More Ethiopian troops enter Somalia
Posted: Sat Jul 25, 2009 5:40 pm
Ciidamo Ethiopian ah oo aad u farabadan oo barqanimadii maanta soo gaaray Isgoyska Kalabeyr ee gobolka Hiraan.
Posted: 7/25/2009 5:19:00 PM
Shabelle: BALADWEYNE
Ciidamo Ethiopian-ah oo ku hubaysan gaadiidka dagaalka ayaa barqanimadii maanta soo gaaray isgoyska kalabeyrka deegaanka Jawiil ee gobolka Hiiraan.
Ciidamadaan Ethioipianka ee saakay soo gaaray isgoyska Kalabeyr deegaanka jawiil ee gobolka Hiiraan ayaa la xaqiijiyay in ay wataan in ka badan 10-gaari o isugu jira kuwa dagaalka iyo gaadiidka qaada Ciidamada,waxaana dadka deegaanka ay sheegeen in markii hore ay soo galeen ciidamo fara badan oo lugaynaya iyadoo durbadiiba ay ciidamadaasi isku fidiyeen nawaaxiga wadad dheer ee laamiga ah.
Ciidamadaan Ethiopianka ayaa ah kuwii todobaad ka hor faarujiyay fariisinkii ay ku lahaayeen isgoyska Kalabeyr oo mudo labo bilood ah daganaa iyagoo haatana la soo ruqaansaday deegaanka feer feer ee dhulka Soomaalida ay degto ee Ethiopia ay maamusho.
Lama oga rasmi ahaan ujeedada dhabta ah ee ka dambaysa dib ugu soo laabshada ciidamada Ethiopia isgoyska Kalabeyr balse shalay galinkii dambe ayey aheeyd markii ciidamo Ethiopian ah ay soo gaareen degmada Balanbale ee gobolka Galgaduud.
Imaanshiyaha ciidamada Ethiopianka ee gobolka Hiiraan ayaa ku soo beegmaya xili maalmihii la soo dhaafay dagaalo qaraar ay ku dhexmarayeen qaar ka mid ah degmooyinka gobolada Hiiraan iyo Galgaduud ciidamada Ahlu Sunna Waljaamaca iyo Xarakatu Shabaabul Mujaahidiin.