DEGMADA XINGALOOL OO LAGU QABANAYO KOOB CIYAARTA KUBADA CAGT

Dadka ku dhaqan ama ka imaaday gobolkan

Moderators: Moderators, Junior Moderators

oldenglish
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 5673
Joined: Wed Jan 28, 2009 6:57 am
Location: The Kingdom of Maakhir Coast

DEGMADA XINGALOOL OO LAGU QABANAYO KOOB CIYAARTA KUBADA CAGT

Post by oldenglish »

DEGMADA XINGALOOL OO LAGU QABANAYO KOOB CIYAARTA KUBADA CAGTA AH


Xingalool :-Degmada Xingalool ee G/sanaag ayaa waxaa lagu qabanayaa Koob ciyaarta Kubaada Cagta ah oo ay ka soo qayb galeen Degmooyinka kala ah Badhan, Dhahar, iyo Laasqorey.

Koobkan ayaa waxaa Dhigey Dhamaan Dhalinyarada D/Xingalool iyagoo hadafkoodu ahaa in maadaaa iskuuladu ay xidhanyihiin wakhti xaadirkan oo lagu jiro xiliga xagaaga ah iney dhalinyarada gobolku ay is bartaan ,ayna camal ka dhigtaan ,maadaama guud ahaan bay yidhaahdeen gobolku ay ku nool yihiin dhalinyar faro badan oou baahan iney bartaan gobolkooda waa sida ay hadalka u dhigeen e.

“Ujeeda koobka aanu u dhigney ayaa waxey tahay Mideynta, iyo horumarinta, iskutiirsanaanta Dhalinyarta Gobolka Sanaag” Sidaasi waxaa yidhi mar ay saxaafadu wax ka weydiisey ujeedada koobka loo Qabtey, Gudoomiyaha isboortiga Degmada Xingalool Cawil C/qaadir Daadey (Cawil Koroleeg).

Gudoomiyuhu waxaa noo xaqiijiyey in dhamaan dhalinyaradu isboortiga ee ka kala yimi intooda ugu badan Degmooyinka Gobolka Sanaag ay haatan ku suga yihiin degmada xingalool oo ay soo gaadheen xalayna ay u dhaxeen maantana ay nasan doonaan beri galinka horena la qaban doono Xalfada Fuitaanka Ciyaarta , galinka danbena ay ciyaartu bilaaban doonto.


Koobka ayaa waxaa ka qeyb gali doona Mas’uuliyiin isugu jirta Xildhibaano ,iyo Wasiiro gaar ahaana Wasiir ku xigeenka Wasaarada Ciyaaraha Shaqada iyo Shaqaalaha Siciid Daahir Qodax oo lagu wado inuu ciyaarata ka qeyb galo iyo waliba Xalfada Furtaankeeda wafdidan ka iman doonta xarunta Maamul Goboleedka Puntland ayaa hor kacaya Xildhibaan C/xakiin Xaaji Maxed Dhoobo-Daareed maaha oo kaliya dowlada masuuliyiinta ka qeyb gali doona ciyaarta Ee waxaa Sidoo kale ciyaarata iman doona kana qeyb gali doona Mulkiilaha Xalwo Kismaayo C/laahi sheikh iyo naadi uu wato oo maanta ka anbobaxey magalada Boosaaso.

Degmada Xingalool ayaa iyadu waxaa ay ka mid tahay Degmooyinka ku yaala Gobolka Sanaag waxeyna u dhowedahay xuduudka ay wadaagaan Sool iyo Sanaag Mudo dheer
Ayeyna dhalinyarada Degmadu ay ku howlanaayeen sidii ay koobkan noocan ah oo kale u qaban lahaayeen Dhamaan degmooyinka Goblka Sanaag,iyagoo intaasi ku darey in Mustaqbalka ay u qaban doonaan guud ahaan magaaloyinka G/Sanaag Koob ka weyn kan ay iminka ka soo qeyb galeen Magaalooyinka amaba Degmooyinka kala Badhan, Dhahar, iyo Laasqorey.

Waa markii ugu horeysay koob ay ku dhan yihiin intooda u badan degmooyinka gobolka sanaag lagu qabto Degmada Xingalool .akhristayaal wixii wara oo ka soo kordha ciyaarta iyo waliba Swirada Koobka ciyaarta waxaanu idku soo gudbin doonaa wararkaga danbe
Insha Allah.



http://www.laasqoray.net/view_article.p ... cleid=5613
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Provinces - Sanaag”