Golaha siyaasada iyo isku xidhka beelaha Reer sheekh Isaxaaq

Dedicated for Somaliland politics and affairs.

Moderator: Moderators

User avatar
Khalid Ali
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 32743
Joined: Mon Oct 18, 2004 11:03 am
Location: Suldaan Emperior Gacanyarihisa

Golaha siyaasada iyo isku xidhka beelaha Reer sheekh Isaxaaq

Post by Khalid Ali »

Baaq deg deg ah oo ka soo baxay golaha siyaasada iyo isku xidhka Beelaha Reer Sheekh IsaxaaqPosted by admin on July 31st, 2009 No Comment YetPosted in: Articles, Wararka





Hargeysa(saraarnews)waxaa shabakada saraarnews soo gaadhay baaq qoraal ah oo ay soo saareen golaha siyaasada iyo isku xidhka beelaha reere sheekh isaxaaq, baaqaas oo lagu socodsiiyey ,Xukuumada , golayaasha qaranka ,Madaxda xisbiyada,Madaxdhaqameedada iyo beelaha kale reer Somaliland waxaa ku saxeexnaa Afhayeenka Golahaas. Baaqaasina wuxuu u dhignaa sidan:

Ku: Xukuumada Somaliland
Ku: Golayaasha guurtida iyo wakiilada
Ku: Madaxda Xisbiyada Qaranka
Ku: Waxgaradka , Madaxdhaqameedka iyo Qaybaha kala duwan ee Beelaha Reer Sheekh Isaxaaq.
Og: Beelaha Kale ee reer somaliland.


Ujeedo: Baaq deg deg ah oo ka soo baxay golaha siyaasada iyo isku xidhka Beelaha Reer Sheekh Isaxaaq

Golaha Siyaasada iyo isku xidhka Beelaha Reer sheekh isaxaaq oo ah gole ay ku jiraan Aqoonyahano, Dhalinyaro, Haween,siyaasiyiin , Madaxdhaqameedyo ka mid ah Beelaha reer sheekh isaxaaq ayaa wuxuu soo saaray Baaq la xidhiidha Xaalada cakiran ee ka taagan wadanka Somaliland. baaqan oo ku socda Xukuumada, golayaasha qaranka,madaxda xisbiyada, Beelaha kale iyo xubin kasta oo wax bedeli karta oo ka tirsan Beelaha Reer sheekh Isaxaaq ayaa ah sidan:



Ka dib Markii aanu samaynay Xidhiidh dhinaca isgaadhsiinta ah oo aad loogu Lafo guray Xaalada halista ah ee ka jirta dalkii aynu naf iyo Maalba ku weynay ee Somaliland.
Ka dib marka ay cadaatay in laga leexday dariiqii loo jeexay inuu ku socdo qarankani ee ahaa in lala yimaado itijaah siyaasadeed oo caalamku inoogu soo joogsado si aynu uga mid noqono bulshada caalamka.

Ka dib markii la isla jeexjeexay in Maslaxada beelaha reer Sheekh isaxaaq ku jirto jiritaanka, horumarinta, citiraafka iyo Dhismaha Somaliland.

Ka dib markii lagu qancay in Cida lexejeclo ka leh ee Somaliland haday ka xumaato ay taabanaysaa ay tahay beelaha Reer Sheekh isaxaaq.

Ka dib markii la isku qanciyey Inaan cidna looga habranin waajibaadka beelaha Reer sheekh isaxaaq iyo ilaalinta maslaxadiisa.

Ka dib markii la xusan inaanay dhaqanka iyo Milgihii ay lahaayeen ka badan ku qaabileen beelaha kale ee wadanka la wadaaga, welibana sed bursiimo ugu dareen beelaha qaarkood.

Ka dib markii la eegay inaan beelaha qaarkood aanay u qudhqudhsamin wanaaga iyo Dulqaadka beelaha Reer sheekh isaxaaq ku ilaalinayeen wadajirka iyo Midnimada Somaliland.

Ka dib Marka la arkay Sida xaaladu tahay inay keeni karto Dhibaato baahda oo Mujtamaca wada taabata.




Waxa golaha siyaasada iyo isku xidhka beelaha Reer sheekh isaxaaq garteen qodobadan soo socda:


Qaybta Khusaysa Xukuumada.


1.Waxaa Looga fadhiyaa Madaxweynaha Iyo xukuumadiisa inay Fuliyeen waajibaadkii qaranimo ee laga sugayey, hadii aanu qaadi karin masuuliyadaasna ha u soo celiyo, Amaanada umadii lahayd.
2.Waxa Madaxweynaha Loo sheegayaa inaanu ku joogin cod ka yimi beesha uu u dhashay ee uu ku joogo codka shacabka kala duwan ee beelaha somaliland.
3.Wasiirada Xukuumadu ha ka baxaan Beelaha dhexdooda hana ku koobnaadaan shaqooyinkii wasaaradahooda.
4.Madaxweyne Dalkani sina uma burburi doona, wuu jiray wuuna jiri doonaa, wuuna ka weyn yahay Meel shaqsi siduu doono ka yeeli karo.
5.Madaxweyne Malaa waad ilowdaye dalkan waxaa nooga sii Muuqda xinjirihii,kumaanaan wiilal oo baarcadayaal ah oo naftoodii ku waayey Dib u xorayntiisii.
6.Maamul waxaa lagu xaqdhowraa Cadaalad iyo garsoor uu bulshada dooratay u ku hogaamiyo.
7.Madaxweyne Nabadgelyada iyo xasiloonida, horumarka iyo dhismaha qarankani waa mid Umadani keensatay, ee maaha libin xukuumad , shaqsi iyo kooxi gaar u sheegan karto.
8.Madaxweyne Lagaagama fadhiyo wax aan ahayn doorsho diiwaangelin leh oo dalka ka dhacda, haday fashilantayna Ma jirto cid kale oo masuuliyadeeda lahayd oo aad kula galgalataa, qabashadeeduna waxay ahayd waajib dastuuri ah oo lagaa sugayey.


