Axmed Siilaanyo Oo maanta la kulmaya wefti ka socda Maraykan

Dedicated for Somaliland politics and affairs.

Moderator: Moderators

User avatar
Gaashaanle_87
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 926
Joined: Thu Apr 02, 2009 7:37 am
Location: Kaydkii jacaylkaa riyo laygu keenaa' kabbo baan idhaahdaa mise waaba koob madhan :(

Axmed Siilaanyo Oo maanta la kulmaya wefti ka socda Maraykan

Post by Gaashaanle_87 »

Hargeysa (Ogaal)- Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Sillaanyo), ayaa sheegay inay maanta la kulmayaan wefti ka socda Koongareeska Maraykanka iyo diblomaasiyiin ka kala tirsan dalalka Yurub iyo Ameerika ee daneeya taageerida dimuquraadiyadda iyo doorashooyinka Somaliland, kuwaasoo uu sidoo kale kala qaybqaadanayo guddoomiyaha xisbiga Ucid Inj. Faysal Cali Waraabe. Isla markaana waxa uu Madaxweyne Rayaale ku eedeeyay go’aanada doorashooyinka la xidhiidha ee uu keligii ku talaabsaday.

Guddoomiyaha Kulmiye Md. Siillaanyo oo xalay khadka talefoonka Wargeyska Ogaal ugu waramayay, ayaa sheegay inuu haatan caafimaadkiisu wanaagsan yahay, isla markaana uu dalka ku soo laabanayo Khamiista berri. “Anagu arrintaa (bilawga ololaha) khalad baanu u arkaynaa, doorashadu UDUB kama dhaxayso ee Axsaabta ayay ka dhaxaysaa Doorashadu. Waxaanay ahayd ololaha doorashada ee dalka la galayo in siday axsaabtu ku midaysan tahay lagu galo, laakiin xisbiga Udub iyo xukuumadaa ka hor-dhacay, waana wax sharciga dalka baal-marsan, curfigii siyaasadda iyo wada-shaqayntana baal-marsan. Markaa wa tan shacbiga Somaliland iyo dunida kaleba ay aad u arkeen oo qaar badanina ay mowqifkooda ka qaateen, qaar kalena aan filayo inay dhakhso u muujin doonaan dareenkooda.” Ayuu yidhi Mr Siillaanyo. Mar aanu wax ka waydiinay kulamada diblomaasiyadeed iyo waxa ilaa hada ua qabsoomay, waxa uu sheegay guddoomiyuhu in guddomiyaha xisbiga Ucid Inj. Faysal Cali Waraabe uu isaguna kulamo la yeeshay diblomaasiyiin uu hore ula kulmay, isla markaana maanta ay labadooduba la kulmayaan diblomaasiyiin ka socda dalalka qaadhaan-bixiyeyaasha ka ah doorashooyinka Somaliland, isla markaana ay si wada-jir ah ula kulmayaan wefti Ameerikaan ah oo la socda Xoghayaha Arrimaha Dibadda Maraykanka Hilarry Clinton, kuwaasoo magaalada Nairobi maanta la filayo inay gaadhaan.

