These 2 men are brave waleh dastuurka somaliland ilaalinaya
Baarlamanka oo cod ku ansaxiyey ay ku dadaafeeyeen go,aankii komishinku ku laaleen diiwaangelinta codbixiyayaasha isla markaasna sheegay in hadii go,aankooda la filinwaayo ay awoodooda baarlaman isticmaalidoonaan
BARR AMA BARRO TAARIIKHDII CADAADISKII SHACBIGA SOMALILAND
Hargiesa 2007
British P.Minster
Welcome Party
Hargeisa Univ
Hargiesa 2006
S/Land-Aljezera
SDWO (Hargeisa 11/08/09) Golaha Baarlamanka Somaliland ayaa fadhi ay maanta yeeshen cod u qaaday mooshin ka dhan ah go,aankii Madaxweyne Rayaale iyo gudida dooroshooyinku ay ku laa,leen liiska diiwaangelinta, isla markaasna lagu galo dooroshada u mudaysan inay dhacdo 27ka September 2009 diiwangelin la,aan arinkaasi oo ay ka biyo diideen labada xisbi oo mucaaridka ah iyo deeq bixiyayaasha iyo weliba dowlada maraykanka oo warsaxaafadeed ka soo saartay safaaradooda kenya kagana dalbadeen in go,aankaas laalista diiwanglint laga laabto.
Cabdiraxman Cirro - Gudoomiyaha Baarlamanka Saleebaan Gaal - Gudoomiyaha Golaha Guurtida
Labada aqal ee uu ka kooban yahay Baarlamanka Somaliland (Guurtida iyo Wakiillada) ayaa mid waliba dhiniciisa Maanta ugu ballansanaa fadhiyo xaasaasi ah oo ay kaga arriminayaan xaalada siyaasadeed ee uu dalku galay.
Fadhiyadan oo nuxurkoodu aad isugu dhaw yahay, ayaa dadka siyaasada odorosaa ku sheegeen in laga filayay inay ka soo baxan dhawr qodob oo ah go’aamo iyo tallaabooyin xaasaasi ah oo si toos ah ula xidhiidha muranka siyaasadeed ee ka dhashay go’aankii Guddiga Doorashooyinku ku laaleen diiwaangelintii codbixiyayaasha ee dalka laga qabtay ee Madaxweyne Rayaale-na ku taageeray iyo erigii dalka lagaga saaray hay’adda Interpeace.
Fadhiga Golaha Wakiillada ayaa ku soo beegmay ka dib markii la soo gebogebeeyay dood xaasaasi ah oo mudanayaashu toddobaad iyo dheeraad ku falanqaynayeen mooshin ay golaha soo hordhigeen koox mudanayaal ah oo ka dhan ah laalista diiwaangelinta, kuna baaqayey in laga noqdo. Waxaana dooda mooshinkaas mudanayaashii ka qaybgalay badankoodu isku raaceen in laalista diiwaangelintu tahay sharci-darro ay ku kaceen Komishanku, isla markaana uu Madaxweynuhu ku taageeray, sidaa daraadeedna waxay hoosta ka xariiqeen in si degdeg ah looga noqdo, xubnaha Komishanka ee tallaabadaasi ku kacay iyo Madaxweyne Rayaale-na maamuus ka xayuubin lagu sameeyo.
Sidaadaas darteed maanta baarlamanku wuxuu cod ku meel mariyey 4 qodob oo ay 39 mudane ogolaaday, halka laba diideen, hal mudanena uu ka aamusay.
1. In Go,aanka Guddida doorashooyinka Qaranka JSL ku jideeyeen doorasho bilaa diiwangelin ah kuna laaleen natiijada ka soo baxday diiwaangelinta codbixiyeyaasha yahay mid aan sharci ahayn kana baxsan awooda gudida doorashooyinka Qaranka.
2. In gudidda doorashooyinka qaranka iyo Madaxweynaha JSL sida ugu dakhsaha badan uga noqdaan go, aankaas kuna dhaqmaan xeerka Doorashada madaxtooyada iyo G/Deeganada (20/2001) iyo xeerka Diiwaangelinta Codbixiyayaasha (37/2007) iyo lifaaqyadooda.
3. In Golaha Wakiilada JSL , isaga oo xilkiisa dastuuriga gudanaya, qaado talaabooyinka dastuurku u jeediyey haddii aan Madaxweynaha iyo Gudidda Doorashooyinka Qaranku fulin go,aankan Golaha ka soo baxay.
4. In xukuumadda Somaliland ka fogaato talaabo kasta oo xumeyn karta xidhiidhka beesha caalamiga iyo JSL , kuna dadaasho wanaajinta xidhiidhka Somaliland iyo beesha caalamka si aanay u dhaawacmin rajada ictiraafka Somaliland iyo kaalmada kooban ee Somaliland ka hesho beesha caalamka.
Geesta kale, Golaha Guurtida ayaa isna la filayaa inuu go’aan ka gaadho berri mooshin golaha ay soo hordhigeen 19 mudane oo ay ku dalbanayaan in laga noqdo laalista diiwaangelinta iyo in xukuumaddu fuliso go’aamadii ergadii Guurtidu ka gaadhay degaanka Ceelbardaale, kaas oo Shirguddoonka goluhu dib u dhigay tiraba laba jeer, kadib markii uu dhaliyey khilaaf iyo kala qaybsanaan mudanayaasha dhexdooda ah. Waxaana go’aan rasmi ah laga sugayaa mudanayaashii mooshinkaasi watay oo iyagu dalbaday in dib loogu dhigo maalmo, kadib markii ay arkeen khilaafka uu ka dhex abuuray golaha.
SDWO News Desk - Hargeysa
