Mujrim Aweys: We are the fish,and the people are the Water

Daily chitchat.

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
AhlulbaytSoldier
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 20301
Joined: Fri Feb 08, 2008 4:50 am
Location: Persian Empire

Mujrim Aweys: We are the fish,and the people are the Water

Post by AhlulbaytSoldier »

Xasan Dahir "Sida Kaluunka u rabo inuu biyaha ku dhex noolaado ayaa anagana dooneynaa inaan shacabka ka dhex dagaalano"

Wadaadka mayalka adag ee hogaamiyaha Ururka Xisbul Islaam Sheekh Xasan Dahir Aweys ayaa ku dhawaaqay in Mujaahidiinta aanay cadowga kala dagaalami karin meel cidlo ah oo aan shacab degganeyn.

Sheekh Xasan Dahir ayaa sheegay in hadii meel cidlo kala dagaalamaan cadowga uu soo gaarayo qasaaro xoogan lana qararamsanayo, waxaana uu tibaaxay in dagaalkooda uu ku dhisan yahay mid ay ku xanuujinayaan cadowga oo ay u doonayaan inay dhabjiyaan sida Eyga u dhex galo boodada.

Mar la weydiiyay sababta ay uga dagaalami waayeen goobo ka baxsan meelaha ay shacabka degan yihiin si ay u yaraato waxyeello soo gaarta shacabka maatida ah ayuu sheegay inaanay ka dagaalami karin meel aan shacab ku nooleyn, wuxuuna tusaale u soo qaatay sida Kalluunka uu ugu baahan yahay inuu biyaha ugu dhex noolaado ayay iyagana u baahan yihiin inay shacabka dhexdooda uga dagaalamaan.



"Sida Kaluunka u rabo inuu biyaha ku dhex noolaado ayaa anagana dooneynaa inaan shacabka ka dhex dagaalano, waayo Mujaahidiinta meel cidlo ah ulama dagaalami karaan Cadawga"ayuu yiri Sheekh Xasan Dahir oo jeediyay qudbad ay dadka Muqdisho aad ula yaabeen.

Waxaa uu kaloo sheegay in dagaalada socda ay yihiin kuwo ay doonayaan inay dalka ugu saareen Ciidamada Shisheeye isla markaana uu socon doono, waxaana uu ugu baaqay shacabka inay dul-qaataan.

Hadalka uu jeediyay Sheekh Xasan Dahir oo ah mid meel walba oo Magaalada laga hadal haayo ayaa ah mid dadka ay is weydiinayaan, isla markaana ay tahay mid Sheekhu si cad ugu baneystay in shacabka maatida laga dhex dagaalamo ilaa uu uga siraad korayo damaciisa siyaasadeed.

Hoyga wararka Somaliyed
www.Jowhar.com
Jowharcom@hotmail.com
Jowharcom@gmail.com
User avatar
Diyeeshaha_Tolka
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 3524
Joined: Sat Sep 22, 2007 12:41 pm
Location: webiga jowhar jiinkiisa

Re: Mujrim Aweys: We are the fish,and the people are the Water

Post by Diyeeshaha_Tolka »

wallee runta ayuu iska sheegay,,wax la qariyo ma fiicno wayna ogyihiin haday banaanka magaalada uga baxaan in qasaare xoogan soo gaaraayo,,that is the reason ay uga cabsadaa qolada la yirahdo ahlu-suna ee galagaduud..
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “General - General Discussions”