Dowlada Puntland ayaa la sheegay in ay ka codsatay dowlada Soomaaliya, in kaalinta la dagaalanka burcad badeeda ee Soomaaliya, ay dowlada Puntland hogaanka u qabato.
Wararka kasoo baxaya wadahadalka Dowlada Federaalka iyo Puntland ee magaalada Gaalkacyo ka socda, ayaa sheegaya in Dowlada Puntland qeexday in arrimaha Burcad badeedka Soomaaliya ay inta badan dhulkeeda ka dhacaan, sidaa daraadeedna ay la wareegto dhamaan qorshayaasha la dagaalanka Burcad badeeda ee dalka Soomaaliya.
Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa dhawaan bilowday tababaro ay sheegtay inay siineyso ciidamada illaalada bada, waxaana horey u jiray qorshe caalami ah oo dowlada Soomaaliya loogu balan qaaday dhaqaale kor u dhaafaya 200 oo milyan oo Dollar, oo loogu talo galay amniga gaar ahaan la dagaalanka Burcad badeeda iyo sameynta ciidamo Qaran.
Dowlada Puntland ayaa hada u muuqata inay dooneyso inay la wareegto arrimaha la dagaalanka burcad badeeda, middaasi oo keeni karta in dhaqaalaha loogu talo galay arrimahaasi la dagaalanka burcad badeeda dhinaca Puntland loo wareejiyo.
Ma jiraan wax tafaasiil rasmi ah oo kasoo baxay weli wadahadalka oo socda, ayadoo ay jiraan guddiyo sadex ah oo ay labada dhinac ee Federaalka iyo Puntland laga xulay kuwaasi oo ka munaaqashoonaya arrimaha badan ee labada dhinac ka wadahadlayaan.
Waxaan asaguna ka maqan Wafdiga Dowlada Federaalka iyo wadahadalkan Gaalkacyo ka socda, Ra’iisul wasaare ku-xigeen ahna Wasiirka Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda: Prof. Cabdi-raxmaan Aadan Ibraahim (Ibbi) oo asagu horboodayey ololaha ay dowlada Federaalka caalamka uga codsatay dhaqaalaha iyo taageerada dhinaca la dagaalanka burcad badeeda.
Dhinaca kale Dowlada Puntland ayaa dood weyn ka keentay adeegsiga magaca (Dowlada Midnimo Qaran), magacaasi oo ay dowlada Puntland sheegtay inuu meel ka dhac ku yahay Dastuurka Federaalka Soomaaliya ee dowlada Puntland qeyb ka tahay.
Wararka kasoo baxaya kulanka ka socda Gaalkacyo ayaa sheegaya, in Wafdiga uu hogaaminayo Raysalwasaare Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke ayaa ayagu sheegay in eraygaasi saxaafada ka maqleen, isla markaana aysan ogeyn meel magacii looga bedalay dowlada Federaalka Soomaaliya.
Puntland oo codsatay inay hogaamiso la dagaalanka Burcad bad
Moderator: Moderators
- sheekh-Farax-zero
- SomaliNet Super
- Posts: 7590
- Joined: Sat Apr 05, 2008 9:04 am
- Location: pppppppp
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 21 Replies
- 2848 Views
-
Last post by Django
-
- 0 Replies
- 279 Views
-
Last post by LiQaaye_TDH
-
- 0 Replies
- 450 Views
-
Last post by FBISOMALIA
-
- 11 Replies
- 1048 Views
-
Last post by Samatr
-
- 4 Replies
- 528 Views
-
Last post by thegoodshepherd
-
- 2 Replies
- 239 Views
-
Last post by AyeeyoH
-
- 5 Replies
- 445 Views
-
Last post by Brav3Heart
-
- 3 Replies
- 269 Views
-
Last post by The_Emperior5