Thanks Gen. Muqtar Afrah Alsheydaan were defeated

Daily chitchat.

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
User avatar
ciiseguure
Posts: 227
Joined: Mon Jan 22, 2007 10:42 pm
Location: Beled Weyne

Thanks Gen. Muqtar Afrah Alsheydaan were defeated

Post by ciiseguure »

Ciidamada Dowladda Soomaliya oo la wareegay saldhigyo kooxaha ka soo horjeeda ku la haayeen Xaafada Howl-wadaag ee Magaalad Beeldweyne

Axad, July 26, 2009(HOL): Subaxnimadii hore ee saakay ayaa waxaa mar kaliya dadka ku dhaqan Magaalad Beledweyne maqleen rasaas culus oo ay is weydaarsanayeen Ciidamo ka tirsan Dowladda Soomaaliya iyo kooxaha ka soo horjeeda kadib markii Ciidamada Dowladu weerar ku qaadeen Saldhigyo Xaafada Howl-wadaag ku la haayeen Xoogagga ka soo horjeeda Dowladda Soomaaliya.

Xildhibaan Max'ed Dhaqane Cilmi Aar oo dagaalka kaddib la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in la soo afjaray sida uu hadalka u dhigay awooddii ay ku lahaayeen Magaalada Beledweyne qeybo ka mid ah kooxaha ka soo horjeeda Dowladda Soomaaliya, waxaana uu sheegay in Saldhigyadii ay ka daganaayeen Xaafada saakay iska horimaadku ka dhacay la wareegeen Ciidamada Dowladda oo uu hor kacayo Jen. Muqtaar Xuseen Afrax.

Xildhibaan Max'ed Dhaqane waxaa uu intaa ku daray in u jeetadu tahay sidii awooda Dowladda loogu baahin lahaa dhamaan Goballka, iyo xitaan Goballada dariska la ah oo sida uu yiri gacanta ku hayaan kooxaha Mucaaradka ah.

Dagaalka saakay ka dhacay Magaalada Beledweyne oo ahaa mid aan waqti badan qadaan ayaa waxaa ku dhaawacmay inta la og-yahay labo ruux kuwaa oo dhaawacooda la dhigay Isbitaalka guud ee Magaalada Beledweyne.

Maalmihii aynu soo dhaafnayba waxaa Magaalada Beledweyne ka jiray dhaq dhaqaayo ay wadeen Ciidamada Dowladda oo dhowr jeer oo hore dagaal uu ku dhaxmaray gudaha Magaalada Xoogagga ka soo horjeeda Dowladda Soomaaliya.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
diini@hiiraan.com

Ciidamada Dowladda oo saaka la wareegay gacan ku heynta xaafada Howl wadaag Beled weyne.

Dowladda KMG ah ee Soomaaliya ayaa saaka la wareegtay gacan ku heynta Magaalada Beled weyn ee Gobolka Hiiraan, kadib markii waabarigii saaka Ciidamo ka tirsan Dowladda isku fidiyeen Galbeedka oo ay ku sugnaayeen Xoogaga Hubeysan.

Wararka ayaa sheegaya in Ciidamada Dowladda ay dhowr jiho ka galeen Galbeedka Magaalada Beled weyn oo ay ku sugnaayeen Xoogaga Mucaaradka, taasoo keentay in iska hor imaad kooban dabadeed ay la wareegaan.

Xildhibaan Maxamed Dhaqane Aar ayaa sheegay in Dowladda KMG ay la wareegtay guud ahaan Magaalada, isla markaana dhamaan dhinacyadii ku sugnaa ay ka kala carareen.

"Ciidamada Qaranka saaka waxay la wareegeen dhamaan Magaalada, hadana xaalada waa degan tahay, nimankii cadawga ahaa wey kala carareen halka jaan iyo cirib dhigeen lama haayo"ayuu yiri Xildhibaan Dhaqane.

Ciidamadan oo ahaa kuwo in muddo ah la diyaarinayay isla markaana tababar u socday, kaasoo maalmo ka hor u soo dhamaaday, waxaana ay ahaayeen Ciidamo lagu soo tababaray gudaha Ethiopia.

