who is Genral Mukhtar !
Posted: Sat Aug 01, 2009 3:58 am
.
(31-07-2009)
Ciidamo fara badan oo uu horkacayo Jen Mukhtaar Xuseen Afrxa oo dhowaan dowlada u xil-saartay howl galo laga fulinayo Gobolka Hiiraa si gacanta dowladda loogu soo celiyo ayaa Xalay soo dhaafay deegaanka Yasooman oo qiyaastii 40Km dhanka bari ka xigta Magaalada Buulo Burde oo ciidamadu ay ku wajahan yihiin.
Ciidamadan oo ku hubeysan gaadiidka dagaalka iyo qoryo casri ah oo ah kuwa lagu rakibo gaadiidka dagaalka balse ay u isticmaalayaan qaab efendari ahaan ayaa xalay waxaa ay ku hakadeen deegaankaas,iyagoo saanadooda wata.
Jen. Mukhtaar oo dib u habeyn ku sameeyay ciidamada dowladda oo qaarkood lagu soo tababaray Itoobiya ayaa waxaa kaloo ciidamadaasi qeyb ka ah kuwii maxkamadaha ee ka tirsanaa maamulkii maxkamadaha ee bur buray,kuwaasoo haatan u xuub siibtey ciidan dowladeed.
Ma cada ciidamadan inay weerar ku yihiin Buulo Burde ,hase ahaatee qorshayaasha ugu weyn ee Saraakiisha dowladda ee ku sugan B/weyn damacsan yihiin ayaa qeyb ka ah in gacanta lagu dhigo Buulo Burde oo ay ku qul qulayaan gurmadyo ka tirsan kooxaha mucaaradka si ay u difaacdaan deegaankaas.
Qorshayaasha dagaal ee la dajiyay ayaa waxaa uu yahay mid dagaalka la doonayo in qaab istiraatiijiyadeed loo galo,waxaana suura gal ah in weeraro laba jiho ka imaanaya lagu soo qaado Buulo Burde, sida aan ka helnay sarkaal dowladda ka tirsan.
Magaalada Buulo Burde ayaa waxaa xoog badan ku jooga Xarakatu Al-Shabab oo si weyn u doonaya in ay magaaladaasi difaacdaan, iyagoo beryihii ugu dambeeyey halkaasi ku daabulayey gawaari dagaal iyo maleeshiyaad fara badan oo laga keenay gobollada ay maamulaan.
Ciidamadaan dowladda ku abtirsada ee ku soo qulqulaya Buulo burde ayaan hore looga baran dagaal fool ka fool ah oo ay la galaan Xoogagga Alshabab oo iyagu dagaallada u gala si aan kala har lahayn, lama ogaan karo sida ay xaaladdu noqon doonto marka foodda leys daro.
Dalkanews.com Muqdisho