Isaga oo ka hadlayay kulamo ay la yeesheen diblomaasiyiin reer galbeed ah waxa uu yidhi, “Dadyowgaa intii aanu hore u aragnay iyo inta kaleba, waxay aad iyo aad u sheegayaan inay u arkaan in dalka Somaliland siduu ku socdaa aanay ahayn sidii saxda ahayd ama nidaamka maanta jiraa uu ku wado. Isla markaana ay Somaliland dhibaato badani uga iman karto hadii aan dariiqaa khaaska ah laga baydhin, iyadoo ay tahay in laysa saxo oo dib laysugu soo noqdo oo wada-tashi yimaado oo wax qarannimo lagu midaysan yahay, axsaabtu ku midaysan tahay, qarankuna niyad wanaagsan siiyo oo lagu dhaqmo oo lagu macaamilo.” Mar wax laga waydiiyay waxa ay dhawaaqyada qaadhaan-bixiyeyaahu ka bedeli karaan go’aankii Madaxweyne Rayaal ee laalista natiijada diiwaangelinta, waxa uu yidhi, “Dee, horta haduu caqli leeyahay inay wax ka bedeshay ahayd, laakiin hadaanu lahayn, waxani ummada reer Somaliland oo dhan bay u taalaa, kuligeen hadayu nahay axsaab iyo shacab-ba iyo hadaynu nahay suxufiyiin iyo waxgaradkii ummada-ba….markaa markaynu aragno inuu dalkeena jar ka tuurayo waa inaynu dariiqa saxa ah ku soo dabaalo.” Ayuu hadalkiisa raaciyay Md. Siillaanyo. Waxaanu intaa ku daray, “Horta, Madaxweynuhu dalka ma laha keligii, dhaqaalihiisana ma laha, in arrimaha doorashooyinka keligii uu ku-tagri-falana maaha, inuu keligii ku-amar-ku-taagleeyana maaha, axsaabta musharraxiinta kale ayay ka wada-dhaxaysaa, balse inay axsaabtu isu timaaday ahayd, laakiin qaabkuu ku dhaqmayo waad aragtaan. Dadkeenii maanta rajada ka qabay in layna ictiraafo, rajada ka qabay in caalamku maanta gacan ina siiyo ee ina soo dhawaynayay, maanta waa kaa fogeeyay ee xumeeyay, dalkiisii iyo dadkiisii wuu xumaynayaa, waxaanan dhawaan ku kalsoonahay shacbiga Somaliland meel kastoo ay joogaan waxgaradkiisu inay taas qiimayn doonaan.” Isaga oo ka hadlayay cidda ay kala kulmayaan weftiga Maraykanka waxa uu yidhi, “Horta, maaha Mrs Clinton maaha qorshe hore u yaalay inaanu la kulano, laakiin masuuliyiinta la socda weftigeeda qaar ka mid ah waanu arkaynaa.” Sidoo kale, mar wax laga waydiiyay jewiga diblomaasiyiinta ay la kulmeen ka muujiyeen mustaqbalka dimuquraadiyadeed ee Somaliland, waxa uu yidhi, “Waxay ila tahay inay dareenkooda aad iyo aad u muujiyeen dareenka ay ka qabaan (Somaliland) iyaga oo ay aad uga xun yihiin dariiqa uu qaaday Daahir Rayaale iyo dawladiisuba. Waxaanan filayaa inay dhakhso go’aano kale ka soo saari doonaan.” “Dee, horta haduu caqli leeyahay inay wax ka bedehay ahayd, laakiin hadaanu lahayn, waxani ummada reer Somaliland oo dhan bay u taalaa, kuligeen hadayu nahay axsaab iyo shacab-ba iyo hadaynu nahay suxufiyiin iyo waxgaradkii ummada-ba….markaa markaynu aragno inuu dalkeena jar ka tuurayo waa inaynu dariiqa saxa ah ku soo dabaalo.” Ayuu hadalkiisa raaciyay Md. Siillaanyo. Waxa kale oo wax laga waydiiyay eedaymo looga soo jeediyay hogaamiyeyaasha axsaabta mucaaradku inay u joogaan Nairobi hawlo dhaawacaya dalka, waxa uu kaga jawaabay, “Inagu dal la ictiraafsan yahay ma nihin, waxaanaynu maanta u baahnayn degenaansho iyo eedi-socodka dimuquraadiyadeed ee dalku qaaday, waxaynu ahayn dad dunida wax kaga rabay, caalamkuna sidaas buu inagu soo dhawaynayay, rajo fiicana aynu ka qabnay, markaa maanta dhinac walba waxaad moodaa inaynu ka oodanay…..” Mar wax laga waydiiyay in ay halkaa kula kulmayaan Sheekh Shariif-ka Soomaaliya, waxa uu Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siillaanyo) ku sheegay inay tahay taasi wax lagu qoslo oo lala yaabo, isla markaana waxa uu ku tilmaamay aflagaado aan macne lahayn.

Dhinaca kale, mar shalay Idaacada BBC-da laanta af-soomaaligu waraysi la yeelatay Guddoomiyaha Kulmiye o wax laga waydiiyay waxay yeelayaan hadii ay dawladu go’aankeeda ka degi waydo, waxaanu ku jawaabay, “Hadii Dawladu meesheeda ku adkaysato, anaguna meeshayada waanu ku adkaysanaynaa oo meeshu meel cidla ah maaha (Somaliland) oo shacbigii Somaliland oo dhan ayaa jooga, Hay’addihii dasduuriga ahaa ee qaranka ayaa jooga, Baarlamaankii ayaa jira, Guurtidii ayaa jirta, Culimaa’udiinka ayaa jira, wax-garadkii kaloo dhan ayaa jira, markaa laba qof ama saddex qof oo ku tartamaya doorashada dalka ma laha, balse waa qaran, sharci ayuu leeyahay, Hay’adduu leeyahay, shacab ayuu leeyahay, markaas dadweynahaas iyo ummaddaasi waxay doonayaan ayay u dhacaysaa. Markaa waa in cid kastaa u hogaansanaataa oo sharciga la isugu yimaadaa. Hadii taasi imanwaydo, anaguna ogalaanmayno in sida uu u wato wax u dhacaan.”
User avatar
GENERAL_SNM
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9757
Joined: Fri Jul 13, 2007 1:32 pm
Location: ''Nimankii Maroodiga ahaa mudanki reer Daahir''

Re: Axmed Siilaanyo Oo maanta la kulmaya wefti ka socda Maraykan

Post by GENERAL_SNM »

Thou should lead somaliland into the promised land...Silanyo :sland: 9
User avatar
yawle
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 887
Joined: Sat Nov 17, 2007 5:36 am
Location: Habaryoonis baan uga dhashay iyo Harunta Waawayn

Re: Axmed Siilaanyo Oo maanta la kulmaya wefti ka socda Maraykan

Post by yawle »

The Kulmiye leadership are so desperate. They have become the new Afbiijo of Somaliland politics - cheap, shameless political opportunists.

