Qamaan Bulxan oo ku xidhan Herer, Oo Ahaa Maxaabiistii Laga soo qabtay Dagaalkii Daraawiishtu la gashay Axmaarada ee ka dhacay Banka JigJigaad, Kaara-Mardho.
Isagoo Xabsiga ku jira Ayaa niman socoto ahi uyimaadeen ooy dhaheen war ah in Sayidkii geeriyooday.
Qamaan Hadalkaas aad buu dhibsaday, Wuxuuna isku qanciyay oo isku himbiriirsiyay, In Sayidku noolyay,Warkaasina beenyahay.
Wuxuu Yidhi Qamaan Bulxan.
Dhoobkii magaaliyo warkaa, dhoofka laga keenay
Ee niman dhabbada soo hayiyo, dhebedku soo sheegay
Dhawaaqaale xaajada tagtiyo, Adari dhuuxeeda
Dhulkaa ii dalooshamay hadday, dhab u ekeeyeene
Dhafoorrada sidaan ugu kogaan, dhabanka haystaaye
Dhag baa waagu ii yidhi sidaan, dheel u yuururaye
Sayid Maxamed wuu dhaqan yahaye, dhimey ninkii sheegay
Rabbi dhinaca naar haw dhigee, wuu na dhuunmudaye
Waa dhuuxa Baahale Hartina, waa dhufaanyihiye
Libtuu dheelmo iyo taan dhigaa, ii dhawaaq simane
Wuu dhiman Ogaadeen hadduu, dhumo adoogoode
-------------------------------------------------------------------
Qamaan Bulxan oo ka war helay In Barni ku laabatey reerkoodii iyo Xero Abasguul, Kana War helay in naagtii la damcay in laga fasaqo, oo Niman Reer Haaruun ahna isu diyaarsheen iney gabadha ka xoolo baxshaan lana wareegan.
Ayuu Isagoo Geed hoosta goroda laad-laadin hayay dul yimid ina adeerkii Heybe.
Heybaa yidhi War Qamaan, Duleedka ka soo kacoo bal ina keen, Qamaan intuu goroda kor uqaaday Ayuu Gabaygan sii daayay oo feedhaha ka higooday, Ileen waa nin arin adag la daristaye.
Wuxuu yidhi Qamaan Bulxan Yuusuf, Allaha Unaxariistee.
Gartay Weeye Hayboow inaan goroda laadshaaye
Waxba gogolna ha isiin hurdadu waygu gabileeye
Geelii daraad lala tagee guluf u daaweystay
Gaarrey rasaasiyo haduu gumuco eeraamo
Geyigaba adoon jooginiyo gaaguf iyo qaylo
Isaguba gunta lawyaduu marada geeyaaye
Aniguna gedii baan ahee guriga hay geenin
Hadii garabka loo dhigo haween god aan la ciideynin
Garaad-xumada Luxudka AYaan Gawda ku hayaaye
ANiguna gedii baan ahee guriga hay geenin
Lo'da miirta jeer hore gudhay ee gaawo laga waayay
Oo Gaan is tidhi baan ahaye guriga hay geeynin
Geenyada bakhtiday kii arkayee gudub u raad-gooyay
Ee goobay madaxeeda yaa iga garaad roone
Aniguna Gedii Baan Ahee Guriga Hay Geeynin
Nimay Qaaxo feedhaha gashooy malixi gaasheysay
Gii haduu yidhaah meydhaqaan gocosho deyneeyne
Wed gudoonshey saakana ninkaa guraya weeyaane
Aniguna gedii baan ahee guriga hay geenin
Ragse wax gaadhay naagtuu qabay guur nin lagu sheegay
Iyo gobos mariidloo ku dhacay goonjigii hilibka
U gudboone labadaa hal buu gama la diidaaye
Anse eegga garaabaye godobta ii dheeree
------------------------------------------------------------
Qamaan oo kasoo fasax qaatay xaruntii daraawiishta, Ayaa Hundood iyo Qoraxey yimid.
Gabaygan aan inta gaaban ka heyno ayuu marshay oo laandheerinimo, Hub iyo Fardaba ku tilmaanaa qoyskoodu.
Wuxuu Yidhi
Faro sheegay reer warfaa wuxuu falina waa yaabe
Kun fuushoo dab lihi waa qabiil lalga fogaadaaye
Qamaan oon fasixin geel ninkii foofiyaa dagane
Gabaygaas korre kolkuu marshay Ayuu Qamaan dib ugu laabtay xaruntii daraawiishta, Sayid Maxamedna waaba kasii war hayay gabayga faanka ah iyo goodiga ah ee qamaan marshay.
Sayidkaa Si ula kac leh u yidhi Qamaanoow bal ku celi gabaygi.
Qamaana nin halabuurku ufududyahay buu ahaaye, wuu badalay, wuxuuna yidhi.
Faro waa daraawiish waxey falina waa kheyre
Kun fuushoo dab lihi waa qabiil lala fadhiistaaye
Sayidkoon fasixin geel ninkii foofiyaa dagane.
Lama xujeeynin Qamaan oo wuu ku badbaaday arintaas
--------------------------------------------------
Qamaan Bulxan ( Gabayadiisii Collection)
-
Faarax-Caytame
- SomaliNetizen

- Posts: 428
- Joined: Fri May 23, 2008 2:34 am
- Location: Awaare
-
Faarax-Caytame
- SomaliNetizen

