland waxase baajiyay shacabka Somaliland oo ka bislaaday dagaal sokeeye iyo falalka qaran-dumiska ah.

Waxa mudnaan leh ergada isu xilqaantay daminta,kuna hawlan xal laga
gaadho mashaqada argagaxisadu fulisay. Mar hadday meesha ka maqantahay
xakamayntii dawladnimo oo maanta aynu aragno inaanay jirin dhaqdhaqaaq
dawladu fulisay,kuna fashilantay masuuliyadii ka saarayd sugidda nabadgelyada shacabka waxa lama huraan ah in dib loo jaleeco hab-dhaqankii
lagu yaqaanay bulshada ood-wadaagga leh ee Somaliland.
Aniga oo tix-raacaya weedha qoraalka ugu horaysa,lagana soo xigtay
waraysi lala yeeshay waddani ka baxsaday falkaa waxashnimo ee
argagaxisadu fulisay waxa aan meesha ka madhnayn hubinta cidda
wadatay gaadhiga uu cayaartoygu sheegay ee Surf-ka ah,sitayna
taarkada dawladda. Sida aan filayo waxay noqon kartaa ciddii wadatay
inay ku jireen qaybta la laayay,hadday sidaa tahay gaadhigiina ku jiro
kuwa ergadu ku wareejisay ciidamada booliska waa in dawladdu caddaysaa
marxuumka,haddii kale ergadu waa inay baadi goobtaa gaadhigaa taarkada
dawladda sitay iyo ciddii wadatay.Qodobka labaad ee waddanigu muujiyay
ee uu tilmaamay inay argagaxisada dirayskoodu u ekaa ka askarta dawlada.
Taasina waxay leedahay miisaankeeda hubineed.

Arrinka kale ee aan sina u qarsoomi karin waa ciddii fulisay in la soo qabto lana hor keeno sharciga islaamiga ah. Shacabka Somaliland waa bulsho aan sinaba ugu dhex qarsoomi karin argagaxisada noocan ahi.Markaa sida ergado cadaysay waxa looga fadhiyaa bulshada Gabiley inay si dhakhso ah ugu hawl galaan siday ku keeni lahaayeen raggii fuliyay falkaa waxashnimo iyo aduunkii socotada laga furtay,waa hadii ay koox ka tirsan Gabiley fulisay

Haddaanay jirin kooxdaa Gabiley ee tuhunka xooggani dusha ka saaranyahay,
waa ergada iyo ciidamada nabad ilaalintu dhinacyada kale baadhitaan xeeladaysan ugu qaadaan. Darafyadaa waxa ugu horeeya in laga gun
gaadho gaadhiga uu cayaartoygu tilmaanta ka bixiyay,lagaba yaabaa inuu
arrinka fure u noqdo.

Yaa looga fadhiyaa inay keento ciddii fulisay falkii waxashnimo ee argagaxisadu dhiigga waddaniyiinta ku shubtay, waxa looga fadhiyaa
bulshada iyo madaxdhaqameedyada Gabiley. Shacabka Somaliland
maanta indhahoodu waxay ku jeedaan talaabada iyo ka hawl galka
ay Gabiley ay kaga jawaabaan arrinka ergadu uga fadhido.

Allahayaw dadkayga caqliga ku soo celi oo jidka toosan nagu toosi.

Hussein Badmah
http://www.gabiley.net/
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Somaliland”