http://www.somalimirror.com/2009/08/21/ ... /#comments
Al-Shabaab & Xisbul Islaam oo Sheegtay inay la wareegeen Maxaas &Wabxo.
Xarakadda Shabaabul Mujaahidiin iyo Xisbul islaam ayaa Sheegtay inay la wareegeen gacan ku haynta Deegaanka Wabxo, Sidoo kalana ay iska Caabiyeen 2 Weerar oo ay Kooxda Sheegata Ahlu Sunnah Wal Jameeca ku soo qaadeen Degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan.
Afahayeenka Xarakadda Shabaabul Mujaahidiin Sheekh Cali Maxamuud Raage oo Shir jaraa’id u qabtay Warbaahinta Muqdisho Qaarkood ayaa Sheegay in Xalay iyo Saakaba lagu soo weeraray Maxaas isla markaana ay ku jabiyeen xoogagii soo weeraray, isaga oo ka warbixinaya Maxaas iyo Wabxana waxa uu yiri“Dagaaladii ka socday Wadanka Soomaaliya gaar ahaan Goboladda Dhexe iyo Gedo Meeshaas ayuu ku dhamaaday Meeshii ugu danbeysay Xalayto ayaa waxay soo weerareen Magaalada Maxaas Nimankii Murtadiinta ahaa ilaahay SW waa ku Jabiyay Saaka ayay hadana mar kale soo weerareen, iyaga oo kala kulmay Khasaare aad iyo aad u ba’an, markii uu jabkaa Labaad ku dhacay iyaga oo Bakhtigoodii iyo Dhaawacoodii wata, ayaa waxay tageen Wabxo oo Qiyaastii 30 KM wax ka yar u jirta Maxaas, halkaas oo ay kuwii kale ee Joogay oo ay mujaahidiintu kuurka ugu jireen oo ay rabeen inay iyagana Khasaaro Ba’an ku dhigaan ayaa waxay u sheegeen in la daba joogo oo ay soo Jabeen Dhaawac iyo Bakhtina ay sidaan,. Iyagii oo aan hakanin ayay hadana Wabxadii laftigeedii ka sii carareen, ilaahay Mahdii Mujaahidiintu waa ay iskaga soo laabteen”.
Sheekh Cali ayaa sheegay inay Xoogagii ay ka qabsadeen Deegaanadaasi ay u carareen Dhinaca Guri-ceel iyo Nawaaxigiisa, isaga oo arimahaasi ka hadlayana waxa uu yiri“Nimankii Murtadiinta ahaa waxay u carareen Meelihii ay ka yimaadeen oo Guri-ceel iyo Agagaarkiisa ahayd, ilaahay baa ku mahadsan”.
“Taasina waxay ahayd Jabkii ugu danbeeyay ee Gaaray Nimankaa Murtadiinta ahaa iyada oo ay Dhamaatay dhamaan Abaabulkii ay Bilahan ka soo shaqeynayeen mudo dheerna ay Kharash iyo Juhdi ku bixiyeen”. Ayuu yiri Cali Dheere.
Sidoo kale Sh Muuse Cabdi Carraale oo ah Xogahaya Gaashaandhiga u Qaabilsan Xisbul Islaam Ayaa Sheegay in Ciidamadoodu la Wareegeen Deegaanka Wabxo ee hoostagta Degmada Ceel-Buur halkaa oo ay Maalmo ka hor Qabsadaeen Maaliishiyaadka Suufiyada.
Caraale oo u Waramayey Idaacad Shabelle ee Magaalada Muqdisho kana hadlayey Qabsashada Wabxo ayaa yiri:“waxaan rabay inaan ugu Bishaareeyo Muslimiinta iyo Mujaahidiinta meel kasta oo ay joogaan Cadawgii Ilaahey inuu ku jabay Gobolada oo dhan daraf ilaa Daraf Saacaan hada ugu Dambeeyey Waxaaa Gacanta Mujaahidiinta soo Galay Magaalada Wabxo oo Maalmihii la soo Dhaafay ay ku sugnaayeen Ciidamada Cadawga a ee ay Itoobiya soo Tababartay gaaladaas iyo Cadawgas midka ugu Weyn ee ugu Sareeyaana uu Mareykan yahay midka ugu hooseeyaana Itoobiya iyo Uganda iyo Buruundi Yahayna Hadafkooda iyo ulajeedadooda ay ka Fuliyaan Dalka Soomaaliya”.
Dhanka kale Carraale ayaa ku tilmaamay Xukunkii Dagdaga ahaa ee ay soo Rogtay DKMG ah mid lamid ah Kii hore u soo rogay C/laahi Yuusuf isla ladoonayo in lagu dhacao hantida Shacaka soomaaliyeed laguna dhiigoodana lagu baneysto.
