DOWLADDA PUNTLAND EE SOOMAALIYA : New Name
Posted: Mon Aug 03, 2009 11:27 pm
War deg deg ah: Puntland oo laga badalay Dowlad gobaleed, lagana dhigay dowladda Puntland ee Soomaaliya.
Garowe(AllPuntland)- Madaxweynaha dowladda Puntland ayaa war uu caawa ku soo beegmay xuska sannad guurada 11 aad ee ka soo wareegtay markii la dhisay dowladda Puntland Soomaaliya, wuxuu ku dhawaaqay in laga daayay dowladii Magacii hore ee ahaa ( DOWLAD GOBALEEDKA SOOMAALIYEED EE PUNTLAND), loona bixiyey (DOWLADDA PUNTLAND EE SOOMAALIYA), waxana lasheegay in laga bilaabo caawa magacaasi uu hirgaliyo.
Madaxweynaha Puntland oo aan wali ka hadlin Munaasabada socota ayaa warkan soo mariyey Agaasinka Madaxtooyada, isagoo sheegay in ay dowladda Puntland Soomaaliya raadineyso nabad ka dhacda Soomaaliya oo dhan, oo aysan marnaba yeeli doonin talaabooyinka qaarkood.
Sidoo kale Madaxweyne Faroole ayaa fasax shaqalaha dowladda Puntland maalinta beri ah, wuxuuna sheegay in ay feysto tahay malinta beri ah, oo aysan shaqo jiri doonin, ayuu yiri Madaxweynaha dowladda Puntland.
F. C. Maxamed
AllPuntland, Gudaha Aqalka Madaxtooyada Puntland ee Garowe Soomaaliya.