Seefta Bananka Was Murdered Today

Dedicated for Puntland politics and affairs.

Moderator: Moderators

User avatar
gemini07
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 7100
Joined: Fri Jan 18, 2008 9:44 am
Location: president of amiir faroole's fan club

Seefta Bananka Was Murdered Today

Post by gemini07 »

Today in a Makhaayad in Galkacyo 2 gunmen (wearing military dress) murdered Warsame Abdi ,the information minister in the Puntland government.
Adeerkay waa la aaridoona .(Reer Bicidyahan - Reer Wacays Galaeri)



Image

AUN :rose:
Last edited by gemini07 on Wed Aug 05, 2009 6:35 am, edited 4 times in total.
User avatar
gemini07
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 7100
Joined: Fri Jan 18, 2008 9:44 am
Location: president of amiir faroole's fan club

Re: Seefta Bananka Was Murdered Today

Post by gemini07 »

Breaking News Galkacyo:Wasiirkii Warfaafinta Puntland oo hada lagu diley bartamaha Gaalkacyo
5. august 2009

Tool

Send This Article To A Friend By Email | Saaxiibkaa warkaan ugu dir Email
Print This Article | Daabaco warkaan
Gaalkacyo (Allpuntland) War hada naga soo gaarey gaalkacyo ayaa sheegaya in wasiirkii Warfaafinta Puntland allah ha unaxariistee Warsame Cabdi Shirwac (Seefta banaanka)hada lagu diley magaalada gaalkacyo.

2 nin oo hubeysan ayaa diley wasiirka, wali ma heyno warfaahfaah san balse kala soco halkaan wixii soo kordha
User avatar
gemini07
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 7100
Joined: Fri Jan 18, 2008 9:44 am
Location: president of amiir faroole's fan club

Re: Seefta Bananka Was Murdered Today

Post by gemini07 »

Gaalkacyo: Kumuu ahaa Warsame Cabdi Shirwac?
5. august 2009

APL
Tool

Send This Article To A Friend By Email | Saaxiibkaa warkaan ugu dir Email
Print This Article | Daabaco warkaan
Gaalkacyo(AllPuntland)- Allaha Uraxmadee Warsame Cabdi Shirwac wasiirkii Warfaafinta ee dowlada Puntland ee maanta lugu dilay magaalada Gaalkacyo, wuxuu ka mid ahaa Siyaasiin aad loogu yaqaano deegaanada Puntland, isagoo mudo usoo joogay xaalado kala gedisan ama Siyaasadeed oo ka taagnaa Gudaha dalka Soomaaliya.

Warsame wuxuu ka mid ahaa Ragii ugu horeeyey ee isku soo sharaxay xilka Madaxweyne-nimada dowladda Puntland, balse looga guuleystay, wuxuuna sannadyadii hore ee Puntland ka mid ahaa rag Miisaan siyaasadeed oo mug weyn ku leh deegaanada Puntland.

Allaha unaxariistee Warsame Cabdi Shirwac wuxuu ka mid noqday ragii udhashay Puntland ee markale isku sharaxay Madaxweyne-nimada Soomaaliya sannadkii 2000, wuxuuna markaas ka dib dib ugu soo laabtay dowlad gobaleedka Puntland.

Wuxuu markaasi bilaabay dadaalo hoose oo ku aadan sidii markale deegaanada Puntland layskugu soo celin lahaa, isagoo qeyb weyn ka qaatay sidii Puntland ay cagaheeda iskugu taagi lahayd, markii la galay rabshadaha udhaxeeyey Siyaasiin Hogaanka isku hayay.

Warsame Cabdi Shirwac wuxuu ka mid ahaa Wasiirada ugu muhiimsan ee dowladda Puntland ee dalka Soomaaliya ee waqtigan, waxaana uu hada ka mid ahaa wafdiga dowladda Puntland ee ku sugnaa magaalada Gaalkacyo, isla markaasna waday howlgalo kala gedisan oo ay ugu horeeyaan nabadeynta Magaaladaasi iyo xalinta Mashaakilaad dhawana ka dhacay deegaanka Cagaaran ee gobalka Mudug.

Allaha uraxmadee Warsame Cabdi Shirwac wuxuu Siyaasada ku soo jiray tan iyo markii ay jirtay dowladii dhexe ee dalka Soomaaliya, wuxuuna lasoo shaqeeyey Maamuladii kala duwanaa ee Puntland marka laga reebo maamulkii Madaxweyne Cadde Muuse Xirsi.

Sannadyadii uu Puntland maamulayay Madaxweyne Yuusuf wuxuu ahaa Warsame Cabdi Shirwac Wasiiru dowladaha Amniga ee dowladda Puntland & jagooyin kale, wuxuuna ka mid ahaa rag aad ugu adkaa Siyaasada dowlada Puntland.

