Page 1 of 1

No Government To Fight For Them (Somalis In Libya)

Posted: Sat Aug 15, 2009 9:40 pm
by zingii
Qaar ka Mid ah Maxaabiista ku Jira Xabsiga Liibiya oo soo bandhigay Dhaawacyadii ay u geesteen Askarkii Liibiya (Daawo Sawirada)

Image


Waxaa inoo sooragshay in aan raadino Xog dhab ah xogtaas oo ku saabsan Maxaabiista Soomaaliyeed oo ku xiran Xabsiyada Liibiya kuwaaso oo isku dayay in ay ka baxsadaan Xabsiga oo ay ciidamada Liibiyaanka ah ku rideen kolka ay basadeen xabado aan kaa reeb lahayn

Image


Qaar kamdi ah Dhalinyarada ku xiran Xabsiga Libiya ayaa inoo soo Diray Sawiraadan aad Aragtaan Iyo Sida ay ula dhaqmeen ciidanka Ilaaliya Xabsiyada Liibiya kuwaasi oo arxan daro ku sameeyay Maxaabiista Soomaaliyeed ee ku dhibaataysan xabsiyadooda

Image
Image
Dhalinyaradaas ayaa la so Xariiray Shabadda Dayniile.com waxayna soo Bandhigeen Sawirada iyo Tirada Xabsiga ku Jirto waxayna shegayn in Gaarayaan 450 Maxbuus oo Soomaali ah oo isgu Jira Rag iyo Dumar iyo Waliba Caruur yar Yar oo gaarayn Sanad.



Image



Dhanka kale Waxay sheegeen Kolka ay isku Dayeen in ay ka baxsdan Xabsiga in la dilay Ugu yaraan Soomaali gaarsyso 20 oo isugu Jira dhalinyaro Iyo dumar waxayna sheegeen in dhaawaca cagacageynayo 96 Qof Waxayna Dowladda Soomaaliyeed ka Codsadeen in ay Gacan ka geestaan Sida ay Nooga saari lahaayeen Xabsiga aan ku Jirno

Image

Hadaba Waalidiinta Soomaaliyeed oo Ilmahooda ugu maqan Xabsiyada Dalka Liibiya waxay la xariir karaan Telkaan 00218917341744 Si loogu raadiyo Ilmahooda Telkaan waxaa Heesta Mid kamid Ah Maxaabiista Soomaaliyeed oo ku Xira Xabsiga kaasoo noo sahlay in uu noo Soo Diro Sawirada Aad Aragtaan

Image






--------------------------------------------------------------------------------

Cabdiraxmaan Macalin Xuseen
Mamaan82@hotmail.com
Tafatiraha Wabka Dayniile.com

--------------------------------------------------------------------------------

dayniilecom@hotmail.com
deyniilenews@yahoo.com
--------------------------------------------------------------------------------