Ma jirto ilaa iyo hada wax war ah oo ka soo baxay dhinaca Mucaaradka hase ahaatee waxaa la ogeyn sida ay xaalada noqon doonto mar hadii guud ahaan Magaalada gacanta u gashay Dowladda Soomaaliya
Hiiran Net

Ciidamada dowladda oo gabi ahaanba la wareegay mag. Baladweyne

--------------------------------------------------------------------------------


Iska-horimaad mudo aad u kooban socday oo saakay aroortii ka bilowday gudaha magaalada Baladweyne ayaa waxa ey ciidamo ka tirsan kuwa maleteriga dowladda federalka kula wareegeen guud ahaan magaaladaasi kadib markii kooxaha isbiirsaday ee Islaamiyiinta laga saaray halkaasi saakay waaberigii.

Ciidamada dowladda oo dhinacyo badan kasoo galay magaalada ayaa waxa ey weeraradooda ku halakeeyeen goobihii lagu tuhunsanaa maleeshiyaadka Islaamiyiinta mucaaradka, waxaana sida uu sheegay sarkaal ka tirsan ciidamadii saakay galay magaalada ey ku dileen dhowr maleeshiyo oo mucaaradka ka tirsan iyagoona ka qabsaday goobihii ey kaga sugnaayeen magaalada Baladweyne.

Dhinaca ciidamada dowladda ayuu sheegay sarkaalkani in uu kaga dhaawacmay xurguftii saakay waaberigii hal askari oo kaliya, waxaana la dhihi karaa ayuu yiri sarkaalkani in ciidamada xooga ey kula wareegeen goobaha si nabadgelyo leh maadaama uusan dhicin dagaal weyn oo ey iskaga carareen halkaasi maleesghiyaadkii kasoo horjeeday.

Horay ayaa waxaa magaaladaasi ugu wada sugnaa ciidamo ka tirsan kuwa Maxaakiimta ee taageersan dowladda iyo kooxaha islaamiyiinta ee kasoo horjeeda, laakiin waxaa magaalada u badnaa kuwa maxaakiimta ee taabacsan dowladda oo iminka loo badalay ciidan qaran kadib tababaro lasiiyay.

Maleeshiyaadka Islaamiyiinta mucaaradka ayaa u firxaday duleedka magaalada, waxaana ey iminka xaalada magaalada Baladweyne ey tahay mid dagan oo xasiloon islamarkaana ey ku sugan yihiin ciidamada qalabka sida ee dowladda oo aad u hubeysan.

Kooxaha Islaamiyiinta ayaa dhowr jeer oo hore ka fuliyay magaalda Baladweyne falal argagixiso, kaasoo uu ugu dambeeyay falkii ismiidaaminta ahaa ee lagu qaaday Hotelka Madiina oo lagu dilay wasiirkii Amniga Qaranka marxuum Cumar Xaashi Aadan.


Calanka.com: - Isha wararka xaqiiqda

Ciidamada Dowladda KMG ah ee Soomaaliya oo goor dhow si rasmi ah ula wareegay Gebi ahaanba magaalada B/weyne ee Gobolka Hiiraan

Mogadishu Sunday 26 July 2009 SMC

Waxaa saakay waaberigii uu dagaal ka dhacay magaalada B/weyne xaafadio ka mid ah oo ay deganaayeen kooxaha Mucaaradka ah, iyadoo dagaalkaan uu ahaa mid ay qaadeen Ciidamada Dowladda KMG ah,

Dagaalkaasi ayaa la sheegayaa in uu socday waqti hal saac ah, kadibna ay suurtagashay ciidamada Dowladda inay la wareegaan deegaanadii ay joogeen Mucaaradka, iyadoo dagaalku uu ka bilowday Xaafadda Howlwadaag ee magaalada B/weyne.

Ciidamada Dowladda ee dagaalka saakay la galay kooxaha ka soo horjeeda Dowladda KMG ah ayaa iyagu ah ciidamo cusub oo dhawaan lagu soo tababaray dalka Itoobiya.

Guud ahaan Magaalada B/weyne ayaa waxay saakay gacanta u gashay ciidamada Dowladda KMG ah, waxaana dagaalkaasi ku geeriyootay ilaa lix ruux sida ay sheegayaan wararka aan ka helayno magaalada B/weyne.

Sarkaal u hadlay Ciidamada Dowladda KMG ah ayaa sheegay inaysan ka hari doonin kooxaha ka soo horjeeda Dowladda KMG ah ilaa buu yiri ay ka sifaynmayaan gobolka Hiiraan.

