
B/xaawo: Al- Shabaab oo ku labo kacleeyey Barre Hiiraale, dibna uqabsaday Degmada Balad xaawo.
19. august 2009
APL
Tool
Send This Article To A Friend By Email | Saaxiibkaa warkaan ugu dir Email
--------------------------------------------------------------------------------
Print This Article | Daabaco warkaan
Balad-Xaawo(AllPuntland)- Dagaalyahanada Ururka Al- Shabaab ayaa dib uqabsaday magaalada Balad-Xaawo ee gobalka Gedo, halkaasi oo ay labo maalin ka hor la wareegeen Kooxo taabacsan dowladda Faderaalka ee Soomaaliya.
Maleeshiyo ka tirsanaa kooxihii qabsaday magaalada ayaa iskaga baxay magaalada markii ay soo gaareen wararka sheegaya in ay ciidamo badan ku soo wajahan yihiin magaaladaasi, waxaana sidoo kale jira warar sheegaya in ay Al- Shabaab doonayaan dagaal abaabulid hor leh oo baaxad weyn.
Al- Shabaab iyo Ahlu Suna ayaa ku dagaalamay magaalada gudaheeda, waxaana wararku ay sheegayaan in ay ku dhinteen dad gaaraya 6 lix, sida ay wararku xaqiijinayaan waxaana sidoo kale dhaawacmay dadka deegaanka qaar ka mid ah.
Talaabooyinka ay Al- Shabaab qaadeen ayaa ah kuwa ay doonayaan in ay ku wiiqaan awooda kooxaha ka soo horjeeda maamulkooda, oo ay ka mid yihiin ciidamo maalmihii ugu dambeeyey qabsaday deegaano ka mid ah gobalka Gedo ee dalka Soomaaliya.
Kama aysan farxin talaabadan dowladda Faderaalka ee Soomaaliya oo ay dhawaan taageerayaasheeda ciidamo ah ay qabsadeen deegaanadaasi, balse galabta laga qabsaday markale taasoo ku noqotey filan waa.