Ceerigaabo: Ma Oggolin Muddaharaad Halkan laga dhigo
Moderator: Moderators
- Bohol iyo karaman
- SomaliNet Heavyweight
- Posts: 1060
- Joined: Sat Dec 03, 2005 12:37 pm
- Location: Is'argoof> Inta Sacad Yoonis dhaqaan yahay Sidaan falaaba ii furan
Ceerigaabo: Ma Oggolin Muddaharaad Halkan laga dhigo
Ceerigaabo: Ma Oggolin Muddaharaad Halkan laga dhigo
Tuesday, 18 August 2009
Shir balaadhan oo shalay lagu qabtay fagaaraha beerta xorriyadda magaalada Ceerigaabo oo lagaga hadlay arrimo dhawr ah ayaa laga sheegay marnaba in aanay halkaas (Ceerigaabo) ka dhici doonin muddaharaadyo lagu taageerayo baaqii ka soo yeedhay guddoomiyayaasha axsaabta mucaaradka (Kulmiye iyo Ucid) ay ku sheegeen in taageerayaashoodu si wada jir ah muddaharaad u soo bixi doonaan dhawaan.Shirkan oo ay soo abaabuleen maammulka heer-degmo ee xisbiga Udub ayna ka soo qayb galeen dhammaan taageerayaasha Udub degmada Ceerigaabo, madax-dhaqameedyada iyo waayeeelka beelaha reer Sanaag iyo dadweyne kale oo aad u tiro badani ayaa waxa iyaguna goob joog ka ahaa wasiir-ku-xigeenka caddaaladda Yuusuf Ciise (Tallaabo), Maayorka Ceerigaabo Md-Ismaaciil Xaaji Nuur iyo intooda badan madaxda laamaha dawladda ee Ceerigaabo.
"Bannaan-baxyada warbaahinta laga sheegayo ee loo muddeeyay Khamiista waa waxba kama jiraan cid kastaana waa in ay sidaas u ogaataa waayo". Sidaas waxa hadalkiisa ku bilaabay wasiir-Tallaabo, isagoo hadalkiisa sii watana wuxu yidhi "Muddaharaadku waa in uu leeyahay qodobbo sharci oo la waafajiyo iyo heshiis iyo dammaanad intaba, axsaabta qarankana mid kastaaba maalin ayuu leeyahay maalintiisa halkan ha yimaaddo oo wixii uu rabo ha ka sheego, laakiin muddaharaad kale oo dadka layskaga hor keeno oo rabshado ka dhashaan marnaba ma oggolin in ay halkan ka dhacaan waayo taasi waxay waxyeellaynaysaa nabadgelyada". Issagoo ka hadlaya isu soo baxa manta ay soo abaabuleen maammulka Udub ee heer degmo iyo hadallo sheegaya in uu jiro khilaaf u dhexeeya heer-degmo iyo heer-gobol xisbiga Udubna wuxu yidhi "Walow manta aanay ahayn maalmihii xisbiga Udub in badanna dadku soo wadeen hawshan oo cid ku haysataba ay waayeen waxay u arkeen xisbiyadii kale in ay khadkaba ka bexeen". "Maammulkan degmada ee Udub ee halkan laga sheegay iyo kan gobolka labaduba waa Udub sida loo midaynayana waa mid annaga noo taalla, waayo dhammaantood waa isku Udub".