- Posts: 428
- Joined: Fri May 23, 2008 2:34 am
- Location: Awaare
Re: Qamaan Bulxan ( Gabayadiisii Collection)
Qamaan Bulxan Yuusuf wuxuu gabaygan ugu jawaabay niman harti ah oo dhibsaday wiil yaroo gabadh uga fadhiyay, martina u ahaa.
Wuxuu Gabaygani Jawaab cad uyahay nin isku dheerariyay Abwaanadii Ogaadeen ee Calanka Maansada wadayxiligaas, Ninkaas Mohday waxaa la odhan jiray Cali Sharmaarke, Sida la sheegayna Nin Hunle Tanade la odhan jiray oo Leelkase ahaa ayaa udhiibay labada meeris ee silsiladan Haameey iyo Halac-Dheere fatahiyay.
Jawaabtii Uhoreeysay ee silsiladan waxaa yeeshay Qamaan Bulxan, Wuxuuna yidhi.
Halkaad cali sharmaarkoow na tidhi waa huf iyo beene
Waana hiijo godobood, ragaad naga hafreeysaaye
Waxbaan heli karaa baad na tidhi waadna hibataane
Haaraanka iyo faanku waa haayad kala dheere
Isku hilin bal qaad xaajadaa kaa hadoodilane
Gobonimo hadey hodan tahoo horay laguu siiyay
Hoh maxaad utidhi wiil marti ah hilib intaad siiyay?
Harag timira, heeshiga Bariis bur iyo haashaarka
Xedhyahan hadoodilan barnida lagu hagoogaayo
Hasha gowraceediyo ritiga kuruska hayn waayay
Hab ku-dhacay iyo gabadh aan heegii laga goynin
Haasaawe dheero waliba hibasho waayeel leh
Lixaadaan hanbiyo sheeg laheyn hor alle mooyaane
iyo dadabta hooska leh anaba gelinay haybtiine
Majeerteen hab nugulaa nin maray hadalkii muu daayo
Harti waxaan ku nacay ruux miday higis dhan moodaane
Idinkaa hayeeysnimada qoray halac ogaadeene
Eeeggan ma hiif la,a sidaad harag usaarteene
Waryaa nala horeeyaaydu soo hadal afwaa ma,ahooy?
--------------------------------------------------------------------
Gabaygan wuxuu Qamaan ugu Jawaabay Cali Dhuux iyo Cali Sharmaarke iyo Gooni, oo sadexduba isku dayay ineey maanso-ku-sheeg ku da'daan arintii foosha xumeyd ee nimankii martida ahaa lagula dhaqmay.
Gabaygani waa Silsiladii Haameey iyo Halac-Dheere.
Haameeyna nin dhulbahante ah oo Geel niman Reer Cali ah raaca buu ahaa oo qowsaar ah, Xidhaalase ma qaadan jirin ee Afkiisuu ku noolaa.
Halac-Dheerena wuxuu Ahaa Wiilkii Martida ahaa, Ragii Ilma Adeeridii ahaa ee Gabadha doontayna la fadhiyay, Wuxuuna hadalku ka raacay ( Adeer biyo noo keen, waanu oomanahaye) iyo Hadalkii Guraase Xaaji Cali ee ahaa ( War Armeey nimanku dhahaan, Halac-Dheere nimankii sanado heyn jiraan nahaye).
Qamaan Bulxan WUxuu Yidhi.
Guraasoow haweestaye hadaad naga hagaageyso
Hawo lalama jiife hadaad hilayga awr saarto
Ood faraska heensaha hudoon heeda kaga yeesho
Ood horay usii mari wadadu waa had qaro weyne
Halaqa iyo gaajada hadaad hoyoto ood dhaafto
Majeerteenku waa hod-dan-yahee hal iga gaadhsiiya
Hido Boqor ma sheegine kuwaa midigta haaneeda
Hadhuub inuu ka raaco kuwaan horayba eedoownay
Hogta godan biyuhu waw hadhaan horinta reer yuusuf
War maansadu huq bay tari asaan lagu heshiin doonin
Halaagii ka dhaca labada reer ee hurgumo reebi
Inaanan hortii horre laheyn una hogaan jiidin
Bal ogaada waatad hartoow hiil kurtaa tahaye
Afartaa higaadshaye miyaan kala haboowsiiyay
H'da ma ugu dhigay sheekh sidii hagabsi waa ceebe
Ma hawadiyay waayahakan waa igu higaag-naaye
Sida gooni haar lama jafee hilin cad ma ujeexay
Halna waxaan ka idhi dhalashaduu hanane ceeb faanay
Hiraab iyo hawiye iyo intii hilib islaameed ah
Habow kama tegana wiil intuu ka odhan geede
Hiddo xumo Bah yacquub nin ogi hayb ma faaqido'e
Hareer waxaa iga xiga saahidooy hiladii buuxdaaye
Dubbad Hiirad heel laguma ridin hanadkii dhuubnaaye
Cilmi raage iyo Yuusuf baa hoos dhig ii maqane
Xasan iyo cabdina waa ila hayb hadise meysaane
sheywaalna horintii laheyd hadalkii loo sheegye
Intaas oo hogaa iga ag qodan amase haadaane
Oo lagu hor-dhigi maalintii hilibku jiitooye
Halna waxaan ka idhi waa anfaco tuu hunguri sheegay
Hadaan heegno goolweyn asaan neef dhan uhagaajo
waxaanu anigu hoo idhi amase bilo dhan loo haarto
Hunguraad cuntaan abidna aan laga hamuun-goynin
Hambo intaad ka sugi eebahay hodankii weyaane
Hilbo-duuf ah noogama duwana harag ugaadheede
Idinkaa uhardamayee, Anfaco malaha howshaase
War maad heybsataan waxaad dhigteen dirirtii haar-weyne
-------------------------------
Qamaan Bulxan wuxuu tiriyay Gabaygan mar niman ganacsato ahaa ay reerkiisii Yimaadeen, Ooy Doollo Yimaadeen.
Nimankii Kolkuu Bidhaantooda arkay, Gartayna waxeey yihiin, Ayuu intii Buulkii galay ku yidhi, Islaantuu Qabay, Naa dhaboyacadaas soo socota hadey ku dhahaan, Qamaan ma joogaa, Ma joogo ku dheh, Hadeyse ku dhahaan Qamaan Bulxan Yuusuf ma joogaa, Haa dheh.
Naagtii ineey ukas usameysay iney hilmaantay moojiye, wixii lagula balamay meyna oofin oo hadaladii bay is daba marisay.
Qamaan Bulxan Maanso-Ruug weynaaday buu ahaaye, waa intuu rabay, Intuu Buulka kor uga soo baxay buu, Nimankii Meesha taagnaa, Gabaygan ku hal-gaaday.
Wuxuu Yidhi Qamaan Bulxan
Habeen sooryo naag hadashay waa had iyo laayaane
Nimankii i haybsaday waa kuwaa qiraya haybkiiye
Hungurigaa xilka-lihu waa wixii bah habar-yacquube
Iyagaa inteey hoo baxshaan heesi daba-tiile
Oo ku hilbo qeybsada waxey hor alla geystaane
Halmaan ina sharmaarkuu ka yimid laguna hiifaaye
Heelada dhexdeediyo guryaha lagaga haasoowye
Naahooy nin lagu soo hirtaan ahaye heelan baan ahaye
Hadalkeyga waa laga hayaa haroda-ciideede
Hawdkaa la marayaan ahoo, hagari waa ceebe
Ma huluulan karo Buul anooy timuhu heermeene

