

Puntland to be HQ for Somali National Navy: part of agreement With Somali's Federal Goverment.



The days when the whole resources of the country were based in Mogadishu are long over.
PL oo laga dhigayo xarunta ciidamada Badda Somalia
19 Aug 19, 2009 - 11:45:06 AM
Warar hordhac ee soo gaarey Garowe Online ayaa sheegaya in guddiga amniga ee matalaya Puntland iyo Federaalka gaareen goáamo ku wajahan burcad badeedka iyo Dastuurka.
Guddigaan ayaa isla gaarey madaama Puntland noqotey goob ay ka howlgalaan burcad badeedka Somaliyed inteeda badan in xarunta Ciidamada Badda Somaliyed laga dhigo Puntland islamarkaana saldhig u noqon doonto dhamaan ciidamada la dagaalami doona kooxaha baddaha ka qowleysta.
Gudigan aya dhinaca isla gaarey in si deg deg ah loo magacaabo dadkii diyarin lahaa Dasturka Federalka ah ee Somalia iyada oo la tixracayo Axdi qaramedkii lagu gaarey wadanka Kenya 2004.
Qodobada guddigaan isku afgarteen ayaa waxaa kamid ah in MGPL u taagan tahay maamul goboleeyada Somalia iyada oo xarunta guddigaan ku shaqeyn doono laga dhigi doona magalada Garowe iyada oo dowladda Puntland bixin doonto kharashkiisa.
Goanka guddigan isla-gareen ayaa wararka hordhaca ah ee kasoo baxaya xusayan in leysla gaarey in Puntland inta ka horeysa ee la dhisayo maamul goboleedyada kale ee Somalia oo lamid ah ay heshiis la gali karto dhamaan hay'adaha caalimiga ah kuwooda ganacsi iyo deeq bixin-ba iyada dowladda Fedraalka ka warqabi doonto.
In Passoporka Somalia ee cusub la dhiiri galiyo lana hirgaliyo iyada oo magaca laga badalayo lagana dhigayo dowlada Federalka ee Somalia kaas oo xaruntiisa loo soo rari doono wadanka gudihiisa.
Heshiisyada guddiyada kala duwan ee Puntland iyo Feraalka gaari doonaan ayaa la filayaa in la shaaciyo sacadaha soo socda iyada oo guddiga Siyaasada, dhaqaalaha iyo waxbarashada go'aamadoodana gaari doonaan.