

The Reer iidle community are getting big in Oog, where is Gurey he could give us more Infrmation on this Matter

Suldaan Madar Maxamed Ducaale oo horaantii bishii july lagu caleemo-saaray magaalada Ceerigaabo ee gobolka Sanaag ayaa shalay si ballaadhan loogu soo dhaweeyey magaalada Oog ee degmada Caynabo ee gobolka Sool.
Suldaan Madar oo ka soo kicitimay degmada Gar’adag ee gobolka Sanaag ayaa markii uu soo gaadhay duleedka magaalada Oog oo ku taal waddada laamiga ah ee u dhaxaysa Caynabo iyo Laascaanood waxa ka hortegay dadweyne badan oo ay horkacayeen odayada iyo waxgaradka deegaankaasi,iyaga oo u soo gelbiyey magaalada isla markaana martiqaad ballaadhan u sameeyey.
Sidoo kale Suldaan Madar oo markii hore ka soo boqoolay degmada Ceel-afwayn ee gobolka sanaag ayaa waxa si wayn loogu soo dhaweeyay degmada Garadag, halkaas oo loogu loogay goolal, isla markaana waxa uu halkaasi kulamo kula yeeshay waxgaradka iyo cuqaal dhaqameed.
Suldaan Madar oo ah nin dhalinyaro ah oo ka soo jeeda qoys caan ka ah Somaliland, gaar ahaan gobolada bariga Somaliland, waxa uu saaxada madaxdhaqameedka Somaliland ku soo biiray 11-kii bishii July ee sannadkan 2009, xiligaas oo lagu caleemo saaray markaas oo lagu caleemo saaray magaalada Ceerigaabo xaflad ballaadhan oo ay ka soo qaby galeen Madaxdhaqameed, siyaasiyiin, waxgarad iyo dadwayne aad u tiro badan.