Waxaan heli waxaan haaban karo haatan waxaan heysto
Hiyageygu wuxuu doonayaa inuu hibeeyaaye
naa ma adaa harti ah soorta maad hadal la,aan keentid?

Qamaan Bulxan Yuusuf ayaa ka war heliyay Nimankii Reer Haaruun ee gabadha doonay iyo Nimankii ABasguul ee gabadhu ka dhalatay iney heshiiyeen, La isna af gartay, Lana damacsanyahay in gabadhii laga fasaqo, lana raaciyo ninkan xoolaha badan ka dhiibay.
Qamaan Bulxan gabaygan Hanjabaada ah ayuu udiray Jidwaaq, Una sheegay inuusan marna samreynin oo arintaasi Geeri ka dhalan karto, Sidii Gaarad Faarax Wiil-Waal iyo Raage Ugaas Warfaa.
Wuxuu Yidhi Qamaan.
Waxaan Maansadaan Tirin Lahaa Aan Isaga Meershay
Mufti Culimo Sheekh Lagu Muntido Oo Xaq kala miira
Marse Gabay Magac Lahaa Amase Maamuuse
Masaalo-gaabka maadada qarsoon yaan isaga meelay
Anoon martinteydii dayacin meel fogna aan joogin
Oo shalay ninkeedii tagay gaadhi kara maanta
Iyadoo mandheeri cad qabtoo socod mushaaxeysa
Anigoon maqaneynoo fadhiya maqasha foofkeeda
Naag Daahir Qabtaa Waa Mubaax Macalinkii Keenay
Dadka Maatidaw Kala Jirtay oon Muran ka oodneyne
Muslinow bal maqal xaajadaa laysku malaq-siiyay
Dadka maatadow kala jirtoo muran ka oogneyne
Hadii eegga layskaga maaljaday Murug aduunkiiye
Muslinow bal maqal xaajada mawdku ka adeegi
Waa midigta saar dumar ninkii moodi tuu qaba'e
Ninbana tuu mililiquu maraq la weeyaane

Inaan naago meher ku xidhanoo Mulkiba suurey
Ooy culimo tidhi waa mubaax adiga oo muuqda

Hadhaw beydun miineyn ninkii dila musheekhdaase
Oo caamo way madhan-tahee moodi tii hore'e
Muslinow bal maqal xaajadaa mawdku ka adeegi
Hadaanse midhaha reer magan warfaa magacu duugoobin
Maadhiinka buuxiyo intay midigtu laabmeyso
Rabbi baw makhraati inay miir la dhici noole
Maagaasanaan abidkeey samreyn laygu maamulaye

