He survived the Taleex bombings at the age of 6.

video: http://www.golkhatumo.com/Biixi.ram
Darwiish Jaamac Biixi Kidin Oo Maanta Ku Geeriyoodey Magaalada Garoowe.
Written by Asad Cadaani Ibraahim
Saturday, 01 August 2009 12:39
Garoowe(Jidbaale.com):- Alla haw naxriistee waxaa Maanta ku geeriyoodey magaaladda Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal Darwiish Jaamac Biixi Kidin ,oo ka mid ah shacabkii ku sugnaa, mirashi iyo taleex xilligii diyaaradaha gumaysiga ingiriisku weerarka ku soo qaadeen daraawiish.
Darwiish Jaamac Biixi Kidin ayaa lax jir ahaa maalintii diyaaraduhu weerarka ku soo qaadeen daraawiish waxaana la aaminsan yahay in uu ahaa qofkii ugu danbeeyey ee Xaruntii daraawiish goob Jooga ka ahaa, isla markaana la kulmay Sayid Maxmed C/alle Xassan iyo madaxdii daraawiishta .
Muddo haatan laga joogu shan sanno mar uu Jidbaale.com ugu waramayey magaalada Laascaanood waxa uu sheegay in uu Sayidka kula kulmay xarunta Taleex , ka dib markig uu dagaaladii daraawiisheed ku shahiiday aabhood Darwiish Biixi Kidin.
Ilaahay haw naxariisto Darwiish Caaqil Jaamac Biixi Kidin, waxaanuna u rajeynaynaa jannadii fardowsa, asxaabtii qaraabadii iyo tarantii ka farcantayba waxaanu leenahay Samir iyo iimaan.
Haddaanu nahay hawlwadeenada Jidbaale.com waxaanu tacsi u diraynaa qoyska reer Biixi Kidin Axmed Meelkasta oo ay ku sugan yihiin aduunka.
Waraysi taariikhi ah uu Siiyey jidbaale Allaha u naxariistee darwiish jaamac biixi kidin halkan ka Dhagayso


