
Fanaanada Cadaanka ah ee ku Heesta Afsoomaaliga ee TENYA oo Somaliland Socdaal ku Timi
Written by Qarannews
Jul 27, 2009 at 03:22 PM
Hargeysa(Qarannews)-Fanaanka Da'da yar ee reer Somaliland ee Maxamed aadan Cali Himilo oo ay Weheliso Fanaanada Norwegian-ada ah ee Tanya oo inta badan Somalida qurbaha iyo gudaha dalka ku nooli ku yaqaanaan Heesaha Soomaaliga ah oo ay Galbata Socdaal ku yimi Dalka Somaliland Caasimadiisa Hargeysa.
Fanaaniinta Maxamed Himilo iyo Miss Tenya oo ay Madaarka Hargeysa kaga Hortageen Masuuliytiin ka tirsan WAsaaradda Dhaqanka iyo Dalxsiika Somaliland iyo Fanaaniin iyo dAdweyne Aad u tiro badan ayaa diyaaraddii ay saarnaayeen ay ka soo degeen labadan Fanaan oo Weliba Miss Tenya oo ku lebisan Calan uu ku xardhan yahay Calanka Somaliland.
Fanaanada Tenya oo iyadu ku Hadaaqaysa Afsoomali la moodo mid ay u dhalatay ayaa Garoonka Gudihiisa mar au ugu warantay warbaahinta waxa hadaladeedii ka mid ahaa ""aad iyo aad ayaad u mahadsan tihiin, ILaahay ayaa mahad leh, waxaan u mahadnaqayaa Madaxweyne Rayaale iyo ku-xigeenkiisa,dhamaan Dawlada Somaliland. maanta waa maalin farxad leh, waxa ila socda Cabdisamad Maxamed Cabdilaahi iyo Maxamed Aadan Himilo waxaanu nahay Urur la yidhaahdo Tusmo oo ka shaqeeya arrimaha Bulshada iyo arrimaha la xidhiidha qurba jooga ku nool Norway iyo wadamo kale, Himilo waa Injineer, Cabdisamadna waa siyaasi, waa Injineer waana hogaamiyaha safarkayaga. Waxaan idiin hayaa hees cusub oo uu sameeyay Abwaan SIciid Saalax Axmed oo aan dhawaan kula kulmay wadanka maraykanka oo uu hadyad ahaan iigu soo dhiibay dadka reer Somaliland."
iyadoo hadalkeeda sii wadata Tenya ayaa waxa ay saxaafadda horteeda kaga luuqaysay Hees aad u macaan oo ay reer somaliland ugu muujinayso hilowga ay ugu timi waxaanay tidhi "
Hobeeyaay, hobeey, hobeey hobaalayeey
Fariin hubaal baan sidaa
inaan heesaan rabaa,
hal-hayskiinaan aqaan
hubsiinada waxa la yidhi
hal-geelaad siisataan
haasaawuhu waa kalgacalee
Hargeysaay ma nabad baa.
Hidaha dhaqankiina wacan
ayaan heegaan u ahoo
higaadiisaan bartaa
hoygii murtidaad tahee
Hargeysaay ma nabad baa."
Mss, Tenya oo martiqaad rasmi ah ka heshay Somaliland ayaa loo galbiyay si farxad iyo damaashaad ka muuqdo iyada oo la dejiyay Hoteelka Maansoor ee magaalada Hargeysa. Waxaana la filayaa inay soo bandhigi doonto bandhig-faneedyo cusub oo ay ugu talo-gashay inay ku muujiso sida wacan ee ay ugu heesi karto uguna hadli karto luqadda Afka Soomaaliga.
Qarannews Desk