Tababar Lagu Baranayey Kalkaaliyenimada Caafimaadka oo Burco
Posted: Sat Aug 01, 2009 11:19 am
Tababar Lagu Baranayey Kalkaaliyenimada Caafimaadka oo Burco Lagu soo Gunaanaday
Burco (Togdhnews)-Tababar lagu baranayey xirfadaha kaalkaaliyenimada caafimaadka oo muddo shan bilood ah socday, ayaa shalay lagu soo gunaanaday xarunta Mac-hadka Tababarka Caafimaadka ee magaalada Burco.
Tababarkan oo socday muddo shan bilood ah waxa ka qaybgalay 19 xubnood oo ka kala yimi tuulooyinka Gobolka Togdheer, waana kii labaad noociisa ee loo qabto.
Xafladdii xidhitaanka waxa ka qaybgalay masuuliyiin ka kala socday hay’adaha SCF, COPI iyo Wasaaradda Caafimaadka Somaliland.
Sarkaal ka tirsan hay’adda SCF oo halkaa ka hadlay, ayaa u mahadnaqay ka qaybgalayaasha, isagoo sheegay in aan tababarkani ahayn kii ugu dambeeyey ee hay’addiisu qabato, balse mustaqbalka dhow u qorshaysan tahay in tababarro noocan ah dalka ka fulin doonaan.
Isuduwaha Wasaaradda Caafimaadka Gobolka Togdheer Mr. Aadan Cilmi Diiriye (Malay), oo xidhitaankii tababarka ka hadlay, ayaa ka qaybgalayaasha guddoonsiyey shahadooyin iyo qalab agab caafimaad oo kala duwan.
Isduwaha ayaa carrabka ku dhuftay in wasaarad ahaan siin doonaan dawooyin ay kula laabtaan degaamadoodi iyo inay ka qaybgalaan hawlgal dhinaca tallaalka ah oo bisha soo socota la bilaabi doono.
Tababarkan waxa maalgalisay hay’adda SCF oo kaashanaysa Wasaaradda Caafimaadka iyo mac-hadka tababarka kalkaaliyayaasha caafimaadka ee Burco.
TogdheerNews..Burco
http://www.oodweynenews.com/display_pag ... cleid=9354