Big conference in Holland to build Jubaland with Bare Hirale

Dadka ku dhaqan ama ka imaaday gobolkan

Moderators: Moderators, Junior Moderators

User avatar
CoolPoisons
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 10533
Joined: Sun Dec 16, 2007 7:23 am

Big conference in Holland to build Jubaland with Bare Hirale

Post by CoolPoisons »

Shirweynihii Labaad ee Beesha Sade oo Ka Dhacay Holland.(Sawiro)

Holland-(GMN) Jaaliyada Beelaha Sade oo Shir weynihii labaad uga furmay Magaallada Denhaag ee Wadanka Holland iyo Xildhibaano uu Barre Hiiraale ka mid yahay oo qadka telefoonka uga qeybgalay.

Shirweynahan oo ka furtay Magaallada Denhaag ee Dalka Holland ayaa waxaa looga hadlayey sidii loo sii amba-qaadi lahaa Howlaha Maamul u sameynta Deegaanada Gedo,Jubbooyinka iyo Galgaduud,Waxaana ugu horeyn



Shirkaasi daahfurtay Xamza Sheekh Xuseen “Hanoolaato” oo ah u qeybsanaha Yurub ururka ay ku mideysan yihiin Jaalliyada kasoo jeeda Goboladaasi,Waxaana hadaladeyda ay u badnaayeen sidii ay dadkii goobtaasi ku sugnaa ugu wargelin laheyd xaaladada Ururkoodu marayo iyso sidii ay dadka shirkasi kasoo qeyb galay ugu baraarugi lahaayeen wax u qabashada dadkooda.

Xamza Sidoo kale waxay ka hadashay oo ay gaashaanka u daruurtay Hadalkii dhawaan kasoo yeeray Wasiirka Dekedaha iyo Gadiidka Bada ee Dowlada Somalia Maxamed Ibrahim Xaabsade kaasi oo Shirarka ay kawadaan Yurub iyo qeybo kale oo dunida ah ku tilmaamay kuwa aan xirir la laheyn Dowlada ku meel gaarka ah ee Somalia,isagoona haddii aysan Dowlada la soo xiriirin arintooda ku tilmaamay inay tahay mid aan shaqeyn doonin,hadalkaasi iyo hadal kale oo iyagana kasoo yeeray Odayaal sheegtay inay ku hadlayaan Afka Malaqyada Beelaha Digil iyo Mirifle oo Cambaareyn dusha uga tuuray dadaalada Maamulka loogu sameynayo Deegaanada Jaaliyadan ay kaso jeedaan.

Xamza waxaa ay ugu baaqday Dowlada iyo qolyaha Diidan inaysan cidina ka hor istaagi doonin Hankooda ah sidii ay maamul dadkooda ugu sameyn lahaayeen ,waxaase dhinacyadaasi ugu baaqday inay qeyb ka noqdaan dadaalada loogu jiro sidii hirgelinta arintasi,iyadoo sheegtay inay gacmo furan kuso dhaweynayaan dhamaan qowmiyadaha kale ee nool deegaanada ay degan yihiin,taasi oo ay sheegtay inay astaan u tahay Ururkooda lagu soo dhigay Dalka Mareykanka.

Dhinaca kale waxaa shirkaasi Qadka Telefoonka uga qeyb galay Mas’uuliyiin ku sugan Deegaanka Doolow ee Gobolka Gedo,kuwaasi oo kala ah Xildhibaan Barre Aden Shire Hiiraale,Xildhibaan Yusuf Kanti,Xuseen Fareey oo ah Guddoomiyaha Gobolka Gedo iyo Prof,Abdi Cartan,kuwaasi oo si wada jir ah uga hadlay doorka ay Jaaliyada Dibada ku leeyihiin horumarinta iyo Nabad kusoo dabaalida Deegaanada Gedo,Jubbooyinka iyo Galgaduud.

Barre Hiiraale oo muuqatay inay Hadalo kulul kula hadlayey Jaalliyada Deegaanadaasi kasoo jeeday ee shirka uga furmay Magaallada Denhaag ayaa sheegay in Maanta Somalia ay ka jirto colaad tii ugu xumeed,isagoo tusaale usoo qaatay Gobolka Gedo inay isku hor fadhiyaan Dowlada Somalia iyo Ahlusuna oo isku dhinac ah iyo Alshabaab iyo Xisbul Islaam oo iyagana isku dhinac ah,taasi oo uu sheegay inay dhici karto saacadkasta Dagaal dhexmara qeybahaasi is diidan,isagoo dadkii khudbadiisa dhageysanayey ka dalbaday inay deg deg wax uga qeybtaan xaaladan isla markaana ay taageero dhaqaale iyo mid caafimaadka la soo gaaraan Dadka Degan Gedo oo ay abaaro xoogan ku dhiften hadana ugu darsan tahay Dagaalo aan dhamaad laheyn.

