Riyale Kicked out INterPece Becuase HJ Became the majority

Dedicated for Somaliland politics and affairs.

Moderator: Moderators

User avatar
Suldaan_JC
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 558
Joined: Sat Feb 23, 2008 4:23 pm
Location: The City of Burao and London
Contact:

Riyale Kicked out INterPece Becuase HJ Became the majority

Post by Suldaan_JC »

Madaxweynuhuna maalintii Burco noqotay, Afarta Boqol ee Ku dhadhaweysay ayuu bilaabay in uu diiwaan-gelinta baabi’iyo”Faysal Cali Waraabe


Gudoomiyaha Xisbiga UCID Eng; Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay in ay ogaadeen heshiis qarsoon oo Madaxweyne Rayaale iyo Hogaanka Komishanku ku doonayaan inay meesha kaga saaraan murashax-nimadiisa waqti yar ka hor marka loo dareerayo doorashada, taasoo loo marayo ayuu yidhi in lagu soo eedeeyo haysashada Baasaaboor Ajanebi ah.

Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID oo xalay waraysi Wargeyska Geeska Afrika siiyay Waraysi u badan muranka cusub ee ka dhashay qaabka loo galayo doorashada, waxa uu faah-faahiyay qodobadda ay ku diidan-yihiin doorasho bilaa-diiwaagelin ah iyo dhaliisha ay u hayaan hogaanka Guddiga doorashada ee waqtigan. Islamarkaana waxa uu digniin u jeediyay Madaxweyne Rayaale.Waraysigaasi waxa uu u dhacay sidan; S: Gudoomiye, murankan ayaa ka alloosan qaabka loo galayo doorashada madaxtooyadda, lagu kala jabay. Markaa, ka mucaarad ahaan faah-faahin ka bixi sababaha mucaarad ahaan aad ugu dhegan-tihiin in diiwaan-gelin lagu gallo doorashadda?J;Marka hore, waxaan jeclahay inaan dadka u sheego macnahan diiwaangelinta. Waxaa weeye, diiwaan-gelintu aas-aaska doorashada. Doorashadu haddii aanay lahayn diiwaan gelin lama garanayo da’da qofka iyo dadka footaynayaa inay yihiin muwaadiniin iyo in cid kastaa codka bixin doonto. Barigii hore, anaga ayaa UCID ahaan ku

qasabnay in la galo doorasho, waayo waxaan ka ordaynay oo aanu dalka kala cararaynay dawladii shir-beeleedka ahayd. Waxaanu soo saaray berigaa, oo aanu cuskanay maah-maah-da ah, ‘haddii dayaxa la waayo xidigahaa lagu socdaa’ waa caan. Markaa, waxa maanta dunidii ina tidhi lacagtii waanu idin siinaynaa, farsamayaqaanadii waanu idiin keenaynaa, waanu idinku garab taaganahay doorasho xalaal ah, ictiraafkiiniina waa uu ku xidhan-yahay. Markaa, waxa inagu wadda dhacay guddigan doorashada oo cusub iyo diiwaan-gelinta oo inagu cusbayd. Dhibaatadda dalka ka dhacdayna waa Komishanka cusub. Todobada qof ee uu ka kooban-yahay Komishankaa cusubi weli may wadda tashan, haddii aanay heshiis is faham kala yeelan Interpeace-na diiwaan-gelintu ma hir-gasheen. Hawsha diiwaan-gelinta Interpeace ayaa inoo qabatay iyagu waa ay mur-mayeen, marka laga reebo gudoomiyihii xiligaas Kabaweyne oo keligii shaqayn jiray. Jaamac Sweden-kan hadda joogaa waxa uu ahaa ragii Lugta