.--------------------------------------------------------------------
Qamaan wuxuu gabaygan marshay kol naagiisii Barni aheyd lagu yidhi waa lagaa fasaqay.
Wuxuu Dulucda gabaygan qooma-meeyay xoolihii uu baxshay oo ugu horeeyeen Qoryo Maadhiin ah iyo Geel faro badan.
Wuxuu Yidhi.
Naagtaan culuuf iyo calaaf, culus ka dhiibaayey
Cishriinka naagtaan ka dhigay, caammonimadayda
Naagtaan Cadwaan iyo tol iyo, xidid u caydheeyey
Naagtaan cillaankiyo lahaa, cadarka naa iibso
Naagtaan cabaadhyaha tinkiyo, cududuhii buuxshey
Naagtay ciddida hoose iyo, gacantu ciiraysay
Naagtaan jidhkeedii camiray, cagaha mooyaane
Naagtaan cadceediyo lahaa, ciriiddu yey taaban
Caku kolay ku tahay naagtaan lahaa, hayga caasiyina
Codkii Maxamed naagtuu lahaa, care ha ii keenin
Naagtaan cadaabkii la gee, uga cabsoonaayey
Naagtaan cashadii lays hardiyey, calaacashaa dhiibay
Naagtaan cibaarada lahaa, cuduri yay sheegan
Hadday haatan caadadi haween, iga canjeelayso
Nin adduun camirayow maxaa, cudurti kuu laaban
Adoo caawa jiifsaday maxay, kugu caddaan xaajo
Calafse waa kobtiise bal aan, culumadii dhawrro
Haddiise Caasha iyo wiilal iyo, caano la i siiyo
Oo ani aroos caraf lehoo, caarran la’i geeyo
Wallee cududda iga naafataan, ii cayilin waanna!

Qamaan Bulxan Yuusuf Gabaygan murtida baladhani ku jirta iyo Maah-Maahyada isku solan ah.
Xiligi Sayid Maxamed iyo Caamir iyo Xuseen Dhiqle iyo Rafle, Afartaas nin ee Labona Bah-Geri tahay, Labona Makaahiil, Ay yimaadeen Qoraxey, Iyagoo Horayba Ciidan uga helay Bah-Geri iyo Makaahiil, Ayuu Damaacigu ahaa in Reer Cabdille-Qoraxey ciidan iyo qoryo laga helo.
Reer Dalal Ugaas wuxuu baxshay 100 Qori iyo 100 Faras, iyo 100 Wiil oo Xuseen Yuusuf Xirsi Dalal Amaan-Duule uyahay.
Waana intaan la isku dhicin.
Qamaan Bulxan Arintaas wuu saluugsanaa, In lagu degdegayna way ugu muuqatay.
Wuxuu Yidhi QAMAAN.
Hadday sababi geli maanka waa, la iska suushaaye
Sinbiidh gaban ah yaa laga dhigaa, saacadaad dhimane
Solina maysid taladii Illaah, seeg ku leeyahaye
Sirqiyo mawdka wuu ka hor dhintaa, bahal sanuun mooge
Meejaan la sarin waa dambay, sara kacaantaaye
Sakaarkaan la rogin kaa qarsoon, sabarradiisiiye
So’du waxay ka qudhuntaa halkaan, hilibku saafnayne
Hadalkaan saxnayn wuxuu taraa, sun iyo waabaye
Libaax iyo waxaa seertay meel, sogob dameeraade
Wuxuu yidhi samaan aan u cabnee, suruq ka dhawr miirta
Waxay tidhi sedkaygaan ba’sane, ha ina sooyaamin
Wuxuu yidhi si kastood falaysaba, biyaha hayna wada seejin
Waxay tidhi armaad sibir qaskaa, sir ula jeeddaaba
Wuxuu yidhi haddaad sidatan tidhi, sahay ka qaadoo tag
Waxay tidhi inkastood sidaa tidhi, sayndhow dayn maayo
Dabadeedna suluftii lugtiyo, gelisay suulkiiba
Isaguna ku sarajoogsayoo, madax saydhyoo dil
Dumarkaa sabaalo iyo been, sahal la taabaaye
Oo lagu siraa waxaan ku siin, Soobir iyo liige
Oon saarsanayn waxaad ku fali, kaana sarar weyne
Dabadeedna saamaxa intay, meher ku saartaane
Sokeeyaha demani waa la cayn, laguna saaweeye
Sida bahalka siig iyo ugaadh, sool aan kala joogno
Surka aynu keenoo miskaha, kala sintoolayno
Hadhow baa anuu sixir i helay, saarsi loo odhane
Dadow kala sibreey waxaan ka baqi, sulufkii xayskiiye
Haddii kalese goor salal dhiciyo, saadembe i sheega
-----------------------------------------------------------------------
Qamaan Bulxan oo socod ku tegay Hargeysa, AYaa Niman isaaq ahi dhaheen gabadh baanu ku siin, Haa iyo Maya midna ma odhane, waa lagu meheriyay.
Markuu dib iyo xero Absame yimid, ayuunsanba dib uga laaban, Fariimo badan oo is daba-joog ah ayuu gabaygan kaga afnaqay.
Wuxuu Yidhi Qamaan Bulxan.
Balan Nuur Dhirqeeyow la waa, bar uu wanaajaaye
Bishaan imid bishaanu waa ku toban, beena loo dhimaye
Waxaan bi'iyey mooyee ma jiro, ballo dhul taalaayee
Anagu bawdo geel kama dhaqniyo, badhi ku taal naage
Bus iyo weerar baasiyo col baan, Badow ku taabnaaye
Baayaco hablihii kaaga hadhay, beed haday galiye
Birtoo lala ordiyo geed ninkii, ba'ani hoos moodo
Baraawida Ogaadeen waxay, barako moodeyso
Bari-bari basbaas iyo caddiin, maraqaad bakaal mooddo?
Bafto dhuulo lagu soo shaqliyo, baba-bacdaa yeedhi
Waxba yaan bilbilihii Isaaq, laygu baayicine
-------------------------------------------------------------
Gabaygan wuxuu marshay Silsiladii Gubba , isagoo ka eed sheeganaya Ugaas Xaashi iyo Gebi Ahaanba Nidaamka lagu hogaamiyay Reer Ugas Magan Ugaas Warfaa.
Wuxuu Yidhi Qamaan Bulxan.
Dubka iyo hadaan magan warfaa diirku isugu oolin
Ooy digasho tahay maalinteey qolo yar diifoowdo
Dugaageygu hay cuno intaa doogin ii noqone
Aadkeyga diiniyo kolkaan dirir uqaansheysto
Dusha awrka mooyee hadaan deriska faaf daayo
Oon dabada meejaa gashoon cid ugu doonyeysto
Anigiyo nin diintii dafiray doodamaan nahaye
Dadba yaa isoo qaban kolkaan degaba uu-uule
Hadday baxaro dalag siin karaan, dacar ma leyseene
-------------------------------------------------------------------------
Waxba yaan banaadiri cad iyo, boqor i caydhayne
Waxeey Boqontu daashaba kolkaan boqol ka miireeyo
Baryo ina-adeerow haddaan, badhax ku reereeyo
Bukur caydh ah iyo wiil kolkay, bari ka soo qaaddo
Buulkii yaraa daba fadhigii, yaan ka buubsanahay!