Maayorka degmada Ceeigaabo Ismaaciil Xaaji Nuur oo isaguna fagaarahan ka hadlay ayaa waxa hadalladiisii ka mid ahaa "Cid alla iyo ciddii nabad doonaysa ayaannu rabnaa, diyaarna uma nihin wax fidmo gobolka iyo degmadan Ceerigaabo ka dhacda, dadweynaha reer Ceerigaabona taas ayaan kula dardaarmayaa, waana tan sharciga u ah Udub nabadgelyo iyo horumar in lagu shaqeeyo". Isagoo ka hadlaya axsaabta qarankana wuxu yidhi "Saddexda xisbi-qaran ee dalka ka jiraa waa u siman yihiin xuquuqda dalka, waxana foodda innaku soo haya tartan doorasho xoogaaga khilaafka ku saabsan sida doorashada loo gelayona sidii Somaliland looga bartay wada hadal iyo nabadgelyo in ay ku dhammaato ayaynu filaynaa". "Kubbadda garoonkaas taalna ninkii ilaahay u gartay ayaa goolka dhalinaya waana in loo haneeyaa kaas". Isagoo ka hadlaya reseefarka iyo diiwaangelintana wuxu yidhi "Aniga gurigayga dhallinyarada joogta qaarkood aan qaan-gaadhba ahayn ayaa haysta inta u dhexaysa 20-30 kaadh markaa taasi wax la qaadan karo ma ahee doorashada sideennii hore ayaynu ku gelaynaa uguna diyaargaroobaynaa, doorashadan oo nabadgelyo innooku qabsoontaana waxaynu ku heli karnaa ictiraafka aqoonsiga Somaliland".
Waxana maayorku halkaas uga mahad celiyey maammulka Udub ee degmada Ceerigaabo sida ay usoo abaabuleen kulankan iyaguna usoo bexeen oo u muujiyeen shucuurtooda xisbinnimo ee waddaninnimada leh, isagoo sidoo kalena halkaas uga duceeyey ilaahay in uu abaarta ka saaro guud ahaan gobolka Sanaag.
Guddoomiyaha Udub degmada Ceerigaabo Saalax Colaad Jaamac oo isagu halkaas ka hadlay ayaa dhiniciisa sheegay iyadoo ah markii ugu horraysey ee maammulka iyo taageerayaasha heer degmo ee Udub sedan oo kale usoo baxaan in ay mar kasataba xarumaha xisbiga iyo laamaha hoos yimaadda iyo taageerayaashooda iyo cid kastaba kula shaqaynayaan nabadgelyo iyo isku duubnaanta xisbiga ayna lagama maarmaan tahay sida xarumaha degmooyinka kale ee xisbigan iyaguna in ay u dhisnaadaan una soo baxaan maalmahooda.
Chief-caaqil Xuseen Xasan Cali oo isaguna ka mid ahaa madax-dhaqameedyadii halkaas ka hadlay ayaa yidhi "Tartan weligiis ayuu soo jirey balse waa in nabadgelyada la ilaaliyo oo aflagaaddooyinkana layska dhawro, mana dhacaysoo oo marnaba ma oggolin tartanka axsaabta siyaasadda in lagu waxyeelleeyo jiritaanka Somaliland". "Madaxweynaha iyo kuxigeenkiisa iyo baarlammaankaba waxa loo doortay in ay dalka si wanaagsan u hoggaamiyaan, khilaafka siyaasadeed ee jira isagana waxaynu maqalnay guddiyo ayaa wada wayna iska dhammaan doonaan". Axsaabta mucaaradka iyo kaadhadhkii diiwaangelinta isagoo ka hadlayana wuxu yidhi "Axsaabta mucaaradka waxan leeyahay idinkaaba u gacan baxsane dadka kaxaysta laakiin dagaal waxba ha ku doonina". "Kaadhadhkii diiwaangelintana sida saanbuusaha ramadaanka ayaa suuqa loogu iibinayaa oo wax la raaci karo marnaba ma aha".