Hayay ayuu ahaa, inta kalena maa ay shaqayn jiray, Maxamed Yuusuf waa kii iska dhoofay.Sadex Xisbi ahaan weligood Komishankani inta ay isu kaaya keeneen go’aan maanu soo wadda saarin. Marka aanu u tagno ee aanu nidhaahno waar maxaad u shaqayn weydeena iyaga ayaanu kala qaban jiray, waqtiguna intaa aanu kala hayno ayuu xiligu nagaga dhamaan jiray. Intaa waxa dheer oo arintii sii xumaatay, markii diiwaan-gelintii dhamaatay ee dunidii ina caawinaysay ay soo hadleen ee ay yidhaahdeen xubnahani doorashada idinkama saari karaane iska bedela. Madaxweynaha illaa afar jeer ayaanu u tagno oo aanu kala hadalay sidii loo bedeli lahaa Komishankan, intaaba waxa uu lahaa maya’ bedeli maynee, aynu isku waddno, aan isku wadnadii waxay noqotay in uu anagii nagu diro oo uu nooga dhigo niman eryaya isaguna la saaxiibo kuwii la lahaa hala eryo.Maanta dalkeena waxa jira 160 goobood oo codbixineed oo ah beriga fog ee dalka, oo aan la tegi karayn oo adduunku diiday in uu



ku bixiyo Lacag, 160-kaa anagu diiwaan-gelintii waanu tegi kari weynay, laakiin isaga (M.Rayaale) ayuunbaa awood u leh oo geysan karra, waxa uu doonayaa inuu ku soo shubto. Waxa inala jooga 200,000 oo reer Soomaaliya ah, oo aan la inaga garaneyn oo haddii $ 10 la siiyo kuu codaynaya. Markaa, diiwaan-gelin la’aan ku gal doorashadu waa aan ku boobo. Ta labaad waxa weeye, Komishanku xaq umma leh waxaanaan ku heshiin inay ku dhawaaqaan sharcigu ma siin.S: Haddii Xisbiyadu ku heshiin waayaan arrimaha doorashada iyo qaabka loo galayo miyaan gudiga doorashada sharcigu siin inay go’aan ka gaadhaan arrimaha la isku qabto.?J; Wax ay qaadan karaan ma jiro, sadexda xisbi ayay siidhiga u hayaan wixii aanu ku heshiino ayaanay qabanayaan. Maalintii la doortay Komishanka, isaga ayaa u yeedhay oo yidhi Madaxweynuhu amar haka qaadanina Axsaabta, isagana Gudoomiyaha iyo gudoomiye ku xigeenka Komishanku habeen walba waa ay u tagaan. Markii, la kordhinayay iyagaa u



tagay oo u kordhiyay oo go’aankii la wadda saxeexay ee ahaa in doorashadu dhacdo 31-kii May, Gudoomiyaha iyo ku xigeenkiisu iyagaa baabiy’iyay, oo u saxeexay in 29-ka September doorashada la qabto. Haddana waad aragtaa oo sharcigii ayay jabiyeen waxay laa’leen diiwaan-gelintii iyaga oo aan awood u lahayn. Markaa, waxaanu ka codsanaynaa Baarlamaanka in maamus ka xayuubin lagu soo oogo labadan xubnood. Maadaama, ay xeer labada gole ansixiyeen oo Maxkamada soo saartay 2005, ay iyaga oo aan awood u lahayn baabiyeen gudoomiyaha iyo gudoomiye ku xigeenka Komishanku yidhaahdeen ma jirto.S: Dhawaan Kaabis iyo wax ka bedel lagu sameeyo xeerka doorashada madaxtooyada iyo dawladaha hoose, waxa Baarlamaanku ku daray qodob 67-aad oo tilmaamaya in doorashada lagu geli karro diiwaan-gelin la’aan hadii laga gaadhsiin waayo kala shaandheynteeda, miyaan kaasi u ogolayn.?J: Waxa qodobkaa looga fekeray, haddii mishiinka kala saaraya diiwaan-gelintu burburo oo uu



waxba soo saari, laakiin, immika Servarkii natiijo aanu labadii Xisbi mucaarad ahaan ogolahay ayuu soo saaray, oo caalamku ogol-yahay, balse UDUB oo ay ka socdeen Cumar Jaamac iyo Cismaan Hindi ayaa maalintii la noo qaybiynayay ka oroday oo diiday in ay qaataan Koobigoodii, markii ay ka carareen ayay ka dhigayaan in Serverku shaqayn kari waayay. Madaxweynuhuna maalintii Burco noqotay, Afarta Boqol ee Ku dhadhaweysay ayuu bilaabay in uu diiwaan-gelinta baabi’iyo. Waxa uu u haystaa, in Burco tahay wadda Kulmiye, Cudurka uu qabaa waa in Kulmiye Gobolka Togdheer wadda qaadanayo. Anniga waa ay illa soo hadleen xubno wasiiro ahi, waxay igu yidhaahdeen, markaad leedahay aynu diiwaangelin ku gallo doorashada ma waxaad doonaysaa in aad Siilaanyo soo saarto, markaa waxay u haystaan Togdheer deegaan reer qudhi leeyahay oo wadda Kulmiye ah. Mida kale, Madaxweynuhu wuxuu yidhi aniga ayaa Madaxweyne ah oo dalka badbaadinaya, laakiin waxaanu ognahay in isaga maanta



