Hargaysa: “Markaad saddex eray qaamuuskan akhridaba waxaad u galaysaa aqoonsidaha oo xambaarsan aqoon kasta.."
Hargeysa (Oodweynenews)- “Somaliland ahaan waxa ka qeyb qaadanaya Aniga, Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi) iyo aqoon-yahano, hawshani waxay ahayd mid aanu ku faham siinaynay eray soo xulida ka qeyb galeyaasha kulankan waxa laga rabaa midkiiba 600 oo eray bishiiba, kuwaasi oo uu sheegayo waxay yihiin.” sidaa waxa yidhi Abwaan Maxamed Xaashi Dhamac (Gaariye) oo ka hadlayay Huteelka Imperial ee Magaalada Hargeysa oo lagu qabtay kulan lagu dardar gelinayo hawsha qaamuuskii ugu horreeyey oo cid kasta oo af-soomaali ku hadashaa ay yeelato.
kulankaas oo ay ka soo qeyb-galeen Abwaano iyo aqoon yahano kala duwan, kaas oo uu furitaankii kulankaasi Abwaan Maxamed Xaashi Dhamac (Gaariye), ka hadlay kana xog-waramay ujeedada kulankaasi iyo himilada laga leeyahay, waxaanu yidhi“Halkan waxaan maanta (shalay) iskugu nimid munaasibad hawl aanu beryahanba wadnay oo laga waday dhulka af-soomaaliga lagaga hadlo oo dhan, markaa waxa ila fadhiya qeybtayadii u qaabilsanayd hawshan Somaliland, qeybtayadan oo kale ayaa joogta Boosaaso, Jabuuti, Jig-jiga, iyo meel kasta oo af- soomaali lagaga hadlo, kuwaasi oo ururinaya erayada Af-Soomaaliga ah waxaana laga wada hadlayaa dhammaan sidii loo samayn lahaa qaamuus iyo aqoonside, kaasi oo ah kii ugu horreeyay ee af-soomaali lagu qoro, waxaanu ka kooban yahay 100 Kun oo Eray, waxaana ku jira 5000 oo sawir. Waxa kale oo ku jira 2000 oo maahmaahood.”
Abwaan Gaariye oo tafaasiil ka sii bixinayay buugan wuxuu yidhi “Markaad saddex eray qaamuuskan akhridaba waxaad u galaysaa aqoonsidaha oo xambaarsan aqoon kasta oo ay Soomaalidu barato, sida sayniska qeybihiisa kala duwan. Hawshana waa hawshii ugu horeysay ee nooceeda ah ee laga halo af- soomaaliga, xarunteeduna waa mac-hadka afafka ee Jabuuti oo hoggaaminaya, waxaana hawshan ka qeyb qaadanaya cid kasta oo af-soomali ku hadasha.”
“Somaliland ahaan waxa ka qeyb qaadanaya Aniga, Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi) iyo aqoon-yahano, hawshani waxay ahayd mid aanu ku faham siinaynay eray soo xulida ka qeyb galeyaasha kulankan waxa laga rabaa midkiiba 600 oo eray bishiiba, kuwaasi oo uu sheegayo waxay yihiin, ”ayuu yidhi Abwaan Maxamed Xaashi Dhamac (Gaariye).
Oodweynenews Desk/Hargaysa
http://www.oodweynenews.com/display_pag ... cleid=9176
Hargaysa: “Markaad saddex eray qaamuuskan akhridaba waxaad u
Moderator: Moderators
- Ducaysane_87
- SomaliNet Heavyweight
- Posts: 3997
- Joined: Sat Jun 06, 2009 1:38 pm
- Location: Financing the Handcutter Company of Ina Godane
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 28 Replies
- 3576 Views
-
Last post by CilmiDoone
-
- 10 Replies
- 442 Views
-
Last post by eyes-only
-
- 2 Replies
- 268 Views
-
Last post by JSL3000
-
- 8 Replies
- 1116 Views
-
Last post by xoogSADE14
-
- 11 Replies
- 415 Views
-
Last post by Siciid85
-
- 7 Replies
- 501 Views
-
Last post by Rightwing
-
- 4 Replies
- 329 Views
-
Last post by BABYGIRL123
-
- 5 Replies
- 343 Views
-
Last post by Waraabekale