He lost his job !!

Daily chitchat.

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
Diva19
Posts: 124
Joined: Mon Aug 10, 2009 12:47 pm

He lost his job !!

Post by Diva19 »

Madaxweynaha Puntland C/raxmaan Faroole ayaa maanta ka soo saaray laba wareegto magaalada Gaalkacyo wuxuuna xilalkii laga qaaday gudoomiyaha gobolka Mudug C/nuur Maxamed Diiriye ‘Geesey’ oo ahaa ninkii lagu eedeey inuu ka danbeeyey dilkii wasiirkii dhintay iyo weliba gudoomiyaha gobalka Ceyn Kayse Cabdi Yuusuf oo isna laba nin ku dilay degmada Widhwidh.


Wareegtada Madaxweynaha Puntland ayaa waxaa lagu cadeeyey in xilalka looga qaaday labada gudoomiye markii ay loo soo jeedsay eedaymo kuwaas oo ka imaanaya hay’adaha iyo masuuliin la shaqeynaysay labada gudoomiye,kuwaasoo lagu eedeeyey inay yihin niman ka shaqeeya isku dirka iyo colaad hurinta.

Guddoomiyaha gobolka Mudug C/nuur Geesey ayaa waxaa lagu eedeeyey in uu qayb ka yahay dhibaatooyinka amni darro ee ka jira gaalkacyo uuna sabab u ahaa mashaqo ka dhacaday Cagaaran.Mr Geesey ayaa soo dhaweeyey xil ka qaadista lugu sameeyey, isagoo beeniyey in uu wax lug ah ku leeyahay mashaqdii ka dhacaday Cagaaran iyo dilkii Wasiirkii Warfaafinta ee dowladda Puntland Warsame Cabdi Shirwac oo koox dabaly ahi ku toogteen magaalada Gaalkacyo .

keyse Cabdi Yuusuf ayaa gacantiisa ku dilay labo nin degmada Widhwidh,isagoo difaacanayey jagadaas uu maanta waayey,isagoo godob keentay inaanu cag danbe soo dhigin dhulkii uu dhashay uu u galay maamulka Puntland.

Waxaa si ku meel gaar ah loogu magacaabay gudoomiyaha gobolka Mudug guddoomiye kuxigeenka oo lagu magacaabo Beexaani Axmed Barre,balse lama oga in gudoomiye loo magacaabi doono degmada Buuhoodle oo uu joogo gudoomiyaha gobolka buuhoodle ee maamulka Somaliland.

Keyse iyo C/nuur ayaa la sheegayaa inay ku sugan yihiin degmada Buuhoodle,iyadoo ay weheliyaan nimankii dilay wasiirkii warfaafinta Seefta-banaanka,iyadoo la isla dhexmarayo inay ku sii jeedaan dhinaca Hargeysa.
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “General - General Discussions”