Sabti, August 22, 2009(HOL): Xoogagga Xarakada Shabaabul Mujaahidiin oo ka mid ah dhinacyda ka soo horjeeda Dowladda Soomaaliya ayaa mar kale gudaha u soo galay Xaafadda Howl-wadaag ee Magaalada Beledweyne oo ay shalay isaga baxeen kadib markii ay Magaalada soo galeen Ciidamo Itoobiyaan ah oo ay la socdaan Ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda Soomaaliya oo markii ay ka baxeen Xaafadda Howl-wadaag Xoogagga Xarakada Shabaabul Mujaahidiin la wareegay.
Laakiin wax yar uun kaddib markii ay dib u laabteen Ciidamadii Itoobiya ee soo galay Magaalada Beledweyne waxaa mar kaliya laga maqlay maqribnimadii xalay Xaafadda Howl-wadaag rasaas culus oo ay is-weydaarsanayaan Ciidamada Dowladda iyo kuwa Xarakada Shabaabul Mujaahidiin oo si rasmi xalay ula wareegay gacan ku heynta Xaafadda Howl-wadaag ee Magaalada Beledweyne.
Ciidamada Dowladda Soomaaliya ayaa difaac uga jira Buundada LiiqLiiqato oo ah bar ay ku hardamaan labada dhinac, waxaana mar marka qaar la maqlayaa rasaas culus oo ay isku ridayaan Ciidamada isku hor fadhiya Buundada.
Dadka ku dhaqan Magaalada Beledweyne ayaa si weyn uga cabsi qaba dagaal ku dhaxmara magaalada dhinacyada iska soo horjeeda xili waliba la guda galay Bisha Barakeysan ee Ramadaan, waxaana si gaar ah wal walkan u muujinaya ganacsatada magaalada ee xiliyada habeenkii shaqeysta inta lagu guda jiro Bisha Ramadaan.
Where is the cry for: Holy Jihad against kuffars

This group can only fight somalis.