Waxa ay saaxiibo aad iskugu dhow ahaayeen Madaxweynihii hore ee dowladda faderaalka ee Soomaaliya Md. C/laahi Yuusuf Axmed, wuxuuna ku sugnaa Koonfurta Soomaaliya sannadyadii uu joogey Madaxweyne Yusuuf oo ay waxyaabo kala duwan ka wada shaqeyn jireen.

Warsame Cabdi Shirwac wuxuu ahaa nin aan gabasho hadal aqoon, wuxuu ahaa rag ugu hadalka dheer Puntland, waxaana aad looga xasuustaa Erayadii uu adeegsan jiray marka uu la hadlayo Saxaafada iyo Dadweynaha, waxaana uu ka mid yahay rag ay hadaladooda aad ujecel yihiin dadka ku dhaqan gobalada Puntland.

Allaha Uraxmadee Warsame Cabdi Shirwac Maleeshiyo hubeysan ayaa maanta ku dilay gudaha Magaalada Gaalkacyo, gaar ahaana halka loo yaqaano Carwo Faderaal, cida dishayna lama yaqaano,waxaase ay wararku sheegayaan in ay falkaasi fuliyeen labo nin oo ku labisan direyska ciidamada dowladda Puntland.

Dadka magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobalka Mudug ayaa aad uga walaacsan xaaladan, waxa ayna ku sifeynayaan dilka Wasiirkan mid looga soo horjeedo horumarka gobalka Mudug, maadaama wafdiga uu xubinta firfircoon ka ahaa ay maalmihii ugu dambeeyey wadeen shirar iyo kulamo looga tashanayo Aayaha gobalka Mudug.

46 maalmood ayuu ku sugnaa magaalada Gaalkacyo, marxuumka dhintay, wuxuuna maalmihii ugu dambeeyey ku jiray xalinta Mashaakilaad ka dhacay dhawaan deegaanka Cagaaran ooudhaxeeyey ciidan uu watey Gudoomiyaha gobalka Mudug C/nuur Maxamed Diiriye (GEESEEY) iyo Maleeshiyo beeleedyo ku sugnaa halkaasi, waxaana lugu waramay in ay meel wanaagsan martay xalinta Xurguftaasi.

F. C. Maxamed
AllPuntland
User avatar
gemini07
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 7100
Joined: Fri Jan 18, 2008 9:44 am
Location: president of amiir faroole's fan club

Re: Seefta Bananka Was Murdered Today

Post by gemini07 »

Garowe: Golaha Wasiirada Puntland oo kulan deg deg ah Galabta yeelan doona.
5. august 2009

APL
Tool

Send This Article To A Friend By Email | Saaxiibkaa warkaan ugu dir Email
Print This Article | Daabaco warkaan
Garowe(AllPuntland)- Sida ay sheegayaan Warar Madax banaan oo ka soo baxaya Aqalka Madaxtooyada ee dowladda Puntland, waxaa galabta kulan deg deg ah ku yeelan doono Madaxtooyada Wasiirada Puntland oo ka hadli doona xaaladihii ugu dambeeyey ee ka dhacay magaalada Gaalkacyo ee gobalka Mudug.

Madaxweynaha dowladda Puntland Dr. C/rixmaan Maxamed Maxamuud oo aad uga xun dilkan loo geystay Wasiirkiisii Warfaafinta ayaa ku dhawaaqay fadhi deg deg ah oo ay iskugu yimaadaan xubnaha golaha Wasiirada, isagoo lafilayo in uu galabta la hadlo Saxaafada.

Dowladda Puntland ayaa sheegtay in aad uga xun yihiin falkii lugu dilay Wasiirkii Warfaafinta Puntland Warsame Cabdi Shirwac oo ka mid ahaa ragii ugu firfircoonaa Wasiirada dowladda Puntland.

Go'aamada ka soo bixi doona golaha Wasiirada ee Puntland lama garan karo, waxaase ay Warar Madax banaan sheegayaan in uu Madaxweyne Faroole adeegsan doono Awoodihiisa Dastuuriga ah, wuxuuna go'aamo culus ka soo saarayo dilka iyo baaritaankiisa oo gudi deg deg ah loo magacaabayo.

Saraakiil Madaxweynaha Puntland Dr. C/rixmaan Maxamed Maxamuud aad ugu dhaw ayaa xaqiijinaya in uu Madaxweynaha oo latashanaya Madaxweyne kuxigeenkiisa iyo Wasiirada Puntland ayaa soo saaraya Xeer gaar ah oo khuseyn doona Magaalada Gaalkacyo.

Magaalada Gaalkacyo waxa ay Puntland kaga taalaa xadka ay la wadaagto Koonfurta Soomaaliya, waxaana magaaladaasi ay tahay mid aysan wada maamulin dowladda Puntland ee dalka Soomaaliya, dad badan ayaa ku sheegay in Gaalkacyo ay tahay meel aan amaankeeda cidna sugikarin.

