10 die in mysterious death in Dolow Gedo
Posted: Sat Aug 08, 2009 3:41 am
Same shiid happend to the Amison in Mogadishu. What the fock's going on
Doolow: Ku dhawaad 10-ruux ayaa ku geeriyootay Degmada Doolow kadib markii uu halkaasi ka dilaacay Cuduro aan wali la aqoonsan waxa ay yihiin.
Wararka naga soo gaaraya Degmada Doolow ayaa sheegaya in ku dhawaad 10-ruux ku geeriyootay Degmadaasi, kagadaal markii ay halkaasi ka dilaaceen Cuduro aan wali la aqoonsan waxa ay yihiin.
Qaar ka mid ah dadka deegaankaasi oo saxaafada la hadleen ayaa sheegeen in labadii maalin ee la soo dhaafay Degmada Doolow u geeriyoodeen in ka badan 10-ruux oo la sheegay in ay ku dhaceen Cuduro aan la aqoon waxa ay yihiin ilaa iyo Iminka.
Waxgradka, culumaa’udiinka, Odayaasha iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada ku dhaqan Degmada Doolow ayaa ugu baaqeen Hay’adaha Samafalka, Ganacsatada iyo Qurba joogta in ay ka Caawiyaan sidi loogu furi lahaa goobo Caafimaad, isla markaana loo ogaan lahaa Cuduradan ku habsaday dadkaasi waxa ay yihiin.
Ma jiraan ilaa iyo hadda cid isku shuqlisay in ay ogaadaan Cuduradan aan la aqoon ee faraha ba’an ku haya shacabka ku dhaqan Degmada Doolow ee Gobolka Gedo.
Arrintan ayaa waxay ku soo beegmaysaa xili dhawaan Ciidamada Nabad Ilaalinta AMISOM ee Muqdisho ku sugan ku dhaceen Cuduro aan la aqoon oo sababeen in ay ku geeriyoodaan tiro ka mid ah askartaasi, halka qaarkood ay la il daran yihiin Xanuunadaasi.