Xisbul Islaamka Gedo oo Beeniyay inay ku biireen Al-Shabaab

Dadka ku dhaqan ama ka imaaday gobolkan

Moderators: Moderators, Junior Moderators

User avatar
CoolPoisons
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 10533
Joined: Sun Dec 16, 2007 7:23 am

Xisbul Islaamka Gedo oo Beeniyay inay ku biireen Al-Shabaab

Post by CoolPoisons »

Afahayeenka Xisbul Islaam ee Gobolka Gedo Farxaan Cabdi Cilmooge oo la soo xiriiray Shabakadda Warbaahinta ee Somalimirror ayaa Beeniyay warka sheegaya in Maamulka Xisbul Islaam ee Gobolka Gedo ay ku biireen Xarakadda Shabaabul Mujaahidiin wuxuuna arintaasi ku tilmaamay mid waxbo kama jiraan ah.

Farxaan oo arintaasi ka hadlayana waxa uu yiri “Warka ku saabsan in Xisbiga Gedo uu ku biiray Walaalaha Xarakadda Shabaabul Mujaahidiin, waa waxbo kama jiraan, Raga arintaasi ka hadlayna ma ah Mas’uuliyiin Xisbiga iyo Gobolkaba ku Shuqul leh, waxayna ka hadleen oo kaliya Fikirkooda oo ah inay ku Qanceen Fikirka Walaalaha Xarakadda Shabaabul Mujaahidiin, Fikirkana waa lagu kala duwanaan karaa, laakiin in Maamulkii xisbiga ee Gedo uu ku biiray Xarakadda Shabaab waa war aan sal iyo raad toona lahayn”.

Mar aanu weydiinay in Xubnaha ku biiray Xarakadda Shabaabul Mujaahidiin ay ka tirsanaayeen Xisbiga ayaa waxa uu yiri “Haa way ka tirsanaayeen laakiin Waa Ashkhaas ee Maamulkii ma aha, Shakhsiguna Fikirka walaalkii kale wuu ku qanci karaa”.

Hadalkan ayaa imaanaya xili Ku simaha Gudoomiyaha Maamulka Xisbul Islaam ee Degmada Luuq Axmed Maxamuud Salaad (Axmed Suudaani) oo la hadlay Warbaahinta uu sheegay in Xoogagooda ku sugan Gobolka Gedo ay ku biireen Xarakadda Shabaabul Mujaahidiin.
User avatar
zingii
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9937
Joined: Thu Sep 11, 2008 2:43 am
Location: Agah, Arlee, Boowe, Gaw, Nooh.

Re: Xisbul Islaamka Gedo oo Beeniyay inay ku biireen Al-Shabaab

Post by zingii »

Does this mean QILAAF?
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Provinces - Gedo”