Kumanaan Qoys oo Ka Barakacay K/Somalia oo Gaarey Deegaanada

Dedicated for Puntland politics and affairs.

Moderator: Moderators

User avatar
sheekh-Farax-zero
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 7590
Joined: Sat Apr 05, 2008 9:04 am
Location: pppppppp

Kumanaan Qoys oo Ka Barakacay K/Somalia oo Gaarey Deegaanada

Post by sheekh-Farax-zero »

July 29, 2009 · Comments (5)

Kumanaan Qoys oo Ka Barakacay K/Somalia oo Gaarey Deegaanada Puntland | read this item Horseed Media
News Desk
Maamul goboleedka Puntland, Somalia waxa uu kaalin Muhiim kaga jiraa deegaanada xasiloon ee ay ku barakaceen boqolaalka kun ee qoys ee ka baxsanaya rabshadaha ka taagan koofurta Soomaaliya gaar ahaan Magaalada Muqdisho, iyadoo maalinba maalinta ka dambeysa aad arkeyso qoysas fara badan oo u qaxaya deegaanada Maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland..

Barakacayaashan oo isagu jira carruur, Haween, Dhalinyaro iyo dad da’ah ayaa waxay siyaabo kale ku soo gaaraan Magaalooyinka Boosaso, Garowe, iyo Magaalada Qardho, waxana jira deegaano kale oo ka tirsan Puntland oo ay qoysaskaasi Maciin Bideen.

Magaalada Boosaso waxay ka mid tahay Magaalooyinka ugu badan ee dadka Barakacayaasha ahi ay ku qul,qulayaan, iyagoona halkaasi markii ay gaaraan ay dadka Degmada Boosaso u sameeyeen gurmad hagar la’aaneed oo deg deg ah.

Wariye ka tirsan Horseedmedia, Magaalada Boosaso, ayaa safar dhawaan uga soo kicitimay Magaalada Muqdisho wuxuna soo maray dhulka, isagoona Maalmo ka hor soo gaaray Magaalada Boosaso.

Wariye Maxamed Maxamuud Odowaa (Faracade) waxa uu u kuur galay intii safarka dheer uu ku jiray muddo 6 maalmood ah, bal sida ay dadka Barakacay ku gaarayaan Magaalooyinka waaweyn ee Maamul goboleedka Puntland. “dhab ahaantii waxaan arkay in nabadu tahay Shay qaali ah, Maxaayeelay qoysaska aan arkay ee ku soo qaxay Puntland waxay dhamaantood ka sinaayeen in caasimadii Soomaaliya ee Muqdisho ay isku bedeshay halaq-galeen oo u daran nolosha danyarta shacabka ah sida haweenka iyo carruurta”. ayuu Yiri wariyuhu.

Qaar ka mid ah dadka wariyuhu uu la sheekeystay intii safarka uu ku jiray ayaa waxay u sharaxeen sababta ay u door bideen in xiligaan ay u barakacaan deegaanada Maamulka Puntland, Somalia.

“Anigu waxaan muddo 18 sano ah deganaa Magaalada Muqdisho gaar ahaan Degmada Shibis, waxaan wataa 11 carruur ah iyo aabahood oo ila socda waxan u door biday inaan u qaxo Puntland waxay tahay markii aan arkay in aysan halkaasi ka jirin qatarta ka taagan Muqdisho islamarkaana ay nolosha shacabka wax gal ka tahay Puntland waxaan u arkaa meel nabad ah oo aan ku badbaadi karo aniga iyo qoyskaygu”. ayay tiri Xabiibo Xasan Mire oo xiligaasi dhusha ka saarnayd Gaari nuuca Soomaalidu u taqaano (Candhameydlaha) amase U’D.

waxa ka jira deegaanada dadka ay ku barakaceen ee Puntland Hay’addo maxali ah oo u dooda Barakacayaasha iyo dadka laga tira badan yihiin, iyadoo Bulshada Puntland lagu wacyi galiyo in dadka walaalahood ah ay mar walba caawiyaan oo gacan qabtaan ma jirto habayaraatee wax dhibaato ah oo soo barakacay.
Magaalooyinka.
Magaalooyinka Boosaso, xarunta Maamulka Puntland ee Garowe iyo Magaalada Qardho waxay ka mid yihiin goobaha ay dadka ka barakacay Koofurta Soomaaliya sida wayn ugu jabeen waxayna halkaasi ka sameysteen deegaan iyadoo qaar koodna ay salka dhigteen xeryo.

Magaalada Boosaso waxa ku yaala in ka badan 10 Xero oo ay ku nool yihiin dad ka soo barakacay Koofurta Soomaaliya waxana ka mid ah xerooyinkaasi Buula Eelay, Buulo, Mingis, Kaamka shabelle, Boqolka Buush, Ajuuraan-Camp, Tuulo absame, Buuulo Qodax iyo kuwa kale oo aad u badan.

Magaalada Qardho waxa ku yaala dhowr xero oo ay ku dhaqan yihiin dad soo barakacay waxana aan ka xusi karnaa Kaam sunaami iyo Kaam shabelle waxana sidoo kale Magaalada xarunta ah ee Garowe ku yaala xarumo kale oo qoysas barakacay ay ku dhaqan yihiin.

Si kastaba ha ahaatee fari kama qodna Barakaca dadka ka baxsanaya colaadaha ka holcaya Magaalada Muqdisho, qaxooti Soomaaliyeed, ayaa maalinba maalinta xigta ku qul qulaya dalalka dariska ah sida Itoobiya, Kenya , wadanka Yeman iyo Talyaaniga, waxana jira dhimasho ku timaada mararka qaar kood Muhaajiriinta Soomaalida ah .

Soomaaliya ma helin wax dowlad ah oo dhexe oo shaqeysa wixii ka dambeeyay bur burkii dowladdii Milatariga ee Maxamed Siyaad Barre sanadkii 1991,waxana fashilmay dhowr isku day oo Soomaaliya loogu sameeyay xukuumado dhowr ah oo aan guud ahaanba awood u helin inay soo celiyaan xasiloonidii iyo kala dambeyntii dalka Soomaaliya.
User avatar
abdisamad3
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 12628
Joined: Sat May 30, 2009 10:18 am
Location: Kismayo

Re: Kumanaan Qoys oo Ka Barakacay K/Somalia oo Gaarey Deegaanada

Post by abdisamad3 »

allaha ha uu gargaaro dadkaas masakiinta ah..
User avatar
sheekh-Farax-zero
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 7590
Joined: Sat Apr 05, 2008 9:04 am
Location: pppppppp

Re: Kumanaan Qoys oo Ka Barakacay K/Somalia oo Gaarey Deegaanada

Post by sheekh-Farax-zero »

Aamin
User avatar
gemini07
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 7100
Joined: Fri Jan 18, 2008 9:44 am
Location: president of amiir faroole's fan club

Re: Kumanaan Qoys oo Ka Barakacay K/Somalia oo Gaarey Deegaanada

Post by gemini07 »

Aamiin,

Ilaahoow ku celi dhulkee eey kasoo barakaceen mardhoow
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Puntland”