Pekka Haavisto oo ah Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Dalka Finland islamarkaasna ah ergayga gaarka ah ee u qaabilsan Finland Arimaha Geeska Afrika ayaa booqasho ku jooga Dawladda Puntland ee Soomaaliyeed.
Pekka Haaviso waxaa booqashadiisa ku weheliyey Safiirka Dawladda Soomaaliya u fadhiya dalka Finland Ambassador Cali Qaasim.
Booqashada Pekka Haavisto ayaa la xiriirta in uu u kuurgalo xaaladda Puntland, sidii dawladaha Yurub ay qayb uga qaadan lahaayeen dib u dhiska hay’adaha dawliga ah iyo deeqaha bini’aadanimo, isla markaasna waxa lagu wadaa in uu warbixin ku saabsan Puntland uu siiyo Baarlamaanka Finland.
Wefidgan ayaa kulan kula qaatey Madaxweynaha Puntland mudadii uu ku sugnaa Caasimadda Puntland ee Garoowe, waxaana kulan kaas looga hadley, sidii midowga Yurub wax ula qaban lahaayeen Puntland, sidoo kale madaxweynaha Dawladda Puntland ee Soomaaliyeed ayaa warbixin balaaran wefdiga siiyey taas oo ku saabsan xaaladda Puntland iyo isbedelkii u danbeeyay, sidoo kale waxa wefdigu uu booqasho ku tegay Kuliyada Tababarka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ee Carmo, halkaas oo lagu tababaro Ciidanka Booliska Soomaaliya.



Carmo Police camp

