URURKA DHALINYADA KAVYO OO LA KULMAY SARAAKIIL SARSARE OO KA TIRSAN URURADA WADANIGAA
Hargeysa(Oodweynenews)-Ururka dhalinyarada ee Kaah Voluntary Youth Organization (KAVYO) ayaa waxay wiigan gudihiisa la kulmeen saraakiil sarsare oo ka tirsan ururada wadaniga ah ,kuwaas oo ay isku waydaarsadeen warar la xidhiidha sidii ururka dhalinyada ee KAVYO loo horumarin lahaa loona gacan qaban lahaa.
Hadaba kulankan oo ahaa mid aad iyo aad uxiiso badnaa dhinacyo farabadana lagaga wada hadlay ayaa waxaa goob joog ka ahaa xubnaha ugu sarsareeya ee ururka KAVYO sida BOD,Axecutie Director iyo Admin and Finance Kuwaas oo matalayay ururka KAVYO dhinaca kale saraakiisha ka socotay waxay kala ahaayeen Godoomiyihii Hore ee SONYO DR:Maxamed Yuusuf aw-Cali oo ku magacdheer Culimo iyo Maxamed Maxamuud Yuusuf oo isna ka socday Hayada DOS OF HOPE qaabilsana Qaybta waxbarashada.
Hadaba ugu horayn waxaa labadaa sarkaal warbixin afka iyo qoraalba ah siiyay gudoomiyiha ururka dhalinyarada ee KAVYO Mukhtaar Cabdi Jaamac,Mukhtaar wuxuu ku dheeraaday kaalinta ay KAVYO ka qaadatay horumarinta mujtamaca soomaliland,sodoo kale wuxuu ka soo sheekeeyey tan iyo markii la aasaasay ururkan dhalinyarada ee KAVYO 15 septermber 2007.waxyaabihii u qabsoomay oo uu ilaahay ugu mahadnaqay inay si wanaagsan ugu dhaceen,sidoo kae wuxuu gudoomiyuhu sheegay carqaladihii ka hor yimid iyo sidii ay ula tacaaleen una xaliyeen. Sidoo kale wuxuu gudoomiyuhu ka dhawaajiyay in ururka KAVYO uu marayo bartii ugu wanaagsanayd.
Intaa ka bacdi waxaa hadalka la wareegay gudoomihii hore ee SONYO DR:Maxamed Culimo Oo umahadnaqay gudoomiha iyo xubnaha kale ee kulanka kala soo qaybgalay.
DR Culimo wuxu ku dheeraaday doorka ay dhalinyaradu kaga jiraan bulshada wuxuu carabka ku adkeeyay in ay dadaalaan oo ay samraan una dul qaadan qarqalaha markasta ka hor imanaya,wuxuu sheegay in guuldarooyinka ku habsada ururada curdinta ah ee wadanka ay ugu horayso ama ay ka kawtahay sabir la’aanta.wuxuu sheegay inuu ku faraxsanahay ururkan KAVYO oo uu ogaa bilawgiisii laakin dadaal uu sameeyay ku mutaystay inuu noqdo ururada manta ugu mudan dalka gudihiisa.
Culimo wuxuu aad ugu dheeraaday faaidooyinka ay leedahay inuu qofku mutadawcnimo ugu shaqeeyo dalkiisa iyo dadkiisaba.
Sodoo kale culimo wuxuu sheegay in faaidada ururada ay ka mid yihiin in laga helo Xirfad oo uu ku shaqo tagi karo qofka ka faaidaystaa,inaad Hesho War ama (Information )taas oo kuu saamaxaysa inaad ka war hayso dunida lana qabsato horumarka lagu talaabsaday iyo dunidan casrigaa.KHIBRAD (Experience) oo uu ku sheegay inay tahay ta ugu muhiimsan ee laga dhaxlo ururada taasoo ah ta ugu muhiimsan ee qofku inta uu nool yahay helo iyo waliba samirka iyo dulqaadka oo lagu barto ururada dhexodooda iyo adiga oo noqonaya shakhsi bulshaawiya oo ka dhisan dhinacyo badana.
Mr Culimo wuxuu gabagabadii sheegay inuu ugu jecelyahay cid uu wakhti siiyo dhalinyarta sida KAVYO oo kale oo aan isugu iman qabyaalada iyo dano kale oo ay leeyihiin laakin isugu yimid sidii ay dalkooda iyo dadkooda u horumarin lahaayeen uguna shaqayn lahaayeen si Mutadawacnimo ah (Voluntary).
Intaa ka bacdi waxaa isna hadalka la wareegay Maxamed Maxamuud oo ka tirsan saraakiisha hayada DOS OF HOPE qaabilsana qaybta waxbarashada Mr maxamed oo uu hadalkiisu u badnaa dardaaran ayaa wuxuu ku dhiirigaliyay uruka dhalinyada ee KAVYO inay sameeyeen dadaal wax ku ool ah oo la taaban karo wuxuu ku dhiiri galiyay inay yihiin cida kaliya ee wadankan wax tari karta maadaama oo dhalinyaro farabadan oo wax qaban lahayd ay u leexdeen xaga barlawadaha noqdeena (Drop out) wuxuu kula dardaarmay KAVYO inay wadankan aanay cidna u maqnayn ceelna u qodnayn ee cida kaliya ee manta uu wadankani haystaa tahay dhalinyarada aduunkana uu yahay shayga ugu qaalisan ee uu ku xisaabtamo ururkan kavyana wuxuu u rajeeyay guul iyo inay noqdaan kuwii dalkooda iyo dadkoodaba anfaca.
Guntii,gabagabadii iyo gunaanadkii waxaa saraakiisha halkaa suaalo ku saabsan sidii wax al isku waydaarsan lahaa waydiiyay xubnihii ka tirsanaa ururka dhalinyada ee KAVYO kulankaasina wuxuu ku soo gabagaboobay jawi aad u dagan ,farxad iyo dhoola cadayn.
Udu danbayn waxaa saraakiishii ka soo qaybashay si wayn ugu mahadnqay agaasimaha ururka Mr C/risaaq Xuseen kuna dhiiri galiyay ururada wadaniga ah inay ku daydaan saraakiishan oo ay dhalinyarta dhiiri galiyaan wixii talo iyo tusaale ah ee ka dhimana ay u sheegaan,saraakiishana u sheegay inay soo dhawaynayaan qaadanayaana taladooda..
Alaa mahad leh
kavyo voluntry kavyo.org@hotmail.com
http://www.oodweynenews.com/display_pag ... cleid=9131
URURKA DHALINYADA KAVYO OO LA KULMAY SARAAKIIL SARSARE OO KA
Moderator: Moderators
- Ducaysane_87
- SomaliNet Heavyweight
- Posts: 3997
- Joined: Sat Jun 06, 2009 1:38 pm
- Location: Financing the Handcutter Company of Ina Godane
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 4 Replies
- 770 Views
-
Last post by THE_TRUTH1
-
- 0 Replies
- 183 Views
-
Last post by EastAfrica
-
- 0 Replies
- 306 Views
-
Last post by XimanJaale
-
- 0 Replies
- 217 Views
-
Last post by grandpakhalif
-
- 5 Replies
- 527 Views
-
Last post by FBISOMALIA
-
- 3 Replies
- 1096 Views
-
Last post by ababanoah
-
- 0 Replies
- 308 Views
-
Last post by Hiiraan boy
-
- 0 Replies
- 180 Views
-
Last post by grandpakhalif
-
- 0 Replies
- 648 Views
-
Last post by abgaalKING