laga badbaadinayo. Waxaanu ognahay in Madaxweyne Rayaale, Safiirka Maraykanka iyo ka Ingiriiskuba min laba jeer ay arrintan kala soo hadleen oo uu la hadli waayay oo uu yidhi mashquul ayaan ahay. caqligiisu waa ka wadamadii waaweynaa ee wax inala waday, lacagta ina siinayay ee doonayay in ay aduunka inaga iibiyaan la hadli la’. anaga oo Xisbiyo ah oo wadanka la leh, Labadii shir-gudoon ee Baarlamaanka maba qabo in dalka ciddi la leedahay, ragayagaa maanta ka taageerayaasha badan marka la isku kaaya daro ee uu markii Horana midkaayo 82-ka cod kaga helay waxba lama nihin. Axsaan iyo sharaf ayaa lagu hayay, nin dalkaa wax u soo qabtay ilaa SNM-tii oo karaamada uu helay ka helay ma jiro, laakiin hada wuu ka badbadiyay. Waaxaan ku ixtiraamaynaa dadka reer Awdal, waayo waanu ognahayoo hadda markaanu nidhaahno bax, waxa uu doonayaa in uu yidhaahdo waxaa la igu diiday reer ahaan, anaguna intaanu ka cararaynaa waxa weeye in uu sidii Afweyne (Siyaad Barre)



yidhaahdo reer-nimo ayaa la igu dilayaa. Laakiin, waxaanu u sheegaynaa in aanu Somaliland baabi’in karrin.S: Eriga madaxa Interbeace iyo Dhawaaqyadan wadamada Taageera Somaliland, marka laga yimaado diidmada bixinta kharashka doorashada, saameyn kale oo aad is leedahay waa yeelan kartaa ma jirtaa?J: Horta, warbixintii ururadda xuquuqda aadamahu soo saareen iyo talaabooyinka Ina Rayaale immika qaadayo isku eeg. Talaabo kasta oo uu ku sii joogi karro wuu sameynayaa ayay inagu yidhaahdeen, waxay sheegeen inuu cunayo Ictiraafkii Somaliland. Anniga reer Yurub waa ila soo hadleen, gabadhii Sweden ee Somaliland u doodi jirtay waa ila soo hadashay, waxay yidhaahdeen sidan aad ku wadaan dalka ee dawladu ku waddo Ictiraaf ayaad sheegaysaayes, waa la idinka sii jeedsanayaa, waad aragtaa maanta Maraykankii talada ina weydiiyay ee inoo yeedhay markii ugu horeysayna magaca Somaliland inagu casuumay ee ay ina dhagaysanayeen gudi-hoosaadka Baarlamaanka Maraykan ee



talada la inaga weydiinayay waxa laga yeelayo dhibaatada Soomaaliya, budhcad badeeda iyo Somaliland ahaan waxa aynu u baahanahay, waa jareen. Markaa, waxa weeye, Madaxweyne Rayaale dalkan wuu khiyaameeyay, waxaanu doonayaa inuu Magaca lagu doortay ee Madaxweynenimo ku burburiyo. Gaajo ayuu ku dalay dadkii, shaqo’la’aan iyo tahriib ayuu baday umadii, caafimaad weli shilin muu gelin, waa bakhtiyayaan dadkii isna inuu bakhtigaa ku dul-fadhiyo ayuu doonayaa. Laakiin, taasi u suurto-geli mayso. Dadku wuu kacayaa oo hadlayaa, doorashadana u ogolaan mayno diiwaan-gelin la’aan si uu ugu shubto.S: Komishanka Iyo Madaxweyuhuba waxay ku doodayaan in arrintan kala shaandheyntu mudo soo socotay, welina qabyo ku jirto oo la idiin soo bandhigay inaad kala doorataan saddex arrimood oo ah in diiwaan-gelinta la hayo lagu galo, in waqti kale la siiyo kala shaandheynta iyo in diiwaan-gelin la’aan lagu galo doorashada, taasi miyaanay jirin?J: Saddex Ma jirto,



