Soomaaliya iyo Puntland

Dedicated for Puntland politics and affairs.

Moderator: Moderators

Aseelah-Raaida
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1590
Joined: Wed Apr 01, 2009 10:43 am

Soomaaliya iyo Puntland

Post by Aseelah-Raaida »

Gaalkacyo: Qodob-Qodob uaqri waxyaabaha ay ku heshiiyen dowladda Soomaaliya iyo Puntland.
23. august 2009

APL
Tool

Send This Article To A Friend By Email | Saaxiibkaa warkaan ugu dir Email
Print This Article | Daabaco warkaan
Gaalkacyo(AllPuntland)- Heshiiska maanta lugu saxiixay Hotelka Taar City ee magaalada Gaalkacyo, qodobada la gaaray ayaa ah kuwa si toos ah maalmihii ugu dambeeyey loo hadal hayay, waxaana Madaxtooyada Puntland iyo Dowladda Soomaaliya-ba ay diideen in ay bixiyaan waraaqaha lasaxiixay.

AllPuntland wuxuu helay Nuqul ka mid ah heshiiska ay dhinacyadu saxiixeen oo ay ka muuqdaan waxyaabaha laysku afgartay saq barkii xalay, isla markaasna ku taariikheysan maanta, ayna ku yaaalaan Saxiixyada Madaxweynaha dowladda Puntland iyo Raysalwasaaraha dowladda Faderaalka ee Soomaaliya.

Waxa ayna qodob-qodob ukala qaadeen waxyaabaha lugu heshiiyey, waxa ayna intooda badan udhacayeen kuwa marba mawduuc gaar ah taabanaya.

Waxbarashada.

Waxbarashada waxaa laysku raacay in ay dowladda Puntland yeelato 25%, Deeqahaha Waxbarasho ee la helayo, isla markaasna Ardaydaasi ay ka baxaan magaalooyinka waa weyn iyo kuwa yar-yar ee Puntland.

25% waxa ay noqon doonaan kuwa lasiinayo Deeqaha Waxbarashada ee laga helayo dalalka Caalamka, isla markaasna ay arrintaasi ka wada shaqeynayaan Wasaaraddaha Waxbarashada ee dowladda Soomaaliya iyo dowladda Puntland.

Burcad Badeeda.

Dowladdaha Puntland iyo Faderaalku waxa ay isku raaceen qorshe wax looga qabanayo Burcad Badeeda ka howlgasha biyaha Soomaaliya, gaar ahaana Sohdinta ku aadan Biyaha Puntland, waxa ayna dowladda Soomaaliya gacan ka siinaysaa dowladda Puntland in ay wax ka qabato burcad Badeedaasi.

Iskaashiga dhinacyada ee Burcad badeeda ayaa noqon doonaa mid dhaqaalaha dhinac walbaa helo lugu wajihi doono Kooxaha Burcad badeeda Soomaalida ah, waxaana aan suuragalin qodob ahaa in Puntland laga dhigo xarunta lugu tababarayo ciidamada Badda ee dowladda Soomaaliya ay howshooda ku jirto, maadama ay Burcadu ku badan yihiin Biyaha deegaanada Puntland.

Amniga iyo Ciidamada.

Dowladda Faderaalka & Puntland ayaa iskaga afgartay Arrimaha ciidamada, waxaana laysku raacay in Puntland taageero arrimaha tababarada ciidamada, isla markaasna ay Nambar cad yeelan doonto, balse luguma qeexin cadadkaasi.

Sahayda ama hubabka ay helayso dowladda Soomaaliya ee Milateri, waxaa lugu sheegay heshiiska in ay qeyb leedahay dowladda Puntland ee Soomaaliya, ayna noqon doonaan kuwa cad-cad oo ay dhinacyadu hirgalin doonaan.

Dastuurka iyo Faderaalka.

Arrimaha Sharciyada iyo Faderaalka waxaa looga heshiiyey in ay dowladda Faderaalka ee Soomaaliya ay gudiga diyaarinaya Dastuuraadka iyo Arrimaha faderaalka ay saldhigoodu noqdaan caasumada Puntland ee Garowe Soomaaliya, ayna wada diyaariyaan Dastuurka iyo Arrimaha Faderaalka gudigaasi oo ay la socdaan gudi ay ku darsan doonto dowladda Puntland ee Soomaaliya.

Gudigan ayaa howshooda bilaabaya bilaha fooda inagu soo haya, ayadoo lasheegay in ay Gudigu noqon doonaan kuwa lugu soo xulayo aqoon, Waayo aragnimo iyo Sumcada ay Bulshada ku dhex leeyihiin.

Xiriirka Dibada.

Sida ku cad Nuqulka ay heshay AllPuntlad, arrimaha Xiriirka dibada waxaa Madax banaani buuxda loosiiyey dowladda Puntland in ay saxiixi karto heshiisyada caalamiga ah iyo arrimaha khuseeya deegaanada Puntland.

Labada Xukuumadood waxa ay isku raaceen in markii la dhiso Maamul gobaleedyada kale ee dalka, lana sameeyo xeerka lugu hagayo dowlad gobaleedyada ay markaasi Puntland ka hadli doonto xeerkaas iyo raacitaankiisa, balse inta ka horeysaysa waxaa lugu heshiiyey in ay Puntland u Madax banaanaato heshiisyadeeda Dibada.

Dowladda Faderaalka ayaa balan qaaday in ay xushmeyn doonto heshiisyada ay Puntland lagasho dowladdaha iyo Shirkadaha Caalamiga ah, kuwasoo gaar utaabanaya danaha gobalada Puntland ee Soomaaliya.