Qaybta khusaysa Golayaasha qaranka.


1. Ha qabsadeen waajibaadkooda dastuuriga ah ama ha is casileen.
2. Ha cadeeyeen xisaabtanka ay la sameeyeen Xukuumada Talada haysa waxay qabatay iyo waxa ku baaqdayba.
3. Hadii ay u arkaan inaan xukuumadani Dalka ka saari karin xaaladahan lagu jiro, waxaa ku waajiba inay xilka ka qadaan umadana u doortaan cidii dalkan doorasho gaadhsiin lahayd.
4. Maamuus ka xayuubinta laguma dareen qodobada dastuurka qaranka hadaan loo arkin inay tahay xal qaran lagu badbaadin karo.


Qaybta Khusaysa Xisbiyada siyaasada


1.Xisbiyada siyaasadu yaanay noqonin wax lagu lunsado oo loogu soo gabado xuquuqdii ay lahaayeen Muwaadiniinta Beelaha soomaliland oo xukuumadu ku duudsido xaqooda, markaa yaan naloogu kiin soo gaban.
2.Ma noqon doontaan Kuwo lagu kala qaybiyo laxaadka iyo cududa beelaha wada dhashay ee reer sheekh isaxaaq.


Qaybta Khusaysa Beelaha reer sheekh isaxaaq


1. Laga bilaabo 1-da August 2009 ma jiro Shaqsi ka hor iman kara maslaxada iyo danaha guud ee beelaha reer Sheekh Isaxaaq iyo Somaliland toona, Xil kasta iyo Mansab katsa oo uu leeyahay toona, suldaan iyo siyaasi kuu doono ha noqdee.
2. Ma jiro Suldaan , caaqil, siyaasi iyo Jilib ka tirsan oo reer kale oo ka tirsan beelaha Reer sheekh isaxaaq u marin karaa warbaahinta dalka iyo debinta toona , wuxuu tabanayo toos baa looga wada xidhiidhayaa.
3. Waxa Xaaraan ah inuu dhex maro colaad qabiilo ama siyaasadeed beelaha reer sheekh isaxaaq nooc kasta oo ay tahayba.
4. Si loo badbaadiyo masiirka umada Somaliland iyo beelaha Reer sheekh Isaxaaq ma jiro, shaqsi, reer iyo suldaan ka hor imana Kara Cida loo garto hogaaminta danaha iyo Hogaaminta qaranka Somaliland ee ka tirsan qaranka beelaha reer sheekh isaxaaq.
5. Qof kasta oo ka tirsan beelaha reer sheekh isaxaaq waxaa u furan inuu ka mid noqdo golahan xisbi kasta oo uu yahay, UDUB, KULMIYE iyo UCID ama Urur kale oo Jiraba, waxaana ka mamnuuca inuu ka horyimaado danaha laga leeyahay golaha iyo maslaxada guud ee beelaha reer sheekh Isaxaaq.
6. Ma jirto Colaad siyaasadeed, Mid qabiileed iyo kala qaybsanaan guud oo u dhaxaysa beelaha reer sheekh isaxaaq, shaqsigii lagu ogaadana wuxuu Mudan doonaa waxa abaal marinteedu tahay, Ma jirto Shaqsi ama Qabiil ku kala dhex jira beelaha reer sheekh isaxaaq sida dad wax magarato ahi ku doodaan.
7. Goluhu Wuxuu abaabulayaa shirweyne guud oo ay isugu yimaadaan beelaha reer sheekh isaxaaq, Siyaasiyiintooda, Madaxdhaqameedkooda, aqoonyahankooda iyo talaqabeenkooduba.
8.Goluhu wuxuu diyaarinayaa xeer guud oo qoraal iyo tixraac leh oo uu yeeshaan beelaha reer sheekh isaxaaq Cidina aanay dhaafi karin.
9. Cidii u baahan inay ku soo biirto golahani wuxuu ku soo hagaajin karaa, ciwaankaga , magacaaga iyo telefoonkaaga oo buuxa Isaxaaq@yahoo.com, ama isaxaaq@yahoogroups.com .
10. Xubin kasta oo ka mid ah Beelaha reer sheekh isaxaaq waxaa ku waajib ah inay u diyaar garowdo Fulinta waajibaadka looga baahdo ee lagu ilaalinayo, karaamada iyo sharafta beelaha kor ku xusan.


Qaybta Khusaysa beelaha kale somaliland.


1.Waxaanu jecelahay Inaynu ku wada naaloono nabadgelyo iyo xasilooni.
2.Xaq aad leedihiin cidina ma qaadan karto Mid aydaan lahayna ha doonina
3.Nin Xil hayaa qabiil maaha
4.Somaliland aan wada ilaashano.


Afhayeenka Golaha siyaasada iyo isku xidhka beelaha Reer sheekh Isaxaaq
Mustafe Mohamed Nur
User avatar
SahanGalbeed
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 19032
Joined: Mon Dec 31, 2007 5:48 pm
Location: Arabsiyo ,Somaliland

Re: Golaha siyaasada iyo isku xidhka beelaha Reer sheekh Isaxaaq

Post by SahanGalbeed »

:lol:
User avatar
Ducaysane_87
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 3997
Joined: Sat Jun 06, 2009 1:38 pm
Location: Financing the Handcutter Company of Ina Godane

Re: Golaha siyaasada iyo isku xidhka beelaha Reer sheekh Isaxaaq

Post by Ducaysane_87 »

:lol:
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Somaliland”