Qamaan Bulxan Yuusuf Wuxuu Gabaygan Murtida badani ka muuqato, ee soomaali oo dhan ku faafay mariyay, Goor uu Sayid Maxamed Cabdille Xasan si daan-daansi ah u weydiiyay inuu Gabay mariyo Qamaan.
Labo Maanso-Ruug oo is uur-og bay ahaayeene, Qamaan Gabayganuu sii daayay oo lagu oogsaday sidii geel jeel baxay.
Wuxuu Gabaygan ka hadlay In sinaantu muhiim tahay, In keligaa hadaad tashato dhibaato ka iman karto, In Talada aan weeyaalka la dhaafin, In Hadaad tuhunto inaad awood leedahay, Ku kaa awood badan uun maalin soo bixi, Cadaaladu waa lagama maar-maan..
Wuxuu Yidhi Qamaan Bulxan.
Toolmooni hadal waa inuu tol u dhexeeyaaye
Tuushkii xun iyo wiil yar waa la isla tiirshaaye
Waa laysku wada tiirsan yahay sida tis oodeede
Taabbaa la sii furi hadduu kibir ku taabtaaye
Walle ina raggow talo adduun taada uun ma aha
Tamed aad ah adigoo tagoo faro ku taagaystay
Tunka yaa kusoo qaban haddaad tered ku xaajooto
Tarsigii la joogaba haddaad turuqdo kii aad ah
Mid unbaa tusmada kaa raroo lagugu taagaaye
Wallee ina raggow tallo adduun taada uun ma aha
Wiil taaninimo loo qiray oo sida tarmiiggaas ah
aan lagu tawixin oon lagdini timaha boodhaynin
Mid unbaa tab kula soo baxoo laga tixraacaaye
Wallee ina raggow talo adduun taada uun ma aha
Tufta iyo tahliishii wadaad culimo towxiidka
Tacdaariye haddii awgayow lagugu tiimeeyo
Mid unbaa tembiih soo dhigtoon tacajib yaabnaaye
Oo tuug ka dhiga kaan lahayn waa tixdii nabiye

Haddaad kaligaa inaad taajir tahay tuhunto uurkaaga
Toodoowga xoolaha ninbaa tulud kusii dheere

Tafa xaydka xaajada haddaad taqasho waayeelka
Tolkaad riixday aaqibi haddaad yaraha taabsiiso
Mid unbaa tallahida marooy tiisa noqotaaye

Tobonkii kob joogtaba haddaad turuqdo kii aad ah
Kan danbaad signiin tahay inuu kugu tubeeyaaye