Dowladda Puntland ayaa la eegayaa go'aankeeda ku aadan dilkan, waana markii ugu horeysay oo Wasiir ka tirsan dowladda Puntland lugu dilo gudaha deegaanada Puntland, taasoo looga fadhiyo dowladda Puntland in ay go'aan ka gaarto deg deg ah.

F. C. Maxamed
AllPuntland
Advo
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 27096
Joined: Sat Mar 01, 2008 4:11 am
Location: ever green state

Re: Seefta Bananka Was Murdered Today

Post by Advo »

Ilaahey Ha una xariisto adeerkaa ayeeyo :rose:

Kacan ku dhiiglayaasha wont go unpunished baan filaayaa insha'allah.
User avatar
Khalid Ali
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 32728
Joined: Mon Oct 18, 2004 11:03 am
Location: Suldaan Emperior Gacanyarihisa

Re: Seefta Bananka Was Murdered Today

Post by Khalid Ali »

meel wasiir lugu dilayo mamuul kama jiro
its the same in hiiraan :down:
sadeboi
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 11690
Joined: Wed Jun 02, 2004 7:00 pm
Location: Reer Siyaad Ugaas

Re: Seefta Bananka Was Murdered Today

Post by sadeboi »

Gem who lives in Cagaaran? Ma sacad ba dhilay?
Highland
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 983
Joined: Sun Apr 25, 2004 7:00 pm
Location: The Beautiful ''Calmadow''

Re: Seefta Bananka Was Murdered Today

Post by Highland »

RIP to the Minister.


Khaliil, stop being a hater. Always trying to score cheap political points.

Respect the dead and his city.
User avatar
Khalid Ali
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 32728
Joined: Mon Oct 18, 2004 11:03 am
Location: Suldaan Emperior Gacanyarihisa

Re: Seefta Bananka Was Murdered Today

Post by Khalid Ali »

Highland wrote:RIP to the Minister.


Khaliil, stop being a hater. Always trying to score cheap political points.

Respect the dead and his city.

Who is khaliil?
User avatar
abdisamad3
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 12628
Joined: Sat May 30, 2009 10:18 am
Location: Kismayo

Re: Seefta Bananka Was Murdered Today

Post by abdisamad3 »

khalid ali wrote:
Highland wrote:RIP to the Minister.


Khaliil, stop being a hater. Always trying to score cheap political points.

Respect the dead and his city.

Who is khaliil?
qaxooti what are you doing in the puntland section..can you f@ck off your not wlc here.. :lost:
User avatar
abdisamad3
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 12628
Joined: Sat May 30, 2009 10:18 am
Location: Kismayo

Re: Seefta Bananka Was Murdered Today

Post by abdisamad3 »

gemini allaha uu naxariisto adeerka..markaan arkay warkaan waan naxay..yaa dilay ma la ogyahay?
maxamed khaliif
Posts: 105
Joined: Thu Sep 22, 2005 11:54 am
Location: muqadishu
Contact:

Re: Seefta Bananka Was Murdered Today

Post by maxamed khaliif »

Alla yaraxma,Seefta nin oday ah buu ahaa oo iska fiican,Waxaanse layaabanahay xaafada koonaha ah ee inta dadka ladilo lagalayo maa waxlaga qabto (so called baraxley) Goortay gaalakcyo ladajiyay oo odayaashooda mushaarka loo qoray ayay dadlayn bilaabeen alla yakhrib baytak hawiye qof ladilo ma ahee waxkale mayaqaanaan .
User avatar
abdisamad3
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 12628
Joined: Sat May 30, 2009 10:18 am
Location: Kismayo

Re: Seefta Bananka Was Murdered Today

Post by abdisamad3 »

^^^^how you know its hawiye behind this?
User avatar
gemini07
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 7100
Joined: Fri Jan 18, 2008 9:44 am
Location: president of amiir faroole's fan club

Re: Seefta Bananka Was Murdered Today

Post by gemini07 »

Advo wrote:Ilaahey Ha una xariisto adeerkaa ayeeyo :rose:

Kacan ku dhiiglayaasha wont go unpunished baan filaayaa insha'allah.

Thank you ayeeyo :rose:

They won't ,this was a very deliberate attack to hurt Beesha
User avatar
gemini07
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 7100
Joined: Fri Jan 18, 2008 9:44 am
Location: president of amiir faroole's fan club

Re: Seefta Bananka Was Murdered Today

Post by gemini07 »

sadeboi wrote:Gem who lives in Cagaaran? Ma sacad ba dhilay?

Cagaaran is a Reer Bicidyahan deegaan 35 Km north of Galkacyo .We don't know Yet..
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Puntland”