They are now dancing to the new American tune of resurrecting "Somalia's unity", a sinister champaign rejected by the SL government.

They wouldn't have gotten any chance if Foreign Minister Ina Ducaale and the government was willing to dance to that tune. But no, the government is answerable to thep people, and Somaliland soveriegnty is scared cause. Something Kulmiye's leadership have long discarded. What a shame.


Foreign Minister discusses how Kulmiye is undermining Somaliland ( http://www.hadhwanaagmedia.net/detail.asp?id=1019 ).
User avatar
GENERAL_SNM
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9757
Joined: Fri Jul 13, 2007 1:32 pm
Location: ''Nimankii Maroodiga ahaa mudanki reer Daahir''

Re: Axmed Siilaanyo Oo maanta la kulmaya wefti ka socda Maraykan

Post by GENERAL_SNM »

Its coming Yawle, better tell your folks the new dawn is about to begin... :mrgreen:

I bet you'll know how a hostage feels when Silanyo takes over, cause you'll be a hostage in somaliland. :sland:
User avatar
Khalid Ali
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 32728
Joined: Mon Oct 18, 2004 11:03 am
Location: Suldaan Emperior Gacanyarihisa

Re: Axmed Siilaanyo Oo maanta la kulmaya wefti ka socda Maraykan

Post by Khalid Ali »

yawle wrote:The Kulmiye leadership are so desperate. They have become the new Afbiijo of Somaliland politics - cheap, shameless political opportunists.

They are now dancing to the new American tune of resurrecting "Somalia's unity", a sinister champaign rejected by the SL government.

They wouldn't have gotten any chance if Foreign Minister Ina Ducaale and the government was willing to dance to that tune. But no, the government is answerable to thep people, and Somaliland soveriegnty is scared cause. Something Kulmiye's leadership have long discarded. What a shame.


Foreign Minister discusses how Kulmiye is undermining Somaliland ( http://www.hadhwanaagmedia.net/detail.asp?id=1019 ).


Udub is just losing creditability by the day working against the international community while they are supposed to seek diplomatic recognition , they work against what the international community wants and that is a registrated election , the European union paid 12 million dollars for Somaliland population to registrate them self’s Daahir riyaale and his administration sees the numbers and sees he cant win the election with what the Mr samara brought on the table and sends his Dog jamac Sweden and riyaale tells him u have to make an announcement and he held a preconference saying the election will happen with out registration. Daahir riyaale and udub meel xun bay is galliyeen and they know it its funny how he tries to portray silanyo to be a somaliweyn supporter ,just because he correct all the errors udub makes Diplomatic errors they made in Washington was corrected by kulmiye.
User avatar
Cali_Gaab
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 14013
Joined: Wed Oct 17, 2007 8:50 pm
Location: Sleeping next to my life's cottage

Re: Axmed Siilaanyo Oo maanta la kulmaya wefti ka socda Maraykan

Post by Cali_Gaab »

khalid ali wrote: Udub is just losing creditability by the day working against the international community while they are supposed to seek diplomatic recognition , they work against what the international community wants and that is a registrated election , the European union paid 12 million dollars for Somaliland population to registrate them self’s Daahir riyaale and his administration sees the numbers and sees he cant win the election with what the Mr samara brought on the table and sends his Dog jamac Sweden and riyaale tells him u have to make an announcement and he held a preconference saying the election will happen with out registration. Daahir riyaale and udub meel xun bay is galliyeen and they know it its funny how he tries to portray silanyo to be a somaliweyn supporter ,just because he correct all the errors udub makes Diplomatic errors they made in Washington was corrected by kulmiye.
Spot on!

THis UDUB government is on its last leg, anybody but the fool cuqdada ku dhashay yawle can see that.

They've been getting more time in office due to the voting registrations. They claimed that they needed more time in order to complete this process which they got and have failed to deliver.

They decide to kick the agency out of the country that's responsible for the voting registrations, the process and financially.

They decide to engage in the elections without the voting registration list, this means that anybody can participate, whether they're from the hawd or elsewhere. A concept the government cant seem to grasp.

Riyaale still hasn't spoken out about the drought that occured, the conflicts in Gabiley and the small unrest in Boorame.

There has been no progress whatsoever, dekedda berbera is dead. They sign deals with Arabs left right and centre.

This government is inept , i'm surprised how the likes of Yawle have time to try and spot loopholes elsewhere while there's a dark cloud over the same party they're defending.
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Somaliland”