- salafi_student
- SomaliNet Heavyweight
- Posts: 2223
- Joined: Mon Dec 19, 2005 3:47 pm
- Location: If you would only listen, I can educate you!
Re: Ceerigaabo: Ma Oggolin Muddaharaad Halkan laga dhigo
Ma ictiraaf baa soo dhow? lol
- Khalid Ali
- SomaliNet Super
- Posts: 32728
- Joined: Mon Oct 18, 2004 11:03 am
- Location: Suldaan Emperior Gacanyarihisa
Re: Ceerigaabo: Ma Oggolin Muddaharaad Halkan laga dhigo
Bohol ceerigabo maxay sheegaysa haday rabban udub ha tageeraan somailand hargeysa iyo burco laga mamuula
mudaharaadku halka wa ka dhacaya 

- salafi_student
- SomaliNet Heavyweight
- Posts: 2223
- Joined: Mon Dec 19, 2005 3:47 pm
- Location: If you would only listen, I can educate you!
Re: Ceerigaabo: Ma Oggolin Muddaharaad Halkan laga dhigo
War khalid waran ina adeer....?
- Bohol iyo karaman
- SomaliNet Heavyweight
- Posts: 1060
- Joined: Sat Dec 03, 2005 12:37 pm
- Location: Is'argoof> Inta Sacad Yoonis dhaqaan yahay Sidaan falaaba ii furan
Re: Ceerigaabo: Ma Oggolin Muddaharaad Halkan laga dhigo
khalid ali dee malaha mudaharaadku futadaadanaa waa kaa dhacayaa hadaa 

- Khalid Ali
- SomaliNet Super
- Posts: 32728
- Joined: Mon Oct 18, 2004 11:03 am
- Location: Suldaan Emperior Gacanyarihisa
Re: Ceerigaabo: Ma Oggolin Muddaharaad Halkan laga dhigo
Bohol iyo karaman wrote:khalid ali dee malaha mudaharaadku futadaadanaa waa kaa dhacayaa hadaa
waad caytamaysa say wax ka noqdeen sxb

- Bohol iyo karaman
- SomaliNet Heavyweight
- Posts: 1060
- Joined: Sat Dec 03, 2005 12:37 pm
- Location: Is'argoof> Inta Sacad Yoonis dhaqaan yahay Sidaan falaaba ii furan
Re: Ceerigaabo: Ma Oggolin Muddaharaad Halkan laga dhigo
Khalidow Somaliland ma waxad uu taqaan Burco iyo Hargeysa?
Mase Ogtahay Kuwaa Ceerigaabo Kaa taliyaa in ay Hargeysa, Burco iyo wadankoo dhan ka taliyaan?
Mase Ogtahay Kuwaa Ceerigaabo Kaa taliyaa in ay Hargeysa, Burco iyo wadankoo dhan ka taliyaan?
- Khalid Ali
- SomaliNet Super
- Posts: 32728
- Joined: Mon Oct 18, 2004 11:03 am
- Location: Suldaan Emperior Gacanyarihisa
Re: Ceerigaabo: Ma Oggolin Muddaharaad Halkan laga dhigo
Bohol iyo karaman wrote:Khalidow Somaliland ma waxad uu taqaan Burco iyo Hargeysa?
Mase Ogtahay Kuwaa Ceerigaabo Kaa taliyaa in ay Hargeysa, Burco iyo wadankoo dhan ka taliyaan?
wayaa kuwaa ceerigabo ka talliya eeh wadanka oo dhan ka talliyaa

daahir riyaale iyo xukumadiisa walugu mudaharadaya dastuurka somaliland wuu fasaxaya mudaharaad shacabku haday see rabban

