Shabab in Bardhere getting scared from movement in Dolow

Dadka ku dhaqan ama ka imaaday gobolkan

Moderators: Moderators, Junior Moderators

User avatar
CoolPoisons
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 10533
Joined: Sun Dec 16, 2007 7:23 am

Shabab in Bardhere getting scared from movement in Dolow

Post by CoolPoisons »

Maamulka Islaamiga ah ee Magaalada Baardheere oo caawa Bandow ku soo rogay halkaasi.

Shabelle: BAARDHEERE

Maamulka Islaamiga ah ee Magaalada Baardheere ayaa caawa waxa uu Bandow ku soo rogay Magaalada Baardheere ee gobolka Gedo.



Maamulka islaamiga ah ee ka arrimiya Magaalada Baardheere ee gobolka Gedo oo ka hadlayay Idaacadaha ku yaala Magaalada Baardheere ayaa waxa ay sheegeen in Magaalada laga bilaabo 9-habeenimo wixii ka danbeeya ay bandow tahay.



Bandowgan ayaa waxa uu ka danbeeyay kadib markii cabsi xoogan laga dareemay degmooyinka Luuq iyo Balad Xaawo ee gobolkaasi.



Wararka qaar ay sheegaya in Ciidamda dowladda KMG Soomaaliya iyo kuwa Ahlu Sunna Waljamaaca ee ku sugan degmada Dolow ee gobolka Gedo xadka uu la wadaago Ethiopia ay dhaq dhaqaaqyo Xoogan ka wadaan halkaasi.



Si kastaba ha ahaatee Mas’uuliyiinta Maamulka Islaamiga ah ee Magaaladaasi Baardheere ayaan wax faah faahin ah ka bixin sababaha bandowga balse waxa ay dadka ku amreen oo kaliya in wixii ka danbeeya 9-habeennimo ay Magaalada Bandowtahay.



Aqriso oo la soco Shabelle.net Saacad Walba si aad u hesho wararkii ugu dambeeyay ee Soomaaliya.

http://www.shabelle.net/news/viewnews.asp?newsid=7929
User avatar
Shirib
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 26911
Joined: Thu Oct 04, 2007 3:50 am
Location: May God grant us victory.

Re: Shabab in Bardhere getting scared from movement in Dolow

Post by Shirib »

Folks in Dolow, how long have they been there now?
User avatar
Murax
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 28303
Joined: Sat Dec 29, 2007 4:45 am

Re: Shabab in Bardhere getting scared from movement in Dolow

Post by Murax »

^^

About a year. About these curfues, from relatives I have that visited the region, it isn't a real curfue per se. They just might ask You, saacadaan maxaad samaynaysaan
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Provinces - Gedo”