Warka maanta>

User avatar
hanqadh
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 2786
Joined: Mon Mar 23, 2009 1:03 am
Location: soo dhalin la wada garan wali suuqa dhagaxbuur dhiigoodu ma qoyana!

Warka maanta>

Post by hanqadh »

Gudoomiyaha ONLF Adm.Maxamed C.Cusmaan Oo Safar Deg-deg ah dibada ugu yimid si lama filaan ah
Image


ONLF Adm.Maxamed Cumar Cusmaan, ayaa soo gaadhay Dalka Dibadiisa Adm.Maxamed Cumar oo Bilihii Ugu danbeeyay oo dhanba Jiida hore ee dagaalka kujiray ayaa si lama filaan ah loogu soo xidhay Khadka Taleefanka Isaga oo Khudbado lagu raaxaystay la wadaagay dhamaan dad wayinihii ka qayb qaadanayay labadii shirwayne ee Todobaadkan ka kala Furmay Magaaloyinka London UK, Iyo Denver Colorado USA.

Gudoomiyaha ONLF Mudane Adm.Maxamed Cumar Cusmaan, Oo Saacado yar uun kasoo maqnaa Ciidii Ogaadenya ayay Qaban-qaabiyaashii labada shirwayne si lama filaan ah oo aan laga warhaynin khadka taleefanka ugu soo xidheen islamarkaana Ku sheegeen in labada shirwayne yihiin labada meelood ee ugu horaysa ee uu Gudoomiyaha ONLF Socdaalkiisa lagu shaaciyo

Dad waynihii kusugnaa labada shir ayaa sawaxaan iyo sacab isqabsaday intuusan Gudoomiyaha ONLF hadlinba taas oo laga dheehanayay farxada iyo xiisaha loo qabo in Gudoomiyaha ONLF lamaqlo kasoo qayb galayaasha ayaa inta badan ku ogaa ama kaga warhayay gudoomiyaha ONLF inuu jiida hore kusugnaa inuu dibada usoo baxayna lama filaan ayay ku noqotay.

Gudoomiyaha ONLF Adm.Maxamed Cumar Cusmaan, oo khudbad dheer kasoo jeediyay labada xafladood ayuu ugu horaynba Soo gaadhsiiyay Jaaliyadaha Salaan kasocota dhamaan Ciidamada JWXO ee Jiida hore Islamarkaana usheegay in ay ku diirsadeen dadaalada Jaaliyadaha Dibadu ka wadaan wadamada ay jogaan iyo taageerada hiil iyo hooba ah ay la daba taagan yihiin Naftood hurayaasha dhiiga uqubayaXoriyada Ogadeenya.

Gudoomiyaha hadalidiisii Waxaa Kamid ahaa in maanta shacabka S/Ogaadenya haystaan oo ay leeyihiin Ciidankii Xorayn lahaa ee qaban lahaa dhulka Ogaadeenya islamarkaana hanan lahaa isaga oo u sheegay dad waynihii in ay maqli donaan warar badan oo ay ku farxaan dhawaan isaga oo u sheegay in ay xoriyadii soo carfayso ama kaabiga saarantahay.

Gudoomiyaha ONLF Adm.Maxamed Cumar Cusmaan oo Khudbadiisu aad u dheerayd ayaa warbixin guud oo dhinac walbaa la wadaagay dad waynihii labada shirwayne markuu khudbadiisii dhamaatay ayaa sacabkii meel walba isqabsaday dad waynihiina kula dar-daarmay in ay laba laaban halganka hawlihii ay uqabanayeen jiif iyo joogna diidaan ilaa goolka la dhalinayo.


Safarka deg-degaa ee Gudoomiyaha ONLF dibada ugu soo baxay ayaan hore loo shaacin iyo waliba sababta wakhtigan kusoo hagaajisay socdaalada Gudoomiyaha ONLF ee uu Marna Ciidankiisa ugu tagayo marna dibada ugu soo baxayo ayaa waxa ay dhabarjab iyo moral jab kunoqonaysaa qawlaysatada Tigreega ee meelaha la taagan in ONLF ay dhameeyeen dalkuna uu gacanta ugu jiro iyaga oo baryahan oo dhanba shacabkii Masaakiinta ahaa ka xidhay ganacsigii iyo isku socodkii baaburta iyagoo ku andacoonaya in ay ilaalinayaan socdaalada Madaxda ONLF gaar ahaan Admiraalka.



Ciidamada Geesiyaasha ah ee JWXO ayaa baryahan danbe Saldhigyo Waawayn oo aan guur-guurin kasamaystay gobo badan oo dhulka Ogaadeenya ah kuwaas oo aysan maanta ciidamada TPLF, awood ay ku gaadhaan lahayn ila wareedyo ku dhaw-dhaw ciidanka Tigreega ayaa noo sheegay in warkan aad uga moraal jabeen Ishan warkan ayaa noo sheegay in ay aaminsanyihiin In Saldhigyada ONLF samaysatay dhaq-dhaaqyo badan kajireen Maal-mahan isaga oo sheegay in Adm.Maxamed Cumar Cusmaan diyaarad khaas ah kasoo qaaday dhulka S/Ogaadeenya isaga oo sheegay in ay aad uga shakisan yihiin in Ciidamada ONLF ay la shaqaynayaan dawlado Waa wayn waa sida uu hadalka u dhigaye.


Dufaan.com oo la xidhiidhay sarkaal sare oo ONLF, ah oo aan wax ka waydiinay tuhunka Tigreega iyo sheekadan oo ilaa maanta la isla dhexmarayay goobaha bulshada S/Ogaadeenya isugu timaado ayuu sarkaalku ku gaabsaday hadlkiisa adeer dalku waa dalkanagii goobo badan baana gacanta ku haynaa goor walba waan tagnaa ku shirnaa waajibkanaga ku qabsanaa markaa damacnana uga soo baxnaa nina lama wayiidyo sida uu dhulkiisa ku tagi ama uga soo noqon lakiin waxaan kuu sheegi in beenta Tigreega iyo kuwa dabadhilifka u ah wakhti dhaw aan soo gaba-gabayn doono


Qolka Wararka/Dufaan.com
Queen_Arawello
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 6096
Joined: Mon Jan 12, 2009 4:23 pm
Location: Aware and Dhagax-Buur

Re: Warka maanta>

Post by Queen_Arawello »

Adm.Maxamed Cumar Cusmaan halyey weeye..Noolow :clap: :clap: :clap: :clap: :clap: :clap: :clap: :clap:
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Ogaden - General Discussions”