Shabab in Kismayo force students to fight

Dadka ku dhaqan ama ka imaaday gobolkan

Moderators: Moderators, Junior Moderators

User avatar
CoolPoisons
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 10533
Joined: Sun Dec 16, 2007 7:23 am

Shabab in Kismayo force students to fight

Post by CoolPoisons »

Maxaa kajira in shacabka Kismaayo oo dhan Dagaal lagu qasbi doono.

Kadib markii ay maqleen Maamulka ka dhisan Magaalada Kismaayo in dagaal uu kusoo fool leeyahay iyaguna ay diyaar garow galeen ayaa waxaa la bilaabay qorshe ladoonayo in shacabka Reer Kismaayo oo dhan lagu dagaal geliyo.

Warkani ayaa waxaa cadeeyay Xasan Yacquub oo sheegay in dadka deegaanka oo dhan laga doonayo dagaal haddii uu bilowdo in ay si wada jir ah uga qeyb galaan maadaama uu yahay mid Islaamka lagu waxyeeleynayo sida uu hadalka u dhigay.

Waxaa xusuusin mudan in xilligii Maxkamadaha Islaamiga ee dalka ay ka ariminayeen in Arday badan laga dhigay Ciidan kadibna badankooda lagu xasuuqay Gobolka Bay kadib markii Ciidamo Itoobiyaan ah oo aad u hubeysan la hor dhiga kooxdaasi dhalinyarada aheyd taasina ay suuragal tahay markale in ay dhaqaaqaan kooxahani Mucaaradka.

Shacabka kudhaqan Guud ahaan Gobolada Jubbooyinka ayaa hubaal ah in si toos ah loo dagaal gelinayo waliba hadhowna la dhihi doono waxaa difaacaya magaalada shacabkii deganaa, waxaana arrintaasi saan saanteeda ay tahay illaa iyo hadda mid si cad u muuqata.

Dhibaato weyn ayay ku tilmaameen dadka deegaanka arrintani maadaama ay tahay wax aad u dhib badan qofkii dagaal aanan dooneynin in lagu qasbo.

Lama garanayo shacabka kudhaqan magaalada Kismaayo sida ay ka yeeli doonaan arrintani iyo sidoo kale dowladda oo iyadu duullaan ah iyana lama garanayo sida ay ka yeeli doonto shacabka laga dhiganayo duruuc bashariyah (Cambuur bireed) maadaama aysan waxba diidi Karin oo la maamulo.

http://www.mareeg.com/fidsan.php?sid=13351&tirsan=2
User avatar
zingii
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9937
Joined: Thu Sep 11, 2008 2:43 am
Location: Agah, Arlee, Boowe, Gaw, Nooh.

Re: Shabab in Kismayo force students to fight

Post by zingii »

Arin suurta gal ah iilama eka waayo waxaa dhici kara in shacabka ayaga kusoo jeestaan oo dhabar jabin ku waxeeyaan.

In other words that would be the dumbest move. :|
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Provinces - Gedo”