warqadii waatan uu soo saaray khabiirku oo waanu haynaa. Wakiillada UDUB u jooga ee uu u soo diray inay shirarka soo baabi’iyaan oo aan awood lahayn ayaa beentaa u sheegay ay kaga farxinayaan (Madaxweynaha) oo ku daray mana jirto. Mida kale, milyan iyo boqol iyo afartan kun oo qof oo diiwaan-gashan, qaladka ay sameeyaan iyo saddex milyan oo jaantaa rogan ah iyo laba boqol oo kun oo shisheeye ahi qaladka ay sameeyaan keebaa weyn, ama dadka oo dhan oo aan suntanayn da’ahaan, muwaadin ahaan iyo goobaha la geynayo sanaaduuqda oo aan suntanayn amaan ahaan khaladka ka dhalan karra iyo intan diiwaangashan midkee weyn?Ninka caqliga lihi wuu garanayaa ninka diidan tiro la ogyahay ee doonaya saddex milyan oo aan ruuxna kaadh sidan-baa ka xun, taasaanu doonayaa inuu ku boobo.Dadka hadhaw codka bixinayaana marka la eego tirada la diiwaan-geliyay aad ayay u koobnaan doonaan, sababtoo ah dadka badankoodu haleeli maayaan ama ka gaadhsiin maayaan maalin kaliya



intaas oo gobol inay cod ka bixiyaan, mida kale ilmaha yar ee 10-jir ah ee xiisaynayay kaadhka dhalashada waa laga hor joogsan karaa codaynta. Laakiin, markaad tidhaahdid Ajinabiyow codee, badha-saabka ii jooga Buuhoodlow ii soo buuxi ka badhan Joogow iigu soo gur. Ee aanan anigu tagi karayn, waxa weeye kubad uu kaligii ciyaaro ayuu doonayaa oo uu dalka ku baabi’iyo, taasna cidina ku ictiraafi mayso. Labadan nin ee dunidu illaa bilowgii sanadka lahayd bedelana waa in la bedelaa anagu horaanu u sheegnay meel Jaamac Ka gudoomiye yahay oo la og-yahay taariikhdiisa oo illaa hadda siduu u socdo la arko ku geli mayno.S: Maxaad u haysaan dhaliil toos ah ee uu sameeyay shirgudoonka Komishanku? J: Waxaanu u haynaa tan ugu danbeysay ee uu yidhi diiwaangelin la’aan ayaa doorashada lagu gelayaa isaga oo aan anaga naga helin ogolaansho, Gudiga doorashada laftiisuna isla ogolaan oo saddex gooni ka yihiin. Tii uu saxeexay ee 31-kii May ee uu haddana intii



madaxweynaha u tagay uu 29-ka uga dhigay. Sanaag diiwaan-gelinta markii aanu tagnay Sanaadiiqdii Badhan iyo Dhahar ee la tagi kari waayay goobihii oo dadkii ka hadheen oo uu u dhiibay wasiiradii dawlada iyo xildhibaanadii UDUB ee deegaanka ka soo baxay, oo ay iska xanbaarteen markhaatina ka yihiin ee nin waliba wuxuu doono ku soo qortay, iyadoo Ceerigaabo shir aanu ku galayna lagu heshiiyay in aan sanaaduuqda la geyn meel aan la isla ogeyn, tiina uu nagaga baxay. Markaa, waxa uu u shaqeynayaa, anigu waxaan ogahay in labadoodan (Jaamac Sweden iyo Cali Bikilo) in la yidhi Faysal Cali Waraabe waxa uu haystaa Baasaaboor Ajinabi ahe, marka saacada ugu danbeysa waxaad tidhaahdaan ma tartami karo, ma oga in aan ogahay oo doorkii horaba intaa celiyay soo ceshaday. Ilaa heerka mu’aamaraadku la gaadhay dawlada waxa ka mid ah in marka doorashadu soo dhawdahay ay labadani yidhaahdaan Faysal Ajanabi aan la ogolayn ayuu haystaa oo xeerkii la soo toosiyo, markaa



doorasho uu la sii qorshaystay Madaxweynaha hadda jiraa iyo Lacag lagu heshiiyay inta la siin lahaa oo aanu ognahay, ogolaan mayno, ma qaban karro doorashada mana gelayno meel uu madax ka yahay gudoomiyaha hada joogaa.S: Hore ayaa mucaarad ahaan iyo xukuumada murano idiin dhexmareen xataa muddo kordhintii dibu dhac ayay keentay hadana waqti ma hadhin oo bil iyo dheeraad ayaa hadhay, maxaa xal ah?J: Waxa xal ah, haddii uu diiwaan-gelinta ogolaan waayo, maalinta 27-ka bisha September ay gaadho wuu dhaafayaa meesha. Haddii ay dib u dhacdo cidii wadanka loo dhiibi lahaa Baarlamaanka wuu yaalaa waana in immika la dhameeyaa oo la qoraa sharcigii dawlad ku meel-gaadhka ah maamuli lahayd. Laakiin, inuu ku sii fadhiyo xaaraan imika uu sanad iyo badh ku fadhiyay ma dhacayso, maanta waxa weeye waqti ayaynu haysanaa diiwaan-gelintii waa la soo saaray dunidii waa aqbashay, Laba xisbi waa ogolaadeen, Shirgudoonkii Baarlamaankii wuu aqbalay, laakiin UDUB kale ma



jirtee ma Madaxweyne Rayaale iyo Jaamac Sweden ayaa dalka taladiisu ka go’daa kaliya.S: Komishankii hore, Labada Gole iyo labada xisbi mucaarad ba waxay isla qaateen in ay sii shaqeeyaan, laakiin Madaxweyne Rayaale wuu diiday tiisii ayaana markii danbe socotay, maxaa diidaya immikana in tii oo kale dhacdo oo kaga hortagaysaan?J: Waxa weeye, mushkilada na haysata, baarlamaankii isaga ayaa noqday, maxkamadihii isagaa noqday, maayarkii isagaa noqday, dilaalkii isagaa noqday wadankiiba isaguu noqday. Shirkadaha doonaya in ay dalka maal-geliyaan , halkii ay uga tegi lahaayeen hay’adaha ay khusayso sowkan isagii qaabilaya ee leh maxaad haysaan horta ku soo shuba ee ay yaacayaan. Markaa waxa uu ka faa’iidaysanayaa jacaylka aynu u qabno nabada iyo Somaliland. Laakiin, waxa weeye Somaliland waxba u noqon maysee isaga ayaa iska tagaya Insha Allaah.S: Gudoomiye waxaan ka waddaa Su’aasha haddii aad isku raacddaan Golayaal iyo mucaarad ahaanba maxaa damaanad



ah ee aad haysataan in doorashadu ku dhacayso sidaad doonaysaan?J: Sidaanu jecelahay maaha, waa sida sharcigu yahay, waa sida aynu wax ku noqonayo ee aduunkuna inagu taageerayo. Laakiin, imika waxa weeye sababta uu deeqbixiyayaasha uga cadhaysiinayaa si aan Somaliland loo ictiraafin, wuxuu eryayaa intii kali ahayd ee aduunka inaga ogolayd ee inoo soo gurmatay ee tidhi waar dadkan woxooda ha la siiyo ee kii u liitay ku marmarsooday doorasho xor ah ha sameysteen ayuu eryayaa.S: Si arrinta loo soo dhaweeyo, ma la xidhiidheen Komishanka?J: Anagu Komishankan la xidhiidhi mayno inta Jaamac meeshaa ka madax-yahay, hore ayaanu u joojinay wadda shaqayntii aanu la lahayn, Jaamac Sweden iyo Rayaale kubada ha wadda ciyaareen oo dalka ay xukumayaan hala arrko.Ninka maanta Ina Rayaale kula heshiiyay Faysal-baan Baasaaboor ku soo saarayaa oo kaligaa ayaa ordaya siidhi noo qaban maayo kulana shaqayn mayno…awood umma leh uu nagaga joojiyo tar-tarnka anaga ayaa isaga



keenay, kalsoonidiina kala noqonay, haddii uu fekerayo wuu is casili lahaa nin mucaaradkii yidhaahdeen kuma kalsoonin oo wadamadii dibadu yidhaahdeen lacagtii ku aamini mayno waxay ahayd inuu is casilo, laakiin may ahayn inuu idaacadda ka hadlo. Komishankuna wuu qaybsan-yahay, waa labadoodaa iyo labada kale oo caga-jiid ku tagay, gudoomiyihii iyo ku xigeenkii intaa la soo jeedinayay in la bedelo intaasoo jeer, markaasuu ku maslaxnay inay meesha sii joogaan laakiin waxa la yidhi halaga saaro.S: Madaxweyne Rayaale haddii aad toos u wadda hadashaan maanta maxaad u jeedin lahayd.?J: Madaxweyne Rayaale waxaan leeyahay, waxa hadda socdaa maaha dalka xukunkiisii, waxa socdaa waa doorasho inaga dhaxaysa oo aynu u simanahay saddexdeenu. Madaxweynenimada hadda kuma haysano, laakiin Kaligii ma xukumi karro qaabka loo tar-tamayo oo doorashadu way naga dhaxaysaa, saddex gudoomiye xusbi iyo saddex murashax ayaanu nahay, markaa waa in doorashadu sida sharciga ah ee aanu isku raacno u dhacdaa. Waayo, waanu u simanahay taladeeda doorashada, komishankana waanu u simanahay. Maaha inuu Gudoomiyaha iyo gudoomiye ku xigeenka Komishanka lacagtii dadkayaga ku yidhaa laaluush ayaan idinku siinayaa. Markaa, waxaan leeyahay, mar sharciga diiwaangelinta ogolow, lacagtii laguu keenay keen, labadan nin bedel socodsii doorashada, haddii aad socod siin weydo cawaaqib xumadda ka dhalataa Somaliland ku dhici maysee addigay kugu dhacaysaa oo adiga oo fool-xun ayaad sidii Cabdilaahi Yuusuf, ama Jaarlas Taylar-kii Laybeeriya ka tagaysaa walaahi haddaad adigoo sharaf leh taqo ma haysatid oo waad tageysaaye tagi weydo adoo fool xun ayaad tagaysaa.Waxaanu lahayn sharaf ku dira, wixii uu baa’bi’iyay dhaqaale ha daba gelina, hawl-gab siiya, hadii uu laakiin tagi waayo isaga oo fool xun ayuu tagi doonaa.
User avatar
Suldaan_JC
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 558
Joined: Sat Feb 23, 2008 4:23 pm
Location: The City of Burao and London
Contact:

Re: Riyale Kicked out INterPece Becuase HJ Became the majority

Post by Suldaan_JC »

Madaxweynuhuna maalintii Burco noqotay, Afarta Boqol ee Ku dhadhaweysay ayuu bilaabay in uu diiwaan-gelinta baabi’iyo. Waxa uu u haystaa, in Burco tahay wadda Kulmiye, Cudurka uu qabaa waa in Kulmiye Gobolka Togdheer wadda qaadanayo. Anniga waa ay illa soo hadleen xubno wasiiro ahi, waxay igu yidhaahdeen, markaad leedahay aynu diiwaangelin ku gallo doorashada ma waxaad doonaysaa in aad Siilaanyo soo saarto, markaa waxay u haystaan Togdheer deegaan reer qudhi leeyahay oo wadda Kulmiye ah
User avatar
Khalid Ali
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 32728
Joined: Mon Oct 18, 2004 11:03 am
Location: Suldaan Emperior Gacanyarihisa

Re: Riyale Kicked out INterPece Becuase HJ Became the majority

Post by Khalid Ali »

:lol: :lol: :lol: :lol:
wala iska oga
User avatar
GENERAL_SNM
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9757
Joined: Fri Jul 13, 2007 1:32 pm
Location: ''Nimankii Maroodiga ahaa mudanki reer Daahir''

Re: Riyale Kicked out INterPece Becuase HJ Became the majority

Post by GENERAL_SNM »

Riyole is learning a lesson the hard way. Everybody and their dog know's Burco is HJ and togdher. :mrgreen:
User avatar
Cali_Gaab
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 14013
Joined: Wed Oct 17, 2007 8:50 pm
Location: Sleeping next to my life's cottage

Re: Riyale Kicked out INterPece Becuase HJ Became the majority

Post by Cali_Gaab »

:lol: :lol: :lol: :lol:

Where's Yawle now :|
User avatar
Suldaan_JC
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 558
Joined: Sat Feb 23, 2008 4:23 pm
Location: The City of Burao and London
Contact:

Re: Riyale Kicked out INterPece Becuase HJ Became the majority

Post by Suldaan_JC »

Guys gabiley region is one of the most populated areas in Somaliland, and they are majority Kulmiye Supporters and The Habar jeclo have the largest degaaans in Somaliland with High Population, and This 2 Major qabiil's are both KULMIYE Supporters, the only reason why Expelled the Interpeace.............

Things are going great in Somaliland at the moment, Kulmiye +UCID+Barlamanka+ Guurtida are against Riyaale and His Kommision team :arrow:
User avatar
Cali_Gaab
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 14013
Joined: Wed Oct 17, 2007 8:50 pm
Location: Sleeping next to my life's cottage

Re: Riyale Kicked out INterPece Becuase HJ Became the majority

Post by Cali_Gaab »

UDUB is over, what Waraabe just said has been in the back of the minds of many. When the registration numbers came out of Togdheer and Gabiley it was quite pointless for Udub to even participate in the election knowing that Hargeisa last time round went to KUlmiye and Togdheer Bari would go to Kulmiye and Togdheer Galbeed would be split between UCID, KUlmiye and the left overs would go to UDUB. Ever since Reer Odweyne have made it clear that they've lost confidence in UDUB after voting for them the last go round just to undermine Kulmiye, have been made a 1000 promises and yet not one of them have been fulfilled.

Saaxil would go to UCID majority and a sufficient number to Kulmiye.
Caynaba region would be Kulmiye leaving him to collect as many as possible votes for the Harti groups, something he can not depend on.

The nail in the coffin for UDUB is the expulsion on Interpeace and wanting to go ahead with the election without the registration. After getting an extension to his term in office only to fix the server and voting registrations they decide to not use them at all :lol:

The 2 houses have made their stance clear!
User avatar
Cali_Gaab
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 14013
Joined: Wed Oct 17, 2007 8:50 pm
Location: Sleeping next to my life's cottage

Re: Riyale Kicked out INterPece Becuase HJ Became the majority

Post by Cali_Gaab »

It's a great day, fock it!

Qaadka ayaan soo qaadanayaa.
User avatar
SahanGalbeed
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 19032
Joined: Mon Dec 31, 2007 5:48 pm
Location: Arabsiyo ,Somaliland

Re: Riyale Kicked out INterPece Becuase HJ Became the majority

Post by SahanGalbeed »

It 's okay for UDUB to go in the opposition regroup and reframe their message ... frankly although I think Riyaale has been a great great leader for Somaliland , it is time for him to just let it go .
User avatar
Suldaan_JC
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 558
Joined: Sat Feb 23, 2008 4:23 pm
Location: The City of Burao and London
Contact:

Re: Riyale Kicked out INterPece Becuase HJ Became the majority

Post by Suldaan_JC »

Cali_Gaab wrote:UDUB is over, what Waraabe just said has been in the back of the minds of many. When the registration numbers came out of Togdheer and Gabiley it was quite pointless for Udub to even participate in the election knowing that Hargeisa last time round went to KUlmiye and Togdheer Bari would go to Kulmiye and Togdheer Galbeed would be split between UCID, KUlmiye and the left overs would go to UDUB. Ever since Reer Odweyne have made it clear that they've lost confidence in UDUB after voting for them the last go round just to undermine Kulmiye, have been made a 1000 promises and yet not one of them have been fulfilled.

Saaxil would go to UCID majority and a sufficient number to Kulmiye.
Caynaba region would be Kulmiye leaving him to collect as many as possible votes for the Harti groups, something he can not depend on.

The nail in the coffin for UDUB is the expulsion on Interpeace and wanting to go ahead with the election without the registration. After getting an extension to his term in office only to fix the server and voting registrations they decide to not use them at all :lol:

The 2 houses have made their stance clear!

well put there Cali......
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Somaliland”