Culumaa'udiinka Ahlu Sunah Waljamaacah ayaa iska bareejiyay Xarakada Alshabaab, kadib markii si la mid ah sidii ay Saxaafada ugu jeediyeen inay magacooda dhabta ugu yeeraan ayna iyagana uga codsadeen.
Ahlu Sunah Waljamaacah oo xilligan awood ciidan ku leh Gobolada Dhexe ee Soomaaliya ayaa dib u habeyn ku sameeyay Maamulkooda u qaabilsan Arrimaha Saxaafada, iyagoona saxaafada ka dalbaday in aanay ugu yeeran magacyo Koox iyo urur toona.
Sheekh C/raxmaan Abuu Yuusuf oo ah Afhayeenka Ahlu Sunah ayaa u sheegay saxaafada qeybaheeda kala gedisan inay magaca dhabta ugu yeeraan Culimada ayna Alle ka cabsadaan oo ay ka fogaadaan magacyada been abuurka ah.
"Waxaan Warbaahinta ka codsaneynaa inay joojiyaan hadalada qaar iyo magacyada kaleba ee ay noogu yeeraan, waxaan u jeedineynaa inay nagu yeeraan magaca Maamulka Culumaa'udiinka Ahlu Sunah Waljamaacah"ayuu yiri Sheekh C/raxmaan Abuu Yuusuf.
Ahlu Sunah Waljamaacah ayaa dagaalo xoogan kula jira Alshabaab waxaana siyaasadooda ku saleynayaan qaab nidaamsan iyo Maamul wanaag, kadib markii ay la wareegeen inta badan Gobolada Dhexe.
Hadalkan ka soo yeeray Ahlu Sunah oo u muuqda mid bar bar dhig ayaa ku soo beegmaya xilli Alshabaab horay ugu wargelisay Saxaafada inay ugu yeeraan magaca Xarakada Shabaabul Mujaahidiin
Harakat Culumaa'udiinka Ahlu Sunah Waljamaacah al mujahideen