Somaliweyn Media Center “SMC”
User avatar
Diyeeshaha_Tolka
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 3524
Joined: Sat Sep 22, 2007 12:41 pm
Location: webiga jowhar jiinkiisa

Re: Thanks Gen. Muqtar Afrah Alsheydaan were defeated

Post by Diyeeshaha_Tolka »

lol ciiseguure hada ayey neefta kuugu soo noqotay miyaa,,maanta xawaadle dabaal dag ayey wadaan..
User avatar
ciiseguure
Posts: 227
Joined: Mon Jan 22, 2007 10:42 pm
Location: Beled Weyne

Re: Thanks Gen. Muqtar Afrah Alsheydaan were defeated

Post by ciiseguure »

Diyeeshaha Tolka,

:som: :som: :som: :som:

Sxb not only Hawadle, Anigaa wacey B/weyne Sarkaalka gaashaanlaha dhexe ahaa ee dagaalkii shalay hogaaminaayey ma aheyn Xawadle.
Sida dhabta ah waxaa dagaalkaas wada galey ciidamada TFG oo ka koban Xawadle, Jajale, Caafi, Shiiqaal, Ujeejeen, 4 Makane.
Ciidamada Dowladda Kumeelgaarka ah waxeey dhan yihiin 2000 askari oo tababaran oo dubaabadahoodu u dhan yihiin, saraakiisha hogaamineysana waxeey ka kooban yihiin dhamaan qabaa'ilada dagan Hiiraan.
Cadawga soo jireenka ah ee Hiiraan waxaa waaye Alsheydaan and Xisbul Kirishaan kuwaasoo siyaasad gurucan oo maldahan u isticmaaleyey qaar ka tirsan degaanka balse aad moodid hada in waagu ku baryey kadib markii tababarkii usoo dhamaadey Ciidamka TFG ee degaamka.

Insha alaah dhawaan ka war sug marka eey wiilasheena dagaalyahanada ah eey la wareegaan B/burtte iyo Jowhar.

Job well done Jen. Muqtar H Afrah :up: :up: :clap: :clap: :clap:
User avatar
Somaliweyn
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 3604
Joined: Thu Apr 01, 2004 7:00 pm
Location: The (Re-)Birth of the Somali Republic

Re: Thanks Gen. Muqtar Afrah Alsheydaan were defeated

Post by Somaliweyn »

Ciise,

What clan is General Afrax?

As for Beledweyne,

Lets hope the city will not become the second Mogadishu.

The extremists and ethiopian-supporters need both to take their struggle somewhere else.
User avatar
Diyeeshaha_Tolka
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 3524
Joined: Sat Sep 22, 2007 12:41 pm
Location: webiga jowhar jiinkiisa

Re: Thanks Gen. Muqtar Afrah Alsheydaan were defeated

Post by Diyeeshaha_Tolka »

ciiseguure wrote:Diyeeshaha Tolka,

:som: :som: :som: :som:

Sxb not only Hawadle, Anigaa wacey B/weyne Sarkaalka gaashaanlaha dhexe ahaa ee dagaalkii shalay hogaaminaayey ma aheyn Xawadle.
Sida dhabta ah waxaa dagaalkaas wada galey ciidamada TFG oo ka koban Xawadle, Jajale, Caafi, Shiiqaal, Ujeejeen, 4 Makane.
Ciidamada Dowladda Kumeelgaarka ah waxeey dhan yihiin 2000 askari oo tababaran oo dubaabadahoodu u dhan yihiin, saraakiisha hogaamineysana waxeey ka kooban yihiin dhamaan qabaa'ilada dagan Hiiraan.
Cadawga soo jireenka ah ee Hiiraan waxaa waaye Alsheydaan and Xisbul Kirishaan kuwaasoo siyaasad gurucan oo maldahan u isticmaaleyey qaar ka tirsan degaanka balse aad moodid hada in waagu ku baryey kadib markii tababarkii usoo dhamaadey Ciidamka TFG ee degaamka.

Insha alaah dhawaan ka war sug marka eey wiilasheena dagaalyahanada ah eey la wareegaan B/burtte iyo Jowhar.