Gen,Xuseen Shuqul oo ah Sarkaal kasoo jeeda Deegaanada Gedo,Jabooyinka iyo Galgaduud hadana ku nool Dalka UK kana soo qeyb galay Shirka Holland ka furmay ayaa sheegay in Maanta looga baahan yahay Jaaliyada deegaanadasi kasoo jeeda wax u qabashada dadkooda iyo dalkooda,waxaana dhinaca kale uu sheegay inay jiraan Dad badan oo xasaasiyad ka qaba Maamul u sameynta Goboladaasi,isagoo dadkaasina ugu baaqay inaysan jirin cid wax u diidan haddii ay rabaan inay qeyb ka noqdaan Maamulada la maagan yahay,Laakiin waxa uu sheegay in dadkaasi u soo diyaar garoobaan wax la qabsashada dadka Howlahan wada.

Shirkan oo ay kasoo qeyb galeen Dhamaan Jaaliyadaha Dalalka Yurub oo dhan,waxaa sidoo kale isagana ka hadlay Prof,Ahmed Ducaale oo ah Siyaasi kasoo jeeda Deegaanada Gedo,Galgaduud iyo Jubbooyinka kaasi oo mudo ka badan 43 sano ku nool Dibada,waxaana Ahmed hadalkiisa kusoo qaatay sida maanta baahi loogu qabo Maamul Goboleed laga sameeyo Goboladaasi,isago intaasi ku darsaday inuu yahay Shaqsiga ugu horeeya ee Xilka Madaxweynenimada Maamulkaasi u taagan.

Shirkan iyo Shirkale oo ka dhacay Magaallada Nairobi waxaa ay labaduba xanbaarsan yihiin Jawaabo laga bixinayo Maamulka laga sameeynayo Goboladaasi iyo sida looga wada xumaaday hadalkii dhawaan kasoo yeeray Maxamed Ibraahim Xaabsade oo ah Wasiir ka tirsan Dowlada SOmalia iyo odayaal ku hadlayey Afka Beelaha Digil iyo Mirifle oo dhaleeceeyey Maamulkaasi la sameynayo.

Hadaba Halkan ka daawo Warar laga sameeyey Shirarkaasi ka kala dhacay Kenya iyo Holland kana baxay Xalay TV ga Universal :-

http://www.gedoonline.com/?p=7801
User avatar
CoolPoisons
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 10533
Joined: Sun Dec 16, 2007 7:23 am

Re: Big conference in Holland to build Jubaland with Bare Hirale

Post by CoolPoisons »

VIDEO

User avatar
Voltage
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 29214
Joined: Tue Oct 23, 2007 11:33 pm
Location: Sheikh Voltage ibn Guleid-Shire al-Garbaharawi, Oil Baron

Re: Big conference in Holland to build Jubaland with Bare Hirale

Post by Voltage »

If this Xamza, sheekh hanalooto is the daughter of the wagardhac, reer allamaghan, reer maxamed kooshin hanalooto who was the first guy to say Somalia Hanoolaato then she is my ayeeyo :up:

btw I wouldnt call that "big conference" but just a conference :lol:
User avatar
Voltage
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 29214
Joined: Tue Oct 23, 2007 11:33 pm
Location: Sheikh Voltage ibn Guleid-Shire al-Garbaharawi, Oil Baron

Re: Big conference in Holland to build Jubaland with Bare Hirale

Post by Voltage »

Lol @ that specific tribal meeting being broadcast being taped for Universal T.V. :lol:
User avatar
CoolPoisons
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 10533
Joined: Sun Dec 16, 2007 7:23 am

Re: Big conference in Holland to build Jubaland with Bare Hirale

Post by CoolPoisons »

Voltage wrote:If this Xamza, sheekh hanalooto is the daughter of the wagardhac, reer allamaghan, reer maxamed kooshin hanalooto who was the first guy to say Somalia Hanoolaato then she is my ayeeyo :up:

btw I wouldnt call that "big conference" but just a conference :lol:
Why the fock would it matter what his jiffo his. Bal firi hadalka la so shirtagtay.
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Provinces - Gedo”