Students Graduate in sudan khartoum pics

Daily chitchat.

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
User avatar
Khalid Ali
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 32728
Joined: Mon Oct 18, 2004 11:03 am
Location: Suldaan Emperior Gacanyarihisa

Students Graduate in sudan khartoum pics

Post by Khalid Ali »

SDSWO (Sudan 22/08/09) Dalka Suudaan ayaa waxa uu ka mid yahay dalalka ay ardayda Somaliland ay u tagaan inay waxbarasho ka helaan oo ay jaamacado ka galaan iyadoo sanad walaba tiro badan oo arday ahi ka qalinjebiyaan kuliyadaha kala duwan ee jaamacadaha Suudaan.

Image

Waxa caawa si heer sare ah loogu qabtay xarunta “ fardooous theatre ” eek u taala caasimada dalka sudan ee Khartoum , xafladii qalin jabinta ee ardayda reer somailland ee sanadka 2009 ka .

xafladan oo si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa waxa ka muuqatay wajiyada ardayda qalin jabisay farxad iyo rayn rayn aan lasoo koobi karayn, waxa xaflada kalmad aad u qiimo badan ka jeediyay Dr xatim oo ka tirsan maamulka jaamacada afrika oo ay ardayda intooda badani ka qalin jabiyeen.

Image

Hadaba tirada ardayda qalinjabisay oo ahayd afartan arday ayaa waxay kasoo kala baxeen dhamaan kulliydaha iyo jaamacadaha kala duwan eek u yaala dalka sudan ,

Image


Waana markii ugu horaysay ee tiro intaa leeg oo arday reer somalilnad ka baxdo jaamacadaha dalka sudan, waxaanay isugu jireen aradayda qalin jabisay qaar markii hore kasoo baxay dugsiga xamdan iyo qaar kasoo baxay iskuulada dawliga ah

Image

Xafaladan oo si heer sare loo soo agaasimay waxa kasoo qayb galay gudoomiyaha multaqaha ardayda reer somalilana mudane : caydaruus maxmed axmed waxa kalo kasoo qayb galay shaqaalaha hayadaha qaramada midoobay iyo shaqaalaha shirkada dahabshiil ee sudan qaar kamida , oo ay kamid ahaayeen DR c/xakiim caga yare iyo DR muuse dahir {muuse dheere } , hadaba xafladan oo ku dhamaatay jawi farxad iyo deganaani ka muuqato ayaa lagu tilmaami karaa tii ugu wanaagsanayd ee ka shacda dalka sudan ee ay samaysteen arday reer somaliland ahi, sawirada xaflad halkan ka eeg.


Image
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “General - General Discussions”