Waxaa halkaas laga soo jeediye qudbado kala duwan oo ay soo jeediyeen Mas'uuliyiin JWXO ka tirsan taas oo ay dadku aad oola dheceen in Halganka ONLF ee ay intooda badan maqali jireen ay maanta Dhaagysataan kuwii halgankaas Dhiigooda Wakhtigooda iyo Maalkoodaba u hurey.
waxaa intaas kadib Makarfonka loo dhiibay Abwaan Axmed Sheekh Cali (Heelaale) oo tiriyey Gabay dadka qiiro galiyey kaas oo u kaga hadalayey dhibaatada lagu hayo shacabka Ogadenya waxaa halkaas isna ka hdalay Sheekh Maxamed oo ka mid ah Culimada Ogadenya isagoo u sheegay dadka in halganka Ogadenya ee Xaqa ah ay taageero Naf iyo maalba u huraan


