Argagixiso damacday in ay Australia weerarto oo la qabqabtay
Posted: Tue Aug 04, 2009 11:41 am
Booliska Australia oo qabtay rag ay qaarkood Soomaali yihiin oo looga shakisan yahay in ay abaabulayeen weerarro ay ka geystaan gudaha Australia
Talaado, August 04, 2009(HOL): Ciidamada Booliska Australia ayaa xabsiga dhigay afar nin oo labo ka mid ah ay yihiin Soomaali, kuwaasi oo looga shakisan yahay in ay abaabulayeen weerar ay ku qaadaan saldhig mileteri oo ku yaalla gudaha Australia.
Sida ay sheegtay Idaacadda Australia ee ABC waxaa la rumeysan yahay in raggaas oo asalkoodii hore ka soo jeeda dalalka Soomaaliya iyo Lubnaan ay qorsheynayeen in ay weerar ku qaadaan saldhig mileteri oo ku yaalla Magaalada Melbourne ee Dalka Australia.
In ka badan 400 oo Askari oo ka kala socday Booliska Dhexe ee Australia (AFP), gaar ahaan Degmooyinka Victoria, Booliska New South Wales iyo Ururka Ciidamada Sirdoonka ah ee Australia ayaa waxay baaris ku sameeyeen 19 guri oo ku yaalla deegaannada Glenroy, Carlton, Meadow Heights, Roxburgh Park, Broadmeadows, Westmeadows, Preston, Epping, iyo degmada galbeedka ku taalla ee Colac.
Saraakiisha Booliska Australia waxay sheegeen in afarta nin ee la qabtay la xiray kaliya, isla markaana aan ilaa iyo haatan maxkamad la soo taagin. Hay’adaha Amniga iyo Sirdoonka u qaabilsan Australia ayaa sheegaya in ragga la qabtay ay qorsheynayeen weerarr ay ku qaadaan saldhig Ciidamada Australia ay leeyihiin oo ku yaalla duleedka galbeed ee Magaalada Sydney.