Go'aamo ka soo baxay kulamadii madaxda dawladda Puntland iyo waftiga R/wasaare Sharmaarke.
[Akhris ...]
Galkacyo, Aug 19 - Waxaa maanta lagu wada in ay si rasmi ah u soo gaba-gaboobaan kulamadii u dhaxeeyey madaxda sar sare ee dawladda Puntland iyo waftigii dawladda federaalka ah ee Soomaaliya ee uu hoggaaminayey R/wasaare Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke.
Kulamadaan oo si rasmi ah u bilawday maalintii Talaadada ahayd ee shalayto ayaa lagu lafo gurayey sida ugu wanaagsan ee labada dawladood isku kaashan-karaan, isla markaana u sii xoojin karaan xiriir wanaagsan ee ay haatan leeyihiin.
Labada dhinac ee Puntland iyo dawladda Soomaaliya, ayaa kulankoodaasi oo ahaa mid toos ah waxaaa uu qaatay muddo saacado badan ah oo ay ka wada hadlayeen arrimo taabanaya dhincyada ammaanka, siyaasadda, dhaqaalaha, isku xirka hay’daha dawliga ah, is waafajinta shuruucda dalka iyo waliba iskaashi buuxa oo labada dawladood isku xulufaystaan.
Labada dhinac ee Puntland iyo waftiga R/wasaare Sharmaarke, ayaa la tilmaamayaa dhammaanba waxyaabihii ay isla soo qaadeen in ay isku afgarteen isla markaana si wanaagsan la iskugu waafaqay habka loo dhigayo waxyaabaha muhiimka ah laga wada hadlay.
Waxaana gaba-badii shirkooda la qabtay, Saddex guddi farsamo oo loo xulay in ay ka soo talo bixiyaan dhammaan waxyaabihii la isla soo qaaday ee ay labada dawladood ka wada hadleen.
Guddiga 1-aad ayaa ah guddi loo xilsaaray ka soo talo bixinta arrimaha siyaasadda soo jaangaynta dhammaan wixii la xiriira arrimaha siyaasadda.
Guddiga 2-aad waxaa isna loo xilsaaray in uu ka soo talo bixiyo wixii la xiriira ammaanka iyo shuruucda dalka iyo sidii la isku waafajin lahaa, taas oo loo dhigayo hab biyo kama dhibcaan ah labada dawladood ku wada shaqayn doonaan.
Guddiga 3-aad ayaa ah guddi isna sidoo kale ka soo talo bixin doona arrimaha bulashada iyo dhaqaalaha, waxaana isla maanta la filayaa guddiyadaasi in ay soo dhammaystiraan waxyaabihii loo xilsaaray si markaasi kadib loo soo saaro go’aamo muujinayey waxyaabihii labada dawladood ku heshiiyeen ama isla meeldhigteen.
Sida ay tilmaamayaan wararka aan la helayno qaar ka mid ah mas’uuliyiinta wada hadalladu u dhaxeeyaan, waxaa suurto gal ah markii go’aamadaasi soo baxaan in uu gabo-gaboobo socdaalkii R/wasaare Shrmaarke ee deegaannada Puntland, kadibna uu dib ugu laabto magaalada Muqdisho oo ay markii hore ka soo kicitimeen.
C/fitaax Cumar Geeddi,
Idaacadda Daljir.
Go'aamo ka soo baxay kulamadii madaxda dawladda Puntland & T
Moderator: Moderators
- sheekh-Farax-zero
- SomaliNet Super
- Posts: 7590
- Joined: Sat Apr 05, 2008 9:04 am
- Location: pppppppp
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 0 Replies
- 4076 Views
-
Last post by CoolPoisons
-
- 29 Replies
- 1998 Views
-
Last post by maryandagan
-
- 6 Replies
- 649 Views
-
Last post by Somali-Transporter
-
- 2 Replies
- 687 Views
-
Last post by Babygirl-
-
- 3 Replies
- 630 Views
-
Last post by quark
-
- 6 Replies
- 521 Views
-
Last post by LusciousBella
-
- 0 Replies
- 290 Views
-
Last post by FBISOMALIA
-
- 0 Replies
- 323 Views
-
Last post by FBISOMALIA
-
- 0 Replies
- 223 Views
-
Last post by MrPrestige
-
- 0 Replies
- 273 Views
-
Last post by FBISOMALIA