------------------------------------------------------------------
Qamaan Bulxan wuxuu gabaygan marshay silsiladii Gubba ee Saahid Qamaan Bilaabay, Kuna qotontay Arintii Ugaas Xaashi.
Gabaygan Colaada ah wuxuu Marshay mar uu rabay in Niman Reer Dalal oo lagu laayay Afmeerka SHilaabo, raga laayana Ahaayeen Niman Reer Ugaas ah.
Ayuu Qamaan Damcay inuu labadaas jilib madaxa isu gasho, Waliba ragii wax laga laayay ee jifada ahaa buu toosiyay, fartana ugu fiiqay. Sida Muuqata, Barkhadle iyo Gubna iyo Arbe-Caafiba wuu sheegay Inay arintu ka foorarto.
Intaas hadaan ka gudbo dulucda gabayga, Waxaan Jeclaan lahaa Inaan Murtida Gabaygan ku jirta idinku xasiliyo.
Wuxuu Yidhi Qamaan.
Gartay weeye inaan Maxamedow, galangalceeyaaye
Garanmaayo gegidaan hurdee, gogol la’aaneede
Goor iyo ayaan waxaan jiraa, gooxa dibadeede
Gankii Caamir baan ahay asaan, go’inin waagiiye
Waxaa ila gudboon ciil inaan, gag u idhaahdaaye
Sidii goodir guul ooman iyo, gebogebow jooga
Ama Awr Garbihii laga galoo Geedi loo Ju'iyey
Ama giiryar oo labo qaddoo, gamashi kaynaana
Ama guuto soo bixitintoo cido, ku guuraysa
Ama roob gudgude oo saqdhexe, galo biyeynaaya
Ama goray gabnihii laga qabtoo, ganid ka yaabaaya
Ama naag ninkeedii go’oo, gocosha ooyeysa
Ama aar intuu reer gondolay, miciyo weyn geystay
Ama faras mirtuu goosan jiray, xadhiga loo gaabshay
Ama gaadhkii laga hayn jiriyo, gaardigii Maxamed
Ama ceel galloobey oo qodada, lagu garaacaayo
Arrin igu gardaadaan jifida, gawda ku hayaaye
Birtay iga gasheen bay minjuhu, ila gariiraane
Mase gaasa-bixin oo ninkaa, gaambin baan ahaye
Galaal xoorka way ila qabaan, gebi Bah Gaalaade
Kuwii boqorka gaafa u lahaa ima, gol dhaamaane
Geed iyo guddooniyo gambare, waw gudboonahaye
Anoo madiya libintaan gasbado, way garaad li’iye
Haddayse gacani waa jeer dambee, godob walaal raadin
Barkhadleba gubney wada dhasheen, guul ku odhan waaye
Arbow Caafi galabbaan ciyaar, guduri hiigeene
Gaashaanna waad wada qabtaan, gaaska Reer Cumare
Cabdi Kaahin gaar kama noqdeen, guudka xaajada e
Gar ma marinin guuyana ma siin, mana garaabayne
Goodaado dhexe bay baryeen, gaankii Reer Dalale
Kuwaasaana iila giir adkaa, garashadaydiiye
Bal maxay la gabangaabsadeen waa, hal gudo weyne?
Haddoon laba galloobiyo anoo, gabana oo wiila
Intaasaan xaqood gudi lahaa, gooshigii da’a e
Eeggana gadhkiyo xaaddu way, galayaxoobeene
Farow gaabta wixii bataa, geel bariis noqoye???
Reer Magan ha kala geed hadhsado, layla garan waaye
Ha gudduudatoo yaan shamsadu, giirka ka caddaanin
Geediga ha lumo wiilka yaree gurada saaraaye
Gabbal yuusan dhicin waana baryin, gooriyo ayaane
Ha lays galo ninbaa gudin la dhacay, geed qudhaanjo lehe

Gabaygan Canaanta ah wuxuu usoo jeediyay,Reer Xandule Ugaas Magan,Reer Jeeraar Ugaas Magan, Bah-Timo Case, Bah Ibraahiim.
Wuxuu iska caabin hayaa Dalal Ugaas iyo Reer Ugaasba, Wuxuu Jilibadaas Baho Magan een kor ku xusnay u sheegayaa iney iskaashadaan, Siyaasad iyo dhaqaale iyo deegaanba.
Dalal iyo Ugaasna wuu ka reebay siyaasada, ooy ula muuqatay iney labo qabiil oo ka siyaasad duwan ay ahaayeen xiligii u joogay ee gabaygana uu marshay.
Wuxuu Yidhi Qamaan Bulxan
Haduu Mowlo siduu kugu ogyahay tol ugu maanyeyso
Oo ma,aha diidmuu yidhaah mas ku qaamowga
Waa Mahad wixii marag lahoo maalinka dhaca'e
Maxaan idhi marxuunkood la naar magan ha aaneysan
Waa la idin moolinee maxaan idhi ku maanyeeysta
Maxaan idhi miskeeya oo kurkiyo madaxa soo dhiibsha
Maxaan idhi macbila dhaarta waad mahadineysaane
Maxaan idhi Kolkeey maggi timaad Maalka wada dhiibsha
Maxaan idhi marxuunkood la naar meel ka wada ciisha
Maxaan idhi manaabiyo tol meel uwada jooga
Maxaan idhi macaan kuma jiree magan ha aaneysan
Ninkii midho yaraa loo wada mohay lana miskeeneeye
Kolkey murugto idinkaa ahaan sidii maxaad-roobe
Baxawaadle mood iyo dil waa madhax uyaal meele
Maxamuud khaliif iyo rag lihi ha iska mawliya'e
Geel waa muraayadee waxba yaana maamulinine
Waxba yaanan meydhiyo iddiin maaran ku ridin weyne
Magacood ba,yoow waxaad tihiin meyd dibada yaale
War saw miilo gaabsada hadaad qaban kartaan meele
-----------------------------------------------------------------------
Gabaygan wuxuu Qamaan usii dhiibay Barni sheekh Iyo Abasguul.
Wuxuu ku saabsanyahay Arintii Barni, Laakin Waxaan halkan ugu xusnay Murtida ku duugan gabaygan ee dareen taabadka leh, WUxuu kaloo xusay Qamaan, Kala Baahnaanta Tolkii, In intu Isku soo uruuriyo uu deynkiisa daba galayo. WIxii So Gooni ah carabka ugu dhuftay Reer Ugaas Khalaf, Waana Jilibka ugu TugTug Reer Cabdille.
Wuxuu Yidhi Qamaan
Aw Cumar gaddoontaye haddaad naga guddaan caawa
Rabbi ha idin geeyee haddaad gama'mulayn weydo
Ood gaanbisaan socoto way galan galcootaaye
Guluf iyo lugooyiyo col wayn galalaftii weerar
God abeeso Good iyo Mas iyo goosatada hoose
Waddada goonyaheeda, jid iyo gawrac iyo jiitin
Galow iyo shinbiro gii' leh iyo guul dariyo qoofal
Gulaal dhagax iyo geed-nugaal lugtiyo gacandhi sii jeedda
Wiyil gaatin gool iyo libaax gucummo aar yeeshay
Gantaaleed good iyo rasaas kugu galeelyeysa
Gebgab iyo cabsi iyo wixii gubaya jiidhkaaga
Gunti Nabbi Alla ha kaa geshiyo golaha Yaasiine
Gaabiyo haddaad nabad tagtaan gorarka Aw Nuuxa
Giddigii Aw Warfaa iyo Bah-Sacad amase Guuleedka
Ismaaciilka gaanka ah haddaad war u gamuunyeyso
Sheekhii Islaamkuba garteen gacanta saaraynay
Gaadhsiiya gabaygaan idhi igu gar weeyaane
Maansadu ged bay leedahee ma aan guracadeeyay
Galsho lama qodee ceel miyaan gorof ka miideeyay
Geddii Weerar iyo Raage sow uma gadaal xoorin
Gobo kalana waa eray yaroon idin garwaaqsiiyay
Nabsi lama gurtee seediyaal guda ummuurtayda
Gadaafiyo xaq lama soo duwdee guud-caddaha miidha
Bacdigeed halkaad goosataan soo gadaal celiya
Anigana wixii ila gudbaan gaar an uga showro
Rag hadduu gob yahay oos isgayo guurna kala waayo
Labaa gacallo raagtiyo lahaan gogol aan laabmaynin
Labana waa geshi iyo ceeb waxay kala gasbaysaaye
U guddiya oo midkay idinla tahay soo gadaal celiya
Anniguna halkii ila gudboon gees aan ula shawro