Qeybsiga Dhaqaalaha.

Wada hadalada mudadii ay socdeen waxaa is afgaran waa ka dhacay Dhaqaalaha sida loo qeybsanayo, taasoo aan maanta laga mid dhigin qodobada lugu qeexay heshiiska ka koobnaa 15-ka qodob ee ay saxiixeen Madaxweyne Faroole iyo Raysalwasaare Sharmaake, waxaana laga gaabsaday falanqeynta qodobka dhaqaalaha, nuqulka ay heshay AllPuntland kuma cada qodobkaasi, inkastoo uu ka mid yahay qodobadii qornaa.

Hay'addaha Caalamiga ah.

Heshiiska ayaa sidoo kale lugu qoray In Hay'adaha Caalamiga ah ee qaabilsan Soomaaliya ay ka furtaan gobalada nabdoon ee Soomaaliya xaafiisyadooda, gaar ahaana gobalada Puntland.

Furitaankan ayaa lugu sheegay mid kor uqaadi doona in ay Hay'adahaasi meel sare gaarsiiyaan shaqada ay uhayaan Shacabka Soomaaliyeed, waxaana lugu dhiirigaliyey Hay'adaha QM iyo kuwa Caalamiga ahba in ay qaadaan talaabo kasta oo ay ku dhaqan-galiyaan arrimahaasi.

Dhamaadka.

Qodobadan ayaa ka mid ahaa waxyaabaha ku qornaa Nuqul ka mid ah qoraalada ay saxiixeen Madaxda dowladda Faderaalka iyo Madaxda dowladda Puntland, waxaana goobta saxiixa jooga labada dhinac oo aysan cidna ka maqneyn iyo Saxaafada oo goob joog ahayd, waxaana aqriyey qodobada oo saxaafada hortooda ku saxiixay Madaxweynaha dowladda Puntland oo usaxiixay Puntland iyo Raysalwasaaraha dowladda Soomaaliya oo usaxiixay dowladda faderaalka ee Soomaaliya.

F. C. Maxamed
AllPuntland, Garowe, Puntland, Somalia






Puntland and Somalia’s government sign agreement
23 Aug 23, 2009 - 10:06:17 AM

Galkayo, Somalia:- Puntland State of Somalia and the country’s Transitional Federal Government (TFG) has today signed a final agreement on how the two parties can cooperate until the federal system of Somalia is finalized, Radio Garowe has reported.

The agreement, which contains 15 points, breaks initial deadlock over divisive issues regarding the security, constitution, social affairs [Education, health] and power distribution based on the National Charter that was agreed on by Somali factions in Kenya 2004.

According to the agreement, Puntland will be a base for counter-piracy operations, host the process of drafting federal constitution, and receive 25% of the education funds allocated for Somalia including scholarships.

It also allows Puntland to participate in international conferences on Somalia alongside TFG officials, enter into agreements with international agencies and commercial deals with foreign companies until Somalia's federal constitution is passed and approved in a public referendum.

The Federal Constitution will define the power of the Federal Government and Regional Governments.

The signing which took place in Galkayo, the provincial city of Mudug region, was honored by Somali prime minister, Omar Abdirashid Sharmake and Puntland president, Abdirahman Mohamed Farole.

The TFG delegation headed by Somali Prime Minister, Omar Abdirashid Ali Sharmake have been in Puntland for a week in their first visit since the TFG was expended in January to include moderate Islamist faction of President Sheikh Sharif Sheikh Ahmed.

In Djibouti Agreement which paved the way for the expansion of the TFG, Puntland was excluded from the process, allowing President Sheikh Sharif's political supporters to "appoint" lawmakers in Somalia's expanded parliament for every region, including Puntland, without consulting local powers.


GAROWE ONLINE
paidmonk
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 11989
Joined: Wed Dec 31, 1969 7:00 pm
Location: http://majerteen.blogspot.com/

Re: Soomaaliya iyo Puntland

Post by paidmonk »

Puntland has never gotten the TFG donor money, the money kept going straight to Xamar and A/Yusuf didn't give a shit about that. I'm glad Faroole is milking the TFG for Puntland's benefit, the first leader who cares about the state and not obsessed with other delusions.
Aseelah-Raaida
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1590
Joined: Wed Apr 01, 2009 10:43 am

Re: Soomaaliya iyo Puntland

Post by Aseelah-Raaida »

paidmonk wrote:Puntland has never gotten the TFG donor money, the money kept going straight to Xamar and A/Yusuf didn't give a shit about that. I'm glad Faroole is milking the TFG for Puntland's benefit, the first leader who cares about the state and not obsessed with other delusions.
So far Faroole has proved himself to be a competent leader. :up:
User avatar
abdisamad3
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 12628
Joined: Sat May 30, 2009 10:18 am
Location: Kismayo

Re: Soomaaliya iyo Puntland

Post by abdisamad3 »

The TFG refused to make Puntland the headquarter of the pirate fighting.. :down: :down:
User avatar
Khalid Ali
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 32728
Joined: Mon Oct 18, 2004 11:03 am
Location: Suldaan Emperior Gacanyarihisa

Re: Soomaaliya iyo Puntland

Post by Khalid Ali »

Heshiskan waxba kama jiiran waad arkii doonta marka xammar la geeyoo xata barlamaanka lama soo hor dhigayo , wax aan jiireyn uun baa laga so qaadaya , just like waagii cabdilahi yusuf iyo geedii :mrgreen:
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Puntland”