Carraale oo ka hadlayana Xukunka Degdega ahana waxa uu yiri:“Barnaamijkaan Marshal low-ga ah Ama Xukunka Degdega ah ee la Qaatay Waxba kama Duwana kii C/Laahi Yuusuf uu Qaatay oo Itoob iya uu Rabay Dadka Dalka iyo Diintaba inuu ku burburiyo… Xadgudubka Xalay Bilowday ayaana loogu Talagalay in luugu Dhaba Xaaro oo Cid Wax isweydiisa iyo Cid kahadashaahu inaysan jirin Xaquuqda lagu Tuman Doono iyo Dadka la Baabi’in Doono iyo Dhaqaalaha labuburi doono iyo Bakaaraha oo Soomaaliya Dhaqaalaheedu ku soo Haray baa la Rabaa in lana Bililiqeysto lana Burburiyo umadaasna inta u hartay laceyma tiro waxa Xukunka Degdega ah loo soo rogay waa intaas waana intii C/laahi Yuusuf uu sameeyey”.
Balse dhinacooda Afhayeenka Xarakada sheegata Ahlu Sunnah, Sh C/raxmaan Abu-Qadi oo la hadley Idaacada Shabelle ee Muqdisho ayaa beeniyay wararka sheegaya in Xoogaga Xizbul Islaam & Xarakada Shababul Mujaahidiin oo is kaashanaya kala wareegeen Deegaanka Wabxo ee Gobolka Gal-gaduud.
Waxa uu sidoo kale sheegay in halkaa aanu ka dhicin wax dagaal ah oo lagu soo qaadey Deegaanka Wabxo wararka arintaasna sheegayana yihiin waxba kama jiraan, sida uu hadalka u dhigey.
Dhanka kalase waxa uu qirey inay dagaalo ka dhaceen Degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan kaas oo u dhaxeeyay Ciidamadooda & Kuwa Al-shabab, balse faahfaahin kama aanu bixin dagaalkaas iyo khasaarihii ka dhashey.
Geesta kale qof ka tirsan dadka deegaanka Wabxo oo la hadlayay Galabta Idaacada VOA-da qeybteeda Soomaaliga ayaa xaqiijiyay Ciidamada Al-shabab & Xizbul Islaam oo is kaashanaya inay halkaa kala wareegeen Xoogagii Suufiyada oo maalmihii ugu danbeeyay halkaa ku sugnaa.
Waxa uu goob jooguhu intaa ku darey inaaney jirin wax dagaal ah oo halkaa ka dhacey balse Ciidamada Suufiyadu si iskood ah halkaa isaga baxeen markii ay ka war heleen dhaq-dhaqaaqyada kale ee ka dhanka ah.
http://www.somalimirror.com/2009/08/21/ ... areejiyay/Ciidamada Gumeysiga Itoobiya oo Dib uga Baxay B/weyne, Maleeshiyo Cusubna ku wareejiyay
Sida uu ku soo waramayo Wariyaha Shabakadda Somalimirror ee Gobolka Hiiraan Ciidamadii Gumeysiga Itoobiya ee 02:00 Duhurnimo soo galay Gudaha Magaalada Balad-weyne ayaa iskaga baxay ka dib markii ay Maleeshiyo Cusub oo ay soo Tabo bartay ku wareejisay kuwii horey u sii joogayna ay u qaaday dhinaca Deegaanka Ceel-gaal.
Wariyaha ayaa sheegay in ka yar Hal Saac Gudaheed oo ay Ciidamada Gumeysiga Itoobiya ku sugnaayeen Gudaha Balad-weyne ay kaga saareen Maleeshiyaadkii DKMG ah iyo Xoogagii MMIS ee ku biiray DKMG ah isla markaana ay u sii qaadeen Dhinaca Deegaanka Ceel-gaal, waxayna Magaalada dhinaceeda Bari ku wareejisay Maleeshiyo Cusub oo ay ku soo Tabo bareen Gudaha Itoobiya isla markaana wadata Tuute Guduudan sida u wariyuhu hadalka u dhigay.
Maleeshiyaadka loo sii qaaday Dhinaca Ceel-gaal waxaa la sheegay inuu Hogaaminayo Col. Mukhtaar Afrax Taliyaha Ciidamada DKMG ah ee Gobolka Hiiraan.
Ciidamada Gumeysiga Itoobiya ayaa la sheegayaa in ay Dib ugu laabteen Buurta Janta-kundisho iyo Garoonka Ugaas Khaliif oo ay markii hore ka soo ruqaansadeen.
Ciidamada Gumeysiga Itoobiya ayaa u Muuqda kuwo ku Khasban inay Caawiyaan DKMG ah si ay iskaga difaacdo Xoogaga Islaamiyiinta, waxayna Tababaro iyo Taageeraba Milatariba sii saa Maleeshiyaad kala Magac duwan waxayna dhanka kale iska ilaalinaysaa inay Gudaha Gobolada Qaarkood kula Dagaalanto Xoogaga Islaamiyiinta.
Dadka Qaar ayaa u arka haddii ay Xoogaga Islaamiyiintu Cagta mariyaan Dhamaan Maleeshiyaadka kala magaca duwan ee ay Itoobiya dabada ka wado inaysan isa seegayn iyaga iyo Ciidamada Gumeysiga Itoobiya oo ay Dagaalo ka fool ka fool ahi iskaga hor imaanayaan.