- Bohol iyo karaman
- SomaliNet Heavyweight
- Posts: 1060
- Joined: Sat Dec 03, 2005 12:37 pm
- Location: Is'argoof> Inta Sacad Yoonis dhaqaan yahay Sidaan falaaba ii furan
Re: Ceerigaabo: Ma Oggolin Muddaharaad Halkan laga dhigo
Mudaharaad ma'ahee waa macno uu mudaharaad, dastuurkunaa ma'ahaa waxa afkun lagaayidhaaho ee waxa lagu dhaqmo oo sidaytahay loo isticmaalo inadeer, shacabkaa somaliland dawladbaa masuulka ah oo ay doorteen ilaa iyo intaa laa bedelaayonaa waxa wadankaa kaa taliyaaa xisbigaa Udub iyo xukumaada Daahir Riyaale not Kulmiye and Ucid.,
Lomanaa bahnaa shacaab maskaxdaa lagaa bedelo oo laa yidhaahdoo mudahaaraadaa, Mudaharad aan laa akhon ujeedo uu leeyahay.
Lomanaa bahnaa shacaab maskaxdaa lagaa bedelo oo laa yidhaahdoo mudahaaraadaa, Mudaharad aan laa akhon ujeedo uu leeyahay.
- Khalid Ali
- SomaliNet Super
- Posts: 32728
- Joined: Mon Oct 18, 2004 11:03 am
- Location: Suldaan Emperior Gacanyarihisa
Re: Ceerigaabo: Ma Oggolin Muddaharaad Halkan laga dhigo
Bohol iyo karaman wrote:Mudaharaad ma'ahee waa macno uu mudaharaad, dastuurkunaa ma'ahaa waxa afkun lagaayidhaaho ee waxa lagu dhaqmo oo sidaytahay loo isticmaalo inadeer, shacabkaa somaliland dawladbaa masuulka ah oo ay doorteen ilaa iyo intaa laa bedelaayonaa waxa wadankaa kaa taliyaaa xisbigaa Udub iyo xukumaada Daahir Riyaale not Kulmiye and Ucid.,
Lomanaa bahnaa shacaab maskaxdaa lagaa bedelo oo laa yidhaahdoo mudahaaraadaa, Mudaharad aan laa akhon ujeedo uu leeyahay.
Mala waad yara caqli xuntahay waxa meesha la isku hayo waxa weyaan inay doorasho dhacdo diiwaangelieysan taassa laga mudaharaadayaa, wax kalle maha daahir riyaale maxa loogu kordhiye iyo axmed yusuf yasin waxay ahayd inay doorasho diiwaangeliyesan dhacdo imikana diiwaangelintii bay daaqada kala baxeen

-
- SomaliNet Super
- Posts: 5229
- Joined: Fri May 25, 2007 6:39 pm
Re: Ceerigaabo: Ma Oggolin Muddaharaad Halkan laga dhigo
bunch of dugmoo who is trying to ratify a fraudilent registered where some people registered more than 20 times.
sometimes i believe gabiil-land is on constant high with mirqaan.
allah meeshaa maxaa nacasnimoo tallaa
sometimes i believe gabiil-land is on constant high with mirqaan.
allah meeshaa maxaa nacasnimoo tallaa
- Khalid Ali
- SomaliNet Super
- Posts: 32728
- Joined: Mon Oct 18, 2004 11:03 am
- Location: Suldaan Emperior Gacanyarihisa
Re: Ceerigaabo: Ma Oggolin Muddaharaad Halkan laga dhigo
alla meesha maxa meyd qudhunbiirsiii yaaladjibsomali wrote:bunch of dugmoo who is trying to ratify a fraudilent registered where some people registered more than 20 times.
sometimes i believe gabiil-land is on constant high with mirqaan.
allah meeshaa maxaa nacasnimoo tallaa