Gaalliyo garuur niman noqdoon haybi kala gaynin
Ninbana goosan kii kala kobtuu kaga gol roonaado
Ee gobolkii godob fool xun iyo geeri kala dhawran
Ee gobolkii gunfiyo Xuseeniyo garab ku taagleeyey
Ee gobolkii gaadhkii naftii galiyay reer Naa’ib
Ee gobolkii gooshigan Berbera gadaya baystaynka
Ee gobolkii gubantaa Isaaq, Gorayo-cawl mooddo
Ee gobolkii sidii Geri-goddaxley gaafan yahay suudda
Ee gobolkii gi’laynayood Awr gabniyay mooddo
Ee gobolkii sidii geenyadiyo gabadha loo jeedli
Ee gobolkii sida goonibaadh giirka laga toogan
Ee gobolkii guunyada dabtoo guran masaartiisa
Ee gobolkii gaws iyo sur iyo gudin ku sooryeysto
Ee gobolkii goojada qotee garawga fuudaayo
Ee gobolkii gamboolkuu lahaa gaar isaga tuuray
Ee gobolkii reer Aadan-Cawl gacanta saaraayo
Ee gobolkii dhawr webi gudboo haybti garan waayay
Ee gobolkii gooricii Hartiyo Gorrad la beeleeyey
Ee gobolkii guddoon iyo lahayn hebel inoo geeya
Intaasaa gayiga reer tolkay qaarba gees maraye
Rabbi haysu geeyee cidlaan gagafsanaayaaye
Guntigaan maroorsaday anoon meel isugu gaynin
Oon gu’gakan maantiyo dayrta gacal wallaaleynin
Gebi nama sugtaan dayrna waa geeddi reer Khalafe
Nina godobtii kama baaqatee haw gammaanaato
Haw gadhoodho way wada jirtaa goonyahoo idile

