Ahlu Sade oo abaabul dagaal ka wada Dolow

Dadka ku dhaqan ama ka imaaday gobolkan

Moderators: Moderators, Junior Moderators

User avatar
CoolPoisons
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 10533
Joined: Sun Dec 16, 2007 7:23 am

Ahlu Sade oo abaabul dagaal ka wada Dolow

Post by CoolPoisons »

Culumaa’udiinka Ahlu Sunna Waljamaaca oo dagaallada xoogan kula jiro kooxda shabaabka ayaa sheegay in ay dhab tahay abaabulka dagaal ee ay kawadaan Degmada Doolow.

Abuu-zakariya oo kamid ah mas’uuliyiinta culumada Ahlu Sunna Waljamaaca ayaa sheegay in abaabulka laga sheegay qeybo kamid ah Degmada Doolow ee Gobolka Gedo uu yahay wax dhab ah oo jira.

Waxa uu ballan ku qaaday in weerar ay kusoo qaadi doonaan dhowaan deegaannada ay Gobolka Gedo kaga sugan yihiin kooxaha dagaalka ay kula jiraan.

Mar uu ka hadlayay hadal dhowaan kasoo baxay ururka Xisbul Islam oo ku aadanaa in meel waliba oo ay joogaan Ahlu Sunna laga sifeyn doono ayaa waxa uu ku tilmaamay in ay tahay mid muujineysa baqdin iyo fuleynimo uguna habar wacanayaan arrintaasi.

Dhowaan ayuu sheegay in Gobolka Gedo war cad laga maqli doono oo ay ka sifeyn doonaan kooxo uu ku tilmaamay Abuu-zakariya in umadda ay dhibaato xoogan oo aanan horey loo arag ku hayaan.


http://www.mareeg.com/fidsan.php?sid=13314&tirsan=2
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Provinces - Gedo”