Kismaayo oo heegan la giliyay.

Dadka ku dhaqan ama ka imaaday gobolkan

Moderators: Moderators, Junior Moderators

User avatar
zingii
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9937
Joined: Thu Sep 11, 2008 2:43 am
Location: Agah, Arlee, Boowe, Gaw, Nooh.

Kismaayo oo heegan la giliyay.

Post by zingii »

Ilo qarsoodi ah u si gaar ah Calanka uga helay saraakiisha ciidamada maamulka Islaamiga ah ee Kismayo ayaa sheegaya in ciimada maamulka la giliyay heegan kii ugu sareeyay ka gadaal markii ay soo baxeen warar sheegaya in ciidamo is garabsanaya ku soo wajahan yihiin magaalada .

Kulan wareed uu qabtay afhayeenka kooxo diimeedka Kismayo gacanta ku haya ayaa hoosta ka calaamadeeyay in ay ka war heleen qorshe weerar oo ay wadaan ciidamo Ahlu Sunnah ka tirsan iyo qeyb uu hogaaminayo Barre Hiiraale .

Afhayen Xasan Yacquub ayaa daboolka ka qaadin halka ay xogtaasi ka haleen , Rag Ahlu Sunnah taabacsan oo ka gows qabsaday in magacooda la soo xigto ayaa Calanka u sheegay in aysan jirin qorshe duulaan oo ka dhan ah Kismayo .

Marka laga soo tago ilahaani wareed ee maamulka Kismayo iyo Ahlu Sunnah ka soo yeeray ayaa hadana dad socoto ah waxa ay sheegayaan in jubooyinka ka socdaan abaabulo dagaal .

Arimahani ayaa soo baxaya xilli islaamiyiin beeleedyada ay gacan bir ah ku hayaan magaalada isla markaana sharciyo qasab ah ay qoorta u sureen dadweynaha magaalada .

Magaalada Kismaayo ayaa iminka ah geeri go`an ku jirta , dhaq dhaqaayada xoriyeed ayaa aad u adag , sharciga magaalada ka shaqeeyana waa rabitaanka islaamiyiin beeleedyada .


Calanka.com: - Isha wararka xaqiiqda
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Provinces - Gedo”