Murti balaadhan iyo Habsami dhismeed oo Qamaan Bulxan uderistay Ayaa sifo cadeeyn ah u ah, Gabayadan 100ka kor udhaafay oo murtidu gadhka wada gaaran tahay.
Bal Gabaygan nala eega aan dhowrka meeriska ka heyno, kuse daba joogno dhameystirkiisa inshallah.
Wuxuu Yidhi Qamaan Bulxan isagoo Bini-aadamka fudeydkiisa iyo Meesha Ilaahay Marin karo ka hadlaya.
Waxaad aadamoow maagan tahay, adiyo maankaagu
Iyo meel Ilaahay ku marin, kala mid weeyaane
Waxaad adigu miihaalatiyo, malaba waa beene
Waxaad mooday mowd baa sokada, kaaga soo maraye
---------------------------------------------------------------------
Qamaan Bulxan oo Galbeed iyo JigJiga dusheeda jooga, Ayaa Gabaygan soo faray nin ina adeerkii ahaa oo la odhan jiray Maxamuud Ciyoow oo usoo amba-baxayay dhanka Qabridahare.
Gabaygan waa waano, iyo aqoon-dheere iyo waayo aragnimo uu tolkii u bidhaamin hayo, Wuxuu leeyahay isasoo uruursado waa gelin colaadeede.
Wuxuu Yidhi Qamaan
Maxamuud Ciyow talo adduun, miririg weeyaane
Waa waxaan masuubana la’ayn, laguna maanshoone
Hadba adiga oo moog unbuu, mahayin aaraaye
Oo soo mudh odhan duul madow, milaygi Dayreede
Ma moodaynin middanaa kuugu xigi, maalintii Sirow e
Waxse aad mari halkii Eebahey, kugu manaystaaye
Rag aan miidhnay madaxdoo faqday, buu mala khasaarshaaye
Mudaahano masalo been ah, baa madhisay Daroode
Naftanu waxay u maxaboon, halkaan lagu manaabayne
Maaneed raggii degi jiray iyo, madhay Ogaadeene
Madheedhkii ku yiil Dhirindhir iyo, Xoddayo waa mowede
Marta Faaf maldada Ceel Bakool, madhan ciddeediiye
Waa meyti aakhiro Wardheer, maqadinkeediiye
Maxaad Roobna Mandooyiyo ka samir, mududkii Caadoode
Waa marag waxaa ay inagu fureen, dhalad mudkiisiiye
Magacood ba’ayoow waxaad tihiin, dibada mayd yaale
Mashaqowde maatida hadaad, midigta jiidaane
Soo miilo gaabsada haddaad, qaban kartaan meele
Ama maala caanaha Bankay, Murug ku dhiiqdaaye
---------------------------------------------
Gabaygani wuxuu ku saabsanyahay Saan-Saanki ka jiray Geyiga Ogaadeeniya iyo gebi ahaanba Soomaaliya.
Qamaan Wuxuu gabaygan kula daadegayaa Siduu dhulku bari ahaan jiray iyo siduu maanta yahay.
Wuxuu ka dhowray in talada wiilal yaryar oo kibirsan ay hogaamiyeen, Taasina dhalin karto Beesha dhexdeeda oo isku baaba'da.
Wuxuu Gabaygan ku halqabsaday Ina Adeerkii Colaad Faarax-Cade, Oo isaga laftigiisa lagu tuhunsanaa inuu ahaa kuwii Nabada faraha kabaxiyay.
Wuxuu Yidhi Qamaan.
Codka gabay Colaadow nin, lagu caasiyaan ahaye
Cirraystayoo ma tirin maansadii, calanku saaraaye
Cindigayga keen caawaan furfuri, ceesh la ii wadhaye
Cimrigay intaan jiray amaan, cagaha meel saaray
Een calashay dheeftiyo wixii, calaf la ii mooday
Caawa iyo maantaa nabsigu, waaba cayn yahaye
Dunida ciirtay qaarbaa ka hada, caawa say tahaye
Caruur dharagtay caaniyo hadhuudh, laga ciraab roone
Cammaa doqona caalliyo dhul saw, cunug hallayn maayo
Waa caamo nimankaan ogayn, Ceeg markaan tagaye
Iyagoo cayilay bay arkeen, Ciidna laasime
Casar galay cishiyo fiid dagaal, rag isku caatoobay
Ciriid kulul cagaag iyo rasaas, carar la baynuuno
Ciwal gibin ah oo loo xishiyo, caafimaad ma lehe
Cuudkoo yaraadiyo dhulkaa, soo cidhiidhyamiye
Wax cibaaradaa lagu arkaa, caawa saan nahaye
Cirkoon roob ka wayniyo abaar baa, camiri Faafe
Cawskiyo biyaha yaa engagi, ceelka doogsamaye
Intaad caano iyo wiil tahaa, lala cabsoodaaye
Wax calaacal kuma yaal haddii, caydh lagaa dhigo e’
Cadaabkii ma iibsado nimaan, Caadilkii badine
Caku iyo cakuye sow ma nicin, caasi iyo eersi
Casha noolba saw cadho horliyo, cudurti ii maaha?
Nin bay cududihiisii gacmeed, Caliyow mowdeene
Allaw yaan cirrooliyo tashiga, culumo dhaafsiinin
Waa cadow Axmaarkaa galbeed, ka cartamaayaaye
Gaaladan cawiifta leh kufrigan, caranayee faani
Waxa badaha ceegaaga waa, ciidan Faransiise
Ingiriisna Cadan buu ka iman, waana cudud weyne
Girligaan caliqan sow Talyaan, soo camiri maayo?
Makaahiil cidduu daba socdiyo, culus ma loo diiday
Niman calan leh boqor caadiliyo, curad ma sii luuday
Casharkii la maray sow darraad, cadarki been maaha
Kolba kii carjabay sow kitaab, lama cusboonaynin
Habaryoonis sow Cali Ammaan, ina ciddood maaha
Sow Jaamac iga caaqibee, laguma ceebaynin
Geeleer Cawaagtulena sow, caabuq yimid maaha
Casimaadku nimankuu dhacee, caydhu wali hayso
Caqligiina kama fiirinine ma, cafiyeen aadki
Sow Ceelis iyo Reer Isaaq, camaladdii maaha?

Cabdallana raggaad ka cubtanteen, ciid ma lagu tuuray
Ciddow dhimo e' sow Ina Xakaar, lama caddayn dayrta
Cumar-nuurna sow kii horeen, la caddibnayn ma aha?
Carriga Eebbahay nabad kobaan, uga carraabayno
Oo aan Caruusiyo ahayn, sidatan caadh-gooda
Car yaa garan cadceed iyo cadceed, kobaan ka cayn-saarro?

- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 0 Replies
- 1138 Views
-
Last post by ina aadan
-
- 5 Replies
- 1097 Views
-
Last post by X.Playa
-
- 0 Replies
- 2335 Views
-
Last post by Faarax-Caytame
-
- 13 Replies
- 949 Views
-
Last post by noer
-
- 5 Replies
- 3454 Views
-
Last post by new-york24
-
- 3 Replies
- 567 Views
-
Last post by ina aadan
-
- 14 Replies
- 1245 Views
-
Last post by CaliQase
-
- 10 Replies
- 1643 Views
-
Last post by KUN-DILE
-
- 4 Replies
- 3484 Views
-
Last post by Queen_Arawello
-
- 1 Replies
- 518 Views
-
Last post by GAMES