-
- SomaliNetizen
- Posts: 338
- Joined: Fri Apr 10, 2009 3:14 am
- Location: nin sahan tagay oo u dhexeeya Gaashamo, Danood iyo Wardheer.......
Re: Ceerigaabo: Ma Oggolin Muddaharaad Halkan laga dhigo
Qaanis kan yar yaa dadka ka gabta, the entire Habar Awl only have 1 degmo to themselves thats Gabiley, inta kale Berbera, Harigesa, Shiekh, Bulxaar you share with either HY or Ciidegale.khalid ali wrote:Bohol ceerigabo maxay sheegaysa haday rabban udub ha tageeraan somailand hargeysa iyo burco laga mamuulamudaharaadku halka wa ka dhacaya
Dont you know that the people who made Somaliland are from Ceerigabo; whilst you grandfather Sprayed his ass with Dinna, others conquererd land!
1. Firstly, Shiekh Issaaq is buried in Degmada Habar Yoonis ee Maydh were HY are the Royal Guardians sibaa Reer Jibril Aden (Musa Carre)
2. Secondly, before Somaliland there was Ottomon Somaliland made by nin Musa Carre ah after he conqurered Zaylac the fomer rulers and who was the 1st Islamic Ottomon King/Boqor Sharmaarke Haji Salaax and his son Boqor Maxamed Boqor Sharmaark Haji Salaax. He was nin Reer Maydh i.e. his father was born. So without Reer Ceerigabo and Maydh there would be no Somaliland as we now it if it did not start from this emborical age of Ottomon Somaliland.
3. The man who made British Somaliland was Boqor Maxamed Boqor Sharmark Haji Salaax, after his father died, he signed all treaty's concerning (all Issaq land)i.e. Somaliland to the English as long the Musa Carre had controlling power in the new Brtish Somailand.
4. Raslader Musa Farah Igarre was the ranking Somali in British Somaliland, he was sought off like the Emir of the Brtish Protectoriate, Ina Igarre was the one that the English gave supreme power in direct orders of Boqor Maxamed, he was the guy who really controlled Brtish Somaliland, that why his said his tuulo "Burao" would be the captial of Somaliland. He was nin Musa Carre that can also trace his family to Maydh and Ceerigabo.
5. Ninka Sacad Yoonis iyo Musa Carre waa nimanka kaa haya Harti oo dhan waa Warsangalli,waa Dhulbante, waa Majeerteen, because HY cuts in between HJ and Dhulbante also Harti, so HJ hardly see Dhilos now. Most of Dhilos and Harti see HY so without secure boaders how do you think that Somaliland is going to work or is you notion of Somaliland anything West of Hargeisa and anything East of Burao. Because the same Hargeisa and Burao you talk about? is it about? HY land from East Hargeisa ilaa Halaya ilaa Aw Barkdale ilaa Banaderwanag, ilaa Cadadley ilaa Go'da near Berbera ilaa Haro Shiekh ilaa Oodweyne ilaa Ceel xume then the last town Burao ilaa Shiekh ilaa Duruqsi on the boader waa HY. So what is the Hargeisa and Burao you talk about Harshin Boy? Simple without Eastern HY, Ceeerigabo, Oog, Guumays, Yeyle, Bohol, Dararweyne there is no Somaliland

Maarka, ninkan Bohol waa ku Boqor warka tahay nin langab oo Habar Awl, oo tariikhna ka tahay langab, suuganta ka tahay langab, aaduuna ka tahay Qaanis ka tahay

Last edited by Burao_Media on Thu Aug 20, 2009 5:23 am, edited 1 time in total.
-
- SomaliNet Super
- Posts: 5229
- Joined: Fri May 25, 2007 6:39 pm
Re: Ceerigaabo: Ma Oggolin Muddaharaad Halkan laga dhigo
khalid ali wrote:alla meesha maxa meyd qudhunbiirsiii yaaladjibsomali wrote:bunch of dugmoo who is trying to ratify a fraudilent registered where some people registered more than 20 times.
sometimes i believe gabiil-land is on constant high with mirqaan.
allah meeshaa maxaa nacasnimoo tallaa![]()
hoyadadee langaabkaa hayayd ee gabiley reer nuur kuu ku wasay silkaydee la shakaysoo nacasyahoo
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 6 Replies
- 761 Views
-
Last post by salafi_student
-
- 27 Replies
- 3502 Views
-
Last post by AlpArsalan
-
- 37 Replies
- 17266 Views
-
Last post by udun
-
- 3 Replies
- 813 Views
-
Last post by kaliil
-
- 1 Replies
- 395 Views
-
Last post by The_Emperior5
-
- 10 Replies
- 440 Views
-
Last post by LionHeart-112
-
- 19 Replies
- 3193 Views
-
Last post by SuldaanOfSanaag
-
- 0 Replies
- 1366 Views
-
Last post by XidigtaJSL
-
- 5 Replies
- 1236 Views
-
Last post by FieldMarshalMenace
-
- 22 Replies
- 2954 Views
-
Last post by Goljano Lion