Job well done Jen. Muqtar H Afrah :up: :up: :clap: :clap: :clap:

lool caafi kuwaasi waa laga saari doonaa beesha galjecel mar walba cadawga galjecel ayey lasoo saftaan,,,

laakiin ninkii meel soo joog laga waayo asaga ayey u taalaa,,ragan shabaab xisbul islam maalmahan dhan ayey is waalaayeen marka saakayna waaba ay dagaalami waayeen,,hadana waxaan maqlay alshabaab buuloburde way ka baxeen..
User avatar
GENERAL_SNM
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9757
Joined: Fri Jul 13, 2007 1:32 pm
Location: ''Nimankii Maroodiga ahaa mudanki reer Daahir''

Re: Thanks Gen. Muqtar Afrah Alsheydaan were defeated

Post by GENERAL_SNM »

Every little success you gain against the al-shabab is like a final victory for you guys, its a sign of how desperate your position has become rather then weakness from al-shabab. Somebody should inform you guys your dealing with a monster with alot of heads each able to kill at will and when you kill one another replaces it. This war my Hawiye friends is one of ideology and even america is still bugged down in afganistan unable to win. So this victory above will be short lived and they will regroup and retake more land. If you guys had any brains you would allow al-shabab its victory in Hawiyeland and move the battle field elsewhere. They have a bigger ambition and you could use that to your advantage instead of being the cannon fodder for both al-shabab and the traitor government...


Word from the wise.. :up:
Last edited by GENERAL_SNM on Sun Jul 26, 2009 3:00 pm, edited 1 time in total.
User avatar
abdisamad3
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 12628
Joined: Sat May 30, 2009 10:18 am
Location: Kismayo

Re: Thanks Gen. Muqtar Afrah Alsheydaan were defeated

Post by abdisamad3 »

GENERAL_SNM wrote:Every little success you gain against the al-shabab is like a final victory for you guys, its a sign of how desperate your position has become rather then weakness from al-shabab. .. :up:
:lol: :lol: :lol: :lol:
User avatar
SahanGalbeed
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 19032
Joined: Mon Dec 31, 2007 5:48 pm
Location: Arabsiyo ,Somaliland

Re: Thanks Gen. Muqtar Afrah Alsheydaan were defeated

Post by SahanGalbeed »

General snm , why don't you just say things like they are .
Say me ,general snm I support al shabaab !
Si cad bu ninka ragga u hadla ma'ogtahay .
User avatar
Somaliweyn
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 3604
Joined: Thu Apr 01, 2004 7:00 pm
Location: The (Re-)Birth of the Somali Republic

Re: Thanks Gen. Muqtar Afrah Alsheydaan were defeated

Post by Somaliweyn »


If you guys had any brains you would alow al-shabab its victory in Hawiyeland and move the battle field elsewhere.
Only a coward and weakling bowes down to an opponent that is bent on placing his will on you.

Alshabab is composed of many Somali groups and its extremist ideology must not be tolerated by any Somali group. Its extremist ideology must be fought untill it is non-existant in Somalia, even if this means we have to annihilate our mis-guided brothers.

If the resistance stops in Banadir/Hiiraan/Middle-Shabelle/Galgaduud then Alshabab will walk over all of Somalia and implement its dictatorship that will make Taliban seem decent.
User avatar
GENERAL_SNM
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9757
Joined: Fri Jul 13, 2007 1:32 pm
Location: ''Nimankii Maroodiga ahaa mudanki reer Daahir''

Re: Thanks Gen. Muqtar Afrah Alsheydaan were defeated

Post by GENERAL_SNM »

Ina-Baxar sxb, being able to see things from their angle does not mean I support them...


Somaliwyen, Theirs many ways to skin a cat. What the marexaan have done is the best form of defence against al-shabab. They have avoided a direct and ultimately futile war by moving aside and not confronting. Which means When this hurricane called al-shabab passes the south, your group will be weaker with depleted resources and unable to resist any group intending on taking whats yours. In short you will lose in both cases, if you beat al-shabab you will be weakened and if you lose to them again you will be weak..
User avatar
DR-YALAXOOW
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 13999
Joined: Wed Dec 15, 2004 1:26 am

Re: Thanks Gen. Muqtar Afrah Alsheydaan were defeated

Post by DR-YALAXOOW »

ciiseguure wrote:Diyeeshaha Tolka,

:som: :som: :som: :som:

