Page 1 of 1

Ethiopian troops arrive to be briefed on the situation

Posted: Fri Jul 24, 2009 11:27 am
by Talo alle udaa
Ciidamo Ethiopian ah ayaa galabta waxa ay soo gaareen degmada Balan Bal ee gobolka Galgaduud.



Ciidamadan oo ku hubaysan Gaadiidka dagaalka iyo hub aad u farabadan ayaa galabta waxa soo gaareen degmada Balan Bal ee gobolka Galgaduud.



Ciidmada Ethiopianka ayaa waxa la sheegay in ay aad u farabadan yihiin islamarkaana ay ku hubaysan yihiin Gaadiid dagaal iyo hub farabadan.



Lama oga ilaa iyo hadda sababaha rasmiga ah ee ka danbeysa imaashiyaha Ciidamada Ethiopianka ee galabta ay yimaadeen degmada Balan Bal ee gobolka Galgaduud.



Mudooyinkii uguy danbeeyay ayaa qeybo kamid ah gobolada dhexe ee dalka Soomaaliya waxaa ka jiray dagaalo u dhaxeeya Ciidamada Ahlu Sunna iyo kuwa Xarakatu Shabaabul Mujaahidiin.



Wixii warar ah eek u soo kordha kala soco Shabelle.net hadii uu ilaah inoo saamaxo.



Aqriso oo la soco Shabelle.net Saacad Walba si aad u hesho wararkii ugu dambeeyay ee Soomaaliya.



Dhageyso wararka 7:00-Fiidnimo Habeen walba adigoo raacaya tilmaamaha Wabseydka.

Re: Ethiopian troops arrive to be briefed on the situation

Posted: Fri Jul 24, 2009 11:28 am
by Talo alle udaa
Itoobiyaan Ballanballe Yimid & Xubno Kasocda Maleeshiyada la baxday Ahlu-Sunna Wal-jameeca oo la Kulantay
By Somalimirror on 24 Jul, 2009 7:25 PM in Main, Wararka

Ciidamo Itoobiyaan ah oo wata 6 gaari oo nooca Uraalada loo yaqaano ayaa galabta abaare 03:00 waxay soo gaareen Degmada Ballanballe ee Gobolka Galguduud kuwaas oo dhufays ka dhigtay bariga Magaalada ee xiga dhinaca Guriceel.



Sida ay noo xaqiijiyeen Dad goob joog ah oo ku sugan Magaalada Ballanballe ciidamada Itoobiya ayaa waxay ka soo amba baxeen Deegaanka Laasa-caanood ee ka mid ah dhulka Soomaaliyeen ee ay gumaysato Itoobiya waxaana markiiba soo gaaray xubno ka socda Maamulka Gacanta ku haya Magaalada Guriceel ee isku magacaaba Ahlu-Sunna Wal-jamaaca



Lama garanayo sababta ay ciidamada Itoobiya u soo gaareen Magaalada Ballanballe iyo waxa ka soo baxay kulanka ay la yeesheen Saraakiisha ka socota Maamulka Maleeshiyada lamagac baxday Ahlu-Sunna Wal-jamaaca.



Ciidamada Itoobiya ayaa waxay magaalada Ballanballe yimaadeen tiro dhor-jeer ah kadib markii ay dhaceen Dagaalo Kharaar oo u dhexeeya Xoogagga Alshabaab & Maleeshiyada la baxay Ahlu-Sunna Wal-jamaaca oo xiriir qoto dheer laleh Itoobiya.



Imaatinka ciidamada Itoobiya ee Ballanballe ayaa waxaa uu ku soo beegmayaa kadib dagaal xoogan oo shalay ka dhacay deegaanka Balli-hirig oo u dhaxeeya Guriceel iyo Warxoolo kaas oo ay ku geeriyoodeen saraakiishii ugu saraysay Xoogagga ka arrmiya Guriceel oo ay ku jiraan Col. Taliyihii ciidanka Aadan Cali Nuur (Aadan Dheere) iyo Kuxigeenadiisii

Re: Ethiopian troops arrive to be briefed on the situation

Posted: Sat Jul 25, 2009 1:23 am
by Goljano Lion
so you created so many nicks for yourself then responding to yourself....

Re: Ethiopian troops arrive to be briefed on the situation

Posted: Sat Jul 25, 2009 1:29 am
by zingii
Waryaada xarashka aad isku haysaan iska daaya. :mrgreen: