culimo pakistaani ah oo lagu dilay galkacyao

Daily chitchat on Somali politics.

Moderator: Moderators

User avatar
new-york24
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 2800
Joined: Tue Aug 19, 2008 2:00 am
Location: HAGARDAAMO GUMAYSI HALGAMAA WAX MA YEESHO

culimo pakistaani ah oo lagu dilay galkacyao

Post by new-york24 »

whats going on northern galkacyo,the place is becoimg lawless :shock:

Culumaa’udiin qaarkood Ajnabi yihiin oo lagu dilay Masjid ku yaalla Magaalada Gaalkacyo

Arbaco, August 12, 2009(HOL): Kooxo hubeysan oo wejiga soo qarsaday ayaa waxay saaka waaberigii ku dileen masjidka Towfiiq ee magaalada Gaalkacyo shan Culumaa’udiin ah oo ka tirsanaa Culumaa’udiinka Tabliiqa, labo kalena dhaawac culus ayay u geysteen.

Shanta culumaa’udiinka ah ee geeriyootay ayaa waxay la sheegay in ay u dhasheen dalka Pakistan, halka labada dhaawacantayna ay ahaayeen Culumaa’udiin Soomaali ah.

Lama garanayo ilaa iyo haatan sababta ay kooxahaas hubeysan u bartilmaameedsadeen culumaa’udiinkaas oo inta badan lagu yaqaano in ay dadka wacdiyaan, isla markaana ay faraan wixii wanaag ah, wixii xumaan ahna ay ka reebaan.

Masjidka ay dhibaatadan ka dhacday oo ku yaalla Waqooyiga magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa saaka isugu soo baxay dadweyne aad u faro badan oo ku nool magaalada Gaalkacyo, kuwaasi oo si weyn uga xumaaday dhibaatada Masjidka dhexdiisa ka dhacday, iyadoo kaddibna ay goobta soo gaareen Ciidamada Ammaanka Puntland, kuwaasi oo baaritaanno ka bilaabeen halkii dhibaatada ka dhacday.

Dilka loo geystay culumaa’udiinkan ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo dhawaan Magaalada Gaalkacyo lagu dilay Wasiirkii Warfaafinta Puntland Warsame Cabdi Shirwac oo loo yaqiinay Seefta Bannaanka. Sidoo kalena wuxuu dilka culumaa’udiinkan ku soo beegmayaa iyadoo Maamullada Puntland iyo Galmudug ee ka kala taliya Waqooyiga iyo Koofurta Magaalada Gaalkacyo ay ciidamadooda wadaan howlgallo amniga lagu sugayo.

Wixii ku soo kordha dilka Culumaa’udiinkan kala soco halkan haddii Alle idmo Insha Allaah

Maxamed Cali Royter
Advo
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 27096
Joined: Sat Mar 01, 2008 4:11 am
Location: ever green state

Re: culimo pakistaani ah oo lagu dilay galkacyao

Post by Advo »

Alshabaab and co, probably hate tabliqi al jamaac more than ehlu suna wal jamaac.
User avatar
sheekh-Farax-zero
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 7590
Joined: Sat Apr 05, 2008 9:04 am
Location: pppppppp

Re: culimo pakistaani ah oo lagu dilay galkacyao

Post by sheekh-Farax-zero »

Advo wrote:Alshabaab and co, probably hate tabliqi al jamaac more than ehlu suna wal jamaac.

no sxb,,, ehlu-bidca-wal-bariis are behind it.

Gaalkacyo:-Waxaa xalay lagu laayey magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobalka Mudug gaar ahaan dhankeeda koonfureed wadaado Tabliiq ah ee ku caan baxay Fidinta Diinta Alle iyo dacwada .

Wadaada Tabliiqa ayaa waxaa ay ka soo jeedaan dalka Pakistaan waxaana lagu dilay Masjidka Towfiig oo in yar u jira Iskuulka Hoose /Dhexe ee Umada ee Magaalada Gaalkacyo.

Kooxaha geystay falkan ayaa waxaa la tuhunsan yahay in ay ka tirsan yihiin kooxo qaab qabiil ay u hubeyso Itoobiya lana baxay ahlusuna .

Wadaada Dhintay xalay waxaa lagu sheegay ilaa 5 waxaana dhaawac kale la geeyey Isbitaalka Galkayo Medical Centre waxaana la soo sheegayaa in xaalkoodu uu liito.

Ilaa haatan lama garanayo ujeedada ka danbeysa dilkan balse wuxuu ahaa mid abaabulan oo la rabo in fitno la dhex dhigo umada Islaamka.

http://www.halgan.net/view_article.php?articleid=12004
User avatar
new-york24
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 2800
Joined: Tue Aug 19, 2008 2:00 am
Location: HAGARDAAMO GUMAYSI HALGAMAA WAX MA YEESHO

Re: culimo pakistaani ah oo lagu dilay galkacyao

Post by new-york24 »

Advo wrote:Alshabaab and co, probably hate tabliqi al jamaac more than ehlu suna wal jamaac.
i know that fitna is rampant now'days,if i want to get back at my enemy i all have to do is cover my face with cimaamad rape his sister,than sit back relax and enjoy a clean getaway...i can count on VOA to throw it on al-shabaabs back the next day :mrgreen:
User avatar
AbdiWahab252
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 56715
Joined: Mon Jul 14, 2003 7:00 pm
Location: Unity. Strength. Capital.

Re: culimo pakistaani ah oo lagu dilay galkacyao

Post by AbdiWahab252 »

NewYork,


Its the Puntland Intelligence Service behind this massacre.
User avatar
-Cabsiiye--
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 306
Joined: Tue Dec 18, 2007 3:36 pm

Re: culimo pakistaani ah oo lagu dilay galkacyao

Post by -Cabsiiye-- »

Suufis are the real khawaarij--they defend the non-muslims and kill the muslims.
User avatar
Diyeeshaha_Tolka
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 3524
Joined: Sat Sep 22, 2007 12:41 pm
Location: webiga jowhar jiinkiisa

Re: culimo pakistaani ah oo lagu dilay galkacyao

Post by Diyeeshaha_Tolka »

sheikh-farax-zero,,,,sxb dambi aad idinka geysateen maxaad umad kale dusha ugu saarinaysaan,,xitaa allpuntland ayaab qirsan inay falkani ka dhacay qeybta puntland...

halgan.net waa website taageera alshabab iyo xisbul islaam oo cadaalad uma hadlo

Gaalkacyo: Madaxweynaha Puntland oo ka hadlay Falkii loo geystay Culumada Tabliiqa.
12. august 2009

APL
Tool

Send This Article To A Friend By Email | Saaxiibkaa warkaan ugu dir Email


--------------------------------------------------------------------------------

Print This Article | Daabaco warkaan



Gaalkacyo(AllPuntland)-Madaxweynaha dowladda Puntland Dr. C/rixmaan Maxamed Maxamuud ayaa si deg deg ah uga hadlay falkii lugula kacay qaar ka mid ah Culumada Diinta Islaamka faafinteeda ku caan baxay ee Tabliiqa loo yaqaano, oo xalay waxyeelo weyn loogu geystay magaalada Gaalkacyo oo uu ku sugan yahay Madaxweynaha dowladda Puntland.

Madaxweynaha oo ka hadlayay Magaalada Gaalkacyo ayaa sheegay in ay dowladdiisu aad uga xun tahay, falkaasi wuxuuna ugu baaqay dhamaanba ciidamada dowladdiisa in ay soo qabtaan cidii ka dambeysay falkaas oo uu ku sheegay mid looga soo horjeedo amaanka & Sumcada dowladda Puntland ee Soomaaliya.

Md. Faroole wuxuu sheegay in ay dowladdu diyaarisay qorshe dheer oo ay wax uga qabanayso xaaladaha ka taagan deegaanada Puntland, wuxuuna falkan ku sheegay mid ay hada baaritaan dheer ku hayaan ciidamada dowladda Puntland oo ay ogaan doonan cidii ka dambeysay falkaasi.

Madaxweynaha Puntland ayaa warkan ka sheegay saacado ka dib markii xalay magaaladaasi Masjid kuyaala lugu dilay Culumo katirsan Kooxda ku caan baxday Fidinta Diinta Islaamka, wuxuuna ku celceliyey in ay dowladdiisu aad uga xun tahay falkaasi.

Ururka Tabliiq waa mid baaxad wayn oo caalami ah, astaan ahaan iyo fikrad ahaanna ka duwan ururrada kale ee Islaamiga ah caalamiga ah.

Ururka Tabliigh waxaa 90 sano kahor aasaasay nin la oran jiray Mowlana Maxamed Ilyas Qandahlawi oo Hindi ahaa, waxaana aan la garan karin sannadaha uu soo galay gudaha dalka Soomaaliya, waxaana la ogaaday in ay Soomaaliya soo galeen markii ay dhacday dowladdii Dhexe ee dalka Soomaaliya.

Lama garan karo waxa loo ugaarsaday Culumadan oo Inta laga ogyahay, ururka Tabliigh kama qayb qaadan hardanka siyaasadeed ee ka jiray Soomaaliya, waxaana Siyaasiin badan ay walaac ka muujinayaan arrimahan oo dhacay.

F. C. Maxamed
AllPuntland
ModerateMuslim
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 6252
Joined: Sun Apr 06, 2008 7:50 pm

Re: culimo pakistaani ah oo lagu dilay galkacyao

Post by ModerateMuslim »

AUN.
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - General Discussions”