Sxb not only Hawadle, Anigaa wacey B/weyne Sarkaalka gaashaanlaha dhexe ahaa ee dagaalkii shalay hogaaminaayey ma aheyn Xawadle.
Sida dhabta ah waxaa dagaalkaas wada galey ciidamada TFG oo ka koban Xawadle, Jajale, Caafi, Shiiqaal, Ujeejeen, 4 Makane.
Ciidamada Dowladda Kumeelgaarka ah waxeey dhan yihiin 2000 askari oo tababaran oo dubaabadahoodu u dhan yihiin, saraakiisha hogaamineysana waxeey ka kooban yihiin dhamaan qabaa'ilada dagan Hiiraan.
Cadawga soo jireenka ah ee Hiiraan waxaa waaye Alsheydaan and Xisbul Kirishaan kuwaasoo siyaasad gurucan oo maldahan u isticmaaleyey qaar ka tirsan degaanka balse aad moodid hada in waagu ku baryey kadib markii tababarkii usoo dhamaadey Ciidamka TFG ee degaamka.

Insha alaah dhawaan ka war sug marka eey wiilasheena dagaalyahanada ah eey la wareegaan B/burtte iyo Jowhar.

Job well done Jen. Muqtar H Afrah :up: :up: :clap: :clap: :clap:

VIVA CIIDANKA QALABKA SIDE EE SOMALIA :up: :up: :up: :up: :rose: :rose: :rose: :som: :som: :som: :som: :som: :som: :som:

VIVA CIIDANKA MUJAAHIDIINTA QALABKA SIDA EE HUBKA U QAADEY DABAR GOOYNTA KHAWAARIJTA AL SHIISHKABAAB IYO XISBUL XASUUQ .

VIVA CIIDANKA QALABKA SIDA :up: :up: :up: :up: :rose: :som:


DOWN XISBUL XASUUQ IYO KHAWAARIJTA AL SHAYAAADIIN AL SHIISHKABAAB :down: :down: :down:
User avatar
ciiseguure
Posts: 227
Joined: Mon Jan 22, 2007 10:42 pm
Location: Beled Weyne

Re: Thanks Gen. Muqtar Afrah Alsheydaan were defeated

Post by ciiseguure »

Diyeeshaha Tolka,

Sxb soo raac sxbadaa iyo walaalahaaga u istaagey ineey alsheydaan ka sifeeyaan gobolka.

Somaliweyn,
Gen. Muqtar waa Xawadle halganka soo bilaabey 1988 asagoo ku jirey saraakiishii ugu horeysey ee ka gadoodey xasuuqii Siyad Bare uu ka wadey Hiiraan kadib markii ninkii Col.Dhagabaceyr la dhihi jirey xasuuqa ka wadey B/weyne area iyo Col. Xalane xasuuq ka wadey B/brte area.

Gen. Muqtar waxoow ka mid ahaa Saraakiishii ugu horeysey ee Farjano ka sameeyey ururkii USC.
Gen. Muqat waxoow ahaa sarkaalkii qabsadey magaalada B/burte 1989-kii asagoo halkaas ku diley sarkaalkii xasuuqa ka wadey B/burte ee uu Siyaad usoo direy halkaas kadibna waxoow iskaga baxey markoow hoshaas fuliyey.

Gabagabo
Wararka hada soo dhacey waxaa la shegay in Ciidamada Doowlada eey la wareegeen Magaalada B/burte ayagoo dhinaca Galbeedka kasoo galey kuwii Alsheydaanka isku sheegaayeyna la waayey meel eey cirib dhigeen.

Guul Ciidamada Doowlada :up: :som: :up: :som: :up:
AhlulbaytSoldier
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 20301
Joined: Fri Feb 08, 2008 4:50 am
Location: Persian Empire

Re: Thanks Gen. Muqtar Afrah Alsheydaan were defeated

Post by AhlulbaytSoldier »

The Hiiranians of free somalia did great job.
So did ahlesunnah wal jamah may Allah bless them.
User avatar
ciiseguure
Posts: 227
Joined: Mon Jan 22, 2007 10:42 pm
Location: Beled Weyne

Re: Thanks Gen. Muqtar Afrah Alsheydaan were defeated

Post by ciiseguure »

Gen. Muqtar oo BBC wareysi siiyey waxoow yiri"

"[Inteey hal cent oo Somali ah ka joogaan nimankaan fasahaadka wada joojin meeyno dagaalka"

Job well done Gen. Muqtar :up: :som: :up: :som: :up: :som:
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “General - General Discussions”