sheekadan macquul ma kulatahay,,
Posted: Tue Aug 18, 2009 8:59 am
Gabar Lagu Kala Iibsada Magaalad Johannesburg, Qiso La yaab leh Uu Qoray Wargeyska Xogmaal.
(18-08-2009)Aduunka wax kasta ka fillo, wax kastana waa la maqlayaa, waan hubaa in uu kusoo jiitay ciwaanka sheekada, laga yaabee in aad u malaynayso in aan ka hadlayno gabar waalidkeed guurkeeda lacag ku qaatay, maya taasi ka hadli meeyno, waa qiso layaab leh.
Ma aamineysid marka aad u dhacdo dulucda sheekada, wiil dhalinyaro ah ayaa Paltalk-ga (aalad internet-ka ka mid ah oo lagu haasaawo) ka bartay gabar soomaaliyeed oo dibadaha ku nool, muddo ayay wada sheekeysanayeen oo shukaansi iyo sheeko wadaag ahaayeen.
Muddo kadib waxaa la gaaray xiligii la guran lahaa mirihii jacaylka, waxaa lagu heshiiyey in gabadha timaado halkan oo la’is guursado, laakiin markii ay gabadha tahay inay soo ambobaxdo ayuu wiilkii ogaaday da’deeda oo ahayd mid aad oga weyn tii ay sheegatay.
Tallo ayaa ku cadaatay, wuxuu sameeyo ma garanayo, ma xumeyn karo mana xalaaleysan karo oo waa qof aad uga weyn, maalinkii dambe ayaa waxaa kusoo dhacay fakir cajiib ah, oo waa maxay?
Hoteel uu degenaa ayaa waxaa la degenaa mid buufis madax maray oo ku waashay haweenka dibada jooga, malaha markaas ayuu tuulada kasoo baxay oo waa uu kululaa, wiilkii gabadha u imanaysay wuxuu arkay fursad ah in uu gabadha ka qarxisan karro ninkani hororka ah.
Wuu u yeerey, sheekadii ayuu u sheegey, wuxuuna ka dhaadhiciyey in uu gabadha ku wareejiyo, oo isaga u imaanayso gabar kale, ayna jiraan rag kale oo lacag diyaar la ah, wuxuu u sheegey in haddii uu doonayo in booskani uu galo ay fursad u tahay oo uu durbo dhoofayo, laakiin uu bixiyo lacag R40 kun dhan.
Waa uu ogolaaday kii kale, waana la gorgortamay, waxaa lagu heshiiyey in uu bixiyo R30 kun oola dhigayo meel xawilaad ah marka uu gabadha guursadana la siinayo kan kale , kadib muddo 2 todobaad ah waxaa wiilkii la barayay sheekadii kadhaxaysey wiilka iyo gabadha, mudadaas 2da todobaad ah ayaa laga bixiyey tabobar layaab leh oo ku saabsan wax alaale wixii hadal ahaa ee labada qof dhex maray.
Maba ahan wax maskaxda caadiga ah ay ka fikiro karto, waana wax ay adagtahay in la rumeysto, laakiin waa qiso dhacday.
Markii ay gabadhii soo degatay waxaa garoonka ka dooney kii iibsaday, soona qaaday, gabadha waxbo meeysan dareemin maadaamaa aysan wiilka horey u arag sawirkiisa, waayo iyada meeysan ogoleyn in sawirkeeda ay dirto ama sawir gasho oo gabar wadaad ah ayay ahayd, isaguna sawir umaba dirin iyaduna kama codsan.
Habeenkiiba dambaba meher ayaa qac laga siiyey, waana la aqal galay, haddii dhowr habeen la’isla hoydey ayaa laga sheekeystey waxyaalihii hore ee dhexmaray, ma iyagaaba ah wax lasoo koobi karro,kow iyo labbo haddii sheekada la wadayba wiilkii gabi ayuu kolba ka dhacaa.
Gabadhii shaki ayaa loo taagay, waxay gashay “war maxaa ku heley, miyaadan hebelkii aan aqiiney ahayn, sidee wax kaa yihiin, mise gadaasheey ayay maskaxdii kaa masaxantay”, markii dambe waxay ogaatay magaciisa dhabta ah oo dabcan ka duwan ninkii ay taqiiney, codkii ma ahan kii hore, kaftankii iyo haasaawihii iyo waliba dabeecadii ma ahan wixii ay taqiiney, tallo ayaa ku cadaatay.
Habeenkii dambe ayay dhaarisey, kuna kashiftey arrinta, howshiina waa ku cadaatay, gabadhii waxay dib u laqi weeysey waxa lagu sameeyey, haddii ay ninkeeda iska sii heysan lahayd ma ahan nin dhaqan ujeed ah ee waa nin dhoof doon ah oo doonaya markii ay halkaasi geeyso in uu furo, kaaga sii darane waa ninka wax ka maleegey qayaanada heerkaasi la’eg.
Kalarka ayay ku dhegtey, waxayna ugu hanjabtay in ay xireyso haddii uusan dalaaqin, isagiina halkii ayuu ku furey waayo waxay awoodey in ay xirto sanooyin badan.
Gabadhii oo dhulku la wareegayo oo shalaay joogta ayaa dalka ka laabatay
Maxamed Deeq Muuse Nuur
(Deeqdarajo100@hotmail.com)