Xafladii Furitaanka ololaha UDUB ee Berbera oo Bur Burtay Markii Gabadh KULMIYE taageersani ka dhex toostay iyo rabshadoo dhexmaray kooxo dhallinyaro
Berbera (Buraoonline) 5.08.09 Xaflad loo sammeeyey caawa furitaanka ololaha doorashada Gobolka Saaxil ee xisbiga UDUB oo lagu qabtay Fagaaraha 26-ka June ee Berbera, ayaa burburay, islamarkaana lagu kala dareeray markii mid ka mid ah hablihii dhallinyaradda ahaa ee ka soo qaybgalay xafladaasi ay ka dhex toostay mar keliya markii ay ku dhawaaqday inay ka tirsantahay Xisbiga KULMIYE, sidaas darteedna aanu xisbiga KULMIYE kabaqan ololaha doorashada, haseyeeshee ay u joojiyeen tallaabooyinkii xukuumadda iyo Komishanku ku laaleen diiwaangelinta, sidaa darteed aanu xisbigoodu marnaba ogolayn doorasho lagu galo bilaa diiwaangelin, ka dibna si deg dega looga qaaday Mikrifoonkii ay ku hadlaysey.
Hadalka ka so yeedhay gabdhaas dhallinyaradda ah ayaa sababay inay ka cadhoodaan masuulliyiintii iyo tyaageerayaashii kala duwanaa ee goobtaa ka sugnaa oo uu khal khal galo habsami u socodkii xafladaasi, taasoo sababatay inay iska hor yimaadaan dhallinyaro taageertay hadalka gabadhaas ka soo yeedhay iyo kuwii ka cadhoodey.
Arrinkaas ayaa keenay inay dhagaxaan isweydaarsadaan labaas kooxood ee iska soo hor jeeda oo aan illaa hadda caddayn inta uu leegyahay khasaaraha ka dhashay, islamarkaana waxa gebi ahaanba xidhantay xafladii loo sammeeyey bilowga tartanka ololaha doorashada ee xisbiga UDUB oo axsaabta kale ka gaabsadeen ka qaybgalkiisa.
Furitaankii xafladaas xidhantay waxa goog ka ahaa Badhasaab-ku-xigeenka Saaxil Maxamed Muuse Cabdalle oo si rasmiya ugu dhawaaqay furitaanka ololaha doorashada ee Xisbiga UDUB, intii aanu rabshadaasi dhicina hadala ka uu ka jeediyey sheegay in isaga masuulliyad gaari ka saarantahay furitaanka ololaha ee saddexda xisbi qaran, sidaas darteedna maadaama ay tahay maalintii loo asteeyey UDUB uu u furay, islamarakaana diyaar u yahay inuu sidaas oo kale ugu furo axsaabta kale, maadaama Komishanku si rasmiya u shaaciyeen una soo saareen liiska kala danbeynta ololaha ee xisbiyada.
Guddoomiyaha Xisbiga UDUB ee Gobolka Saaxil Maxamed Cumar oo isaguna xafladaa ka hadlay, ayaa ugu baaqay dhammaan taageerayaasha xisbigu inay si buuxda uga qaybgalaan ololaha doorashada madaxtooyadda oo ay u diyaar-garoobaan maalmaha u astaysan isu-soo-baxyada xisbiga UDUB.
Berberanews
Xafladii Furitaanka ololaha UDUB ee Berbera oo Bur Burtay Ma
Moderators: Moderators, Junior Moderators
Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 2 Replies
- 630 Views
-
Last post by xaliye123
-
- 71 Replies
- 7196 Views
-
Last post by rich-boy
-
- 8 Replies
- 761 Views
-
Last post by Siciid85
-
- 1 Replies
- 790 Views
-
Last post by zingii
-
- 6 Replies
- 467 Views
-
Last post by sheekh-Farax-zero
-
- 0 Replies
- 427 Views
-
Last post by FarhanYare
-
- 5 Replies
- 585 Views
-
Last post by sadeboi
-
- 0 Replies
- 1267 Views
-
Last post by Karbaash_killa
-
- 0 Replies
- 466 Views
-
Last post by Ducaysane_87
-
- 68 Replies
- 2527 Views
-
Last